Saturday, June 14, 2014

Shabaabka Oo Shaaciyey Waxa ay ku Abaal-marin doonaan Askarta AMISOM Iyo Ciidanka Somalida Ka Tirsan Ee Hubka Ula Soo Gasha

Barawe:June,14,2014(Himilo)-Kooxda Ka Dagaallanta Koonfurta Somalia ee Al-shabaab, ayaa  Ballanqaad  ay ku dhiirrigelinayso u samaysay Ciidanka qalabka u sida Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud.

shaeUrurka ayaa ku dhawaaqay inay  Hubka lacag wanaagsan ka siisan doonaan Askari kasta oo ka soo Goosta Ciidanka Dawladda iyo kuwa AMISOM, isla-markaana ay si wanaagsan u soo dhaweyn donaan.

Wakiilka ururka Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Gedo Sheekh C/raxmaan Sayid, ayaa hadalkan jeediyey mar uu la hadlayay warbaahinta ku hadasha Afka ururka Al-shabaab, waxaana uu askarta ugu baaqay in ay kasoo baxaan dowladda oo uu cadowga ku tilmaamay ayna lasoo saftaan Ururka Al-shabaab.

 

"Askarigii Cadowga kasoo goosta, hubka uu wato waan u lacagaynaynaa, haddii uu rasaas watto, booshashka, qiimo kasta oo uu jooga hubka uu lasoo goosto ayaan siinaynaa" ayuu yidhi Sheekh C/raxmaan Sayid.

 

Hadalka Wakiilka Ururka Al-shabaab u qaabilsan gobolka Gedo ayaa imanaya iyadoo 7- askari oo kasoo goostay dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isku soo dhiibeen Al-shabaabka Gobolka Gedo, waxaana uu sheegay in ay Diinta islaamka Bari doonaan oo ay soo dhaweynayaan askarta soo goosanaysa.

 

"Muddo Labo cisha ah ayaa diinta lagu barayaa, meel ayaa la dajinayaa, waana la wanaajinayaa, haddii inta uu soo goosto qori ama hub uu wato lama odhanayo qoriga keen lagamana dhaco, ee waa loo qiimaynayaa" ayuu yidhi C/raxmaan Sayid.

 

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ururka Al-shabaab uga Dan leeyihiin sidii ay niyadda uga jabin lahaayeen Ciidamada dawladda Federalka ah ee dagaalka kula jiraan.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment