Monday, June 16, 2014

Wasaaradda Maaliyadda Oo Hay’adaha Kala Duwan ee Dalka Ugu Baaqday Inay Soo Xareeyaan Qorshahooda Sanad-miisaaniyadeedka 2015-ka Oo Dhawaan La Gudo Geli Doono

Hargeysa:June,16,2014(Himilo)-Hawl-wadeennada Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa Gudo galay Lafogurka Sanad-miisaaniyadeedka 2015-ka ee Somaliland.

samsamaaWasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa soo saaray Wareegto uu Hay’adaha Kala Duwan ee Qaranka ku wargeliyey inay Soo Gudbiyaann Qorshahooda sanad-miisaaniyadeedka Soo socda, kuna soo Hagaajiyaan Xafiiska Qorshaynta.

Wareegtada wasaaraddu soo saartay ayaa u dhignayd Sidan:

“masuuliyiinta wasaaradaha iyo Hay’adda Dawladda waxaan ugu baaqayaa inay ka soo qayb galaan shirarka lagu falanqayn doono ku talagalka Miisaaniyadda 2015-ka oo bilaabmi doona bisha Augost, haddii kale waxa ku talagalka Miisaaniyadooda u samayn doonta wasaaradda Maaliyadda” ayaa lagu yidhi digreetada.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa labadii sano ee uu xilka hayey wasiir Samaale sanadkasta miisaaniyadda wakhtiga loogu talogalay ka Ansixisa Golaha Wasiiradda iyo Golaha Wakiiladda, waxaanay dhaqan galisaa kow-da bisha koowaad ee sanad kasta.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment