Sunday, June 1, 2014

“Xababadaad ka carartay ayaad waliba ku ordaysaa maanta adiga iyo inamadan yaryar ee aan waxba ogayni, car hadday kaa dhab tahay telefishankaas kaalay labadeenaa ka……” Muj. Dhegoweyne

Hargeysa, June,01,2014(Himilo)Afhayeenka Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Somaliland Ibraahim  Cabdilaahi Xuseen Dhegoweyne ayaa  ka Hadlay Tallaabooyinkan muddooyinkii dambe xukuumadda Somaliland ku soo cusboonaaday oo ay ugu horrayso qabqabashada xubno ka mid ahaan jirey Golaha Wasiirrada.

dheogoMujaahid Dhegoweyne waxa uu xaaladda ay maanta Somaliland marayso ku tilmaamay mid burbur ah,isagoo xusay in Hay’adihii dalka intoodii badnayd ay  baaba’ yihiin.

Ibraahim Dhegoweyne waxa uu sheegay inay Guddida diiwaan gelinta uu madaxweynuhu u iscticmaalo sida Maxkamadda oo kale, balse  ay yihiin sharci darro disrtoorku tilmaamay in  sharciyadoodii dhamaatay markii ay shaqadooda Guteen,  “xaaladda maanta aynu ku jirnaa waa xaalad Burbur ah, mala ninna way u wanaagsan tahay umadda inteeda kalena  dhinac bay ka taagan tahay oo waxay u aragtaa inaanay waxba jirin, Golayaal way Baaba’een, Sharciyaddi way Baaba’day, Maxkamado way Baaba’een, waakaa afarta carruur ah soo safaya maalin walba eel eh way dhaceen, Diiwangelin wax la yidhaahdo maxkamad buu ka dhigtay oo aan jirin oo aan sharciyeysayn oo aynu ognahay inay diiwaangeliyaan oo ay ka baxaan Meesha oo distuurkta sidaas ugu qoran.” Ayuu yidhi ibraahim dhegoweyne.

Waxa uu xusay in Xilligii lagu jirey Halkagankii adkaa ee dalka Lagu xoraynayey uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Gabadday inuu rasaasta iyo dhibka u badheedho, isla-markaana xilli guushu kaabiga soo Haysay uu dalka Dibadda uga Baxay, waxana uu yidhi,

“Dunuubtan waddanka  laga Gelayo axmed Siilaanyo ma waxa uu u haystaa in si yar intuu iskaga tago, inaan carruurtan uu laynayo dadkan uu xababada la dhacayo, dhiiggan dhacaayo burrito way ku xumaan doontaa, axmed waa kii ka cararay run baan idiin sheegayaaye 31, ay iyo 27-kii wuxuu ka baxsaday halgankii SNM, London baanu  u cararay maalintii la soo gelaayey, waa maalinta xataa dawladdii Ethiopia ay yaabtay,”

 

Mujaahid Dhegoweyne oo markale la Hadlaya Madaxweynaha ayaa yidhi, “waar xababadaad ka carartay ayaad waliba ku ordaysaa maanta adiga iyo inamadan yaryar ee aan waxba ogayni inamadii aad ka dhuumatay, car hadday kaa dhab tahay telefishankaas kaalay labadeenaa ka doodaynee, wallee inaanay axmedow soconayn oo aanad ka faa’iidayn waynu is garanaynaa inaguye.”

Mujaahid Dhegoweyne waxa kale oo uu dhaliilay Habdhaqankii ay   madaxtooyadu cajaladha ugu duubtay  Khudbadii madaxweynaha, waxana uu su’aal  Geliyey  waxa laga sawiran karo ka Gabashadii madaxweynaha ee Saxaafadda Madaxa Bannaan.

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment