Sunday, July 20, 2014

Cilmi Baadhis: Muxuu Hadalka qofku Isku Beddelaa Marka Uu La Kulmo Qof Bilicdiisu soo jiidatay?

Waxaa jirta in abuurta bani aadamka ay iska leedahay waxyaabo cajaaiba oo uu keeno kolba dabeecadaha ku gedaaaman halka uu ku noolyahay iyo waliba nolosha dadka la nool ee uu la wadaago dhaqanka, afka iyo isdhexgalka bulshooyinka kala duwan ee caalamka, hadaba waxaa cilmi baadhistan waxaa  sameeyay jaamacada caanka ee lagu magacaabo Stirling University waxaana ay ka hadlaysaa in hadalka iyo codka qofka rag iyo dumar labaduba uu is badalo marka uu la kulmo qof ama shaqsi soo jiidasho leh oo jiniyad leh, kaasi oo ku abuura qofka waxyaabo kala duwan oo ku reebta maskaxdiisa raad, oo sababta in uu ku tamaniyo mar uun sidii uu qofkaasi ula kulmi lahaa isla markaana uga dhaadhicin lahaa hamigiisa iyo sida uu uga helay ee uu usoo jiitay.

cilmi baadhis hadalkaCilmi baadhistan oo uu hogaaminayay Stirling's Juan David Leongome ayaa waxaa lagu tijaabiyay 110 qof oo kala duwan oo rag iyo dumarba leh una dhashay wadamada ingiriiska iyo Czech Republic waxaanay is barbar dhigeen jawiga ay isku qaabilaan raga iyo dumarka marka ay isbaranayaan ee ay isa soo hor fadhiistaan.

Hadaynu soo qaadano ragu marka ay la kulmaan gabadh soo jiidasho leh waxaa ay inta badan isku dayaan in ay tusaan gabadhan ama ay ka dhaadhicyaan fikirkiisa iyo waxyaalaha uu kaga duwan yahay raga kale ee isaga khaaska u ah isla markaana waxay buun buuniyaan oo saaidiyaan nooca ay tahay shakhisyadiisa si uu uga helo soo jiidasho ama ogolaansho ku salaysan ku qanac ah, halka dumarkuna ay sameeyaan xeelado kala duwan si dabinka ay la maagantahay u gu rido  shaqsiga soo jiitay ee ay ka heshay, inta badana waxaa ay sameeyaan inay ninka tusaan quruxda jidhkeeda iyo meelaha kale ee ay ka qurux badantahay, iyadoo iska ilaalinaysa inay kula hadasho hadalo ninka dareesiin kara in uu ka boodo amaba ka hoos qaadi waayo.

Mr.Juan David Leongomez waxaa uu sheegay inay ogaadeen in inta badan raga iyo dumarka ay ka been sheegaan shakhsiyadooda iyo dabeecadooda, laakiin kaliya ay u sameeyaan si ay ugu qanciyaan qofka uu ka helay ama ay ka heshay, cilmi baadhistanina waxy hoosta ka xariiqday in dabeecadahaa iyo hadaladaa laga been sheegayaa ay fashilmaan marka ay labada qof si dhaba isu bartaan oo ay waayo wado qaataan, waxaana ay sheegeen in ay qayb muhiima ka qaadato marka labada qof isa soo hor fadhiistaan in la isticmaalo nooca hadalka aan tooska ahayn ee Xubnaha Jidhka laga dareemo, waxaana ka mida  in la ga wada hadlo wajiga, indhaha iyo madaxaba.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment