Saturday, July 12, 2014

Dawladda Ingiriiska oo ka hadashay Xadhigga wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga iyo Geeddi-socodka Wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya

“Birtain taageero dhaqaale iyo tababar ayey ka geysataa dhinaca ammaanka Somaliland. Waxaan ka samaynay horumar la taaban karo 18 bilood ee u dambeeyey,”

 

Hargeysa 12 July, 2014 (Himilo)- Dawladda Ingiriiska ayaa ka hadashay saraakiil sirdoonkooda ka tirsan oo la sheegay in loo diiday inay Xabsiga Mandheera ku booqdaan Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor oo xukuumaddu ku eedaysay inuu ku kacay arrimo dalka u horseedi kara amni-darro.

UnitMs. Lizzie Lovett oo ah Sarkaalad ka tirsan Saraafadda Ingiriisku ku leeyahay dalka Itoobiya, isla markaana dhowr jeer booqasho ku timi Somaliland, ayaa ka hadashay wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha ammaanka ee Somaliland iyo Ingiriiska, iyada oo sheegtay inay dawladdoodu dedaal dheeraad ah geliso tabobarro iyo dhaqaale ay ku taageerto hay’adaha Ammaanka Somaliland.

Haweenaydani waxa kale oo ay ka hadashay mawqifka dawladda Ingriiiska ee ku wejahan wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya, iyada oo dhinaca kale beenisay jiritaanka socdaal ay dalka ku yimaaddeen saraakiil ka tirsan hay’adaha sirdoonka Ingiriiska oo doonayey inay la kulmaan wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor.

Ms. Lizzie Lovett oo khadka telefonka ugu warrantay iyada oo ku sugan magaalada Addis Ababa wariye ka tirsan Wargeyska Himilo, waxa ay iftiimisay mowqifkooda la xidhiidha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

“Xukuumada Ingiriisku waxay dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Waxay khusaysaa xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan xidhiidhkooda mustqabalka. Waxaan rumaysan nahay in wada xaajoodku dariiqa ugu wanaagsan ee taa lagu gaadhi karo yahay,” ayay tidhi Ms Lizzie oo la weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa sababta ay dawladda Ingiriisku uga hadli weyday turraan-turrooyinka Soomaaliya ku wiiqayso wada-hadallada maadaama oo Britain dhidibada u taagtay wada-xaajoodka u socda labada dhinac.

Ms Lovett oo la weydiiyey Mowqifka dawlad ahaan ka qabaan la-dagaalanka weerarrada Kooxda Al-Shabaab ee sii xoogaysanaya iyo amni-darrada ku soo noqotay dalkaasi Soomaaliya iyo qorshaha uga dejisan beesha Caalamka ee Ingiriisku ka midka yahay inay gacan-buuxda ka geystaan taakuleynta hay’adaha ammaanka Somaliland, waxa ay ku jawaabtay, “Xukuumada Ingiriisku taageero dhaqaale iyo tababar ayey ka geysataa dhinaca ammaanka Somaliland. Waxaan ka samaynay horumar la taaban karo 18 bilood ee u dambeeyey,” ayey tidhi Ms Lovett.

Mar la weydiiyey inay jirana saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalkooda oo socdaal ku yimi Somaliland si ay ula kulmaan Wasiir ku-xigeenkii hore Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, waxa ay ku jawaabtay, “Maya, taasi wax jira ma ah. Ma jirin qorshe saraakiil Ingiriis ah ku doonayeen inay kula kulmaan wasiir xigeenkii hore. Waa arrin u yaala xukuumada Somaliland iyo nidaamkeeda garsoorka,” ayey tidhi Haweenaydan oo ah xoghaynta Safaaradda dalka Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa.

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor, ayaa xabsiga loo taxaabay dabayaaqada bishii May ee sannadkan, ka dib markii ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-du ay xilli habeenimo ugu dhaceen gurigiisa Magaalada Hargeysa. Cabdilahai Abokor ayaa maalmo ka hor xadhiggiisa wasiirro ka tirsan xukuumaddu ku eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin kooxo-diimeedyo ka jira Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Himilomedia.com                                                     

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment