Tuesday, July 22, 2014

Dhibaatada Dunida Muslimka iyo Xalkeeda – W/Q. Cabdicasiis Maxamed Ayax

Burburkii khilaafadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta, kadib muslimiintu waxa ay is arkeen uun iyaga oo cidla taagan oo waa ku baryey dib u dhac nololeedna ku sugan. Kadibna Yurubtii

ay qayb ka mid ah xukumayeen baa iyagii qaybsatay oo in yarba meel ku oodday welina sidii bay ugu oodan yihiin, Mana jirto ilaa maanta Dawlad Islaam ah oo Siyaasiyan xor ah ama madax bannaan, arrimehooda oo dhan Si toos ah iyo si aan toos ahaynba Waxa u go’aamiya reer galbeedka, taasna waxa u caddayn ah wax kasta oo Dunida Galbeedka u bannaan ta Muslimka waa ka xaaraan, Tusaale ahaan: Horumarka Siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed iyo milatari intaba uma madax bannaana. Waayo Intaa midna suuragal maaha in ummadi horumar ka samayso iyadoon Siyaasad ahaan Si buuxda ugu xor ahayn, Intaa waxa dheer iyada oo Dunida Muslimka xukunkeedii ay ku habsadeen daaquudo gumaysiga isu dhiibay oo dal iyo dad toona aan ka naxayn, oo danahooda gaarka ah dhaafsaday masiirkii ummadda oo dhan, iyadiina cabbudhiyey oo waxay Aqoonyahan, Waxgarad iyo Wadaad lahayd ba laba-dible u xidhay.

Sidaas oo ay tahay Muslimiintu waxa ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo halggan iyo iska caabbin badan, oo qolo waliba meesha ay joogtay ka bilawday, si ay gumaysiga uga baxdo Walina Socda, haddana waxa cad in aan la xoroobin muddo ku siman100 sano kadib burburkii khilaafada islaamka Oo dhibtii weli lagu jiro.

Marka sidaa xaal yahay Dadka badh ayaa marka ay arkaan sida Muslimiinta adduunka loo gumeeyay aad mooddaa in xalku ugu muuqday Si kale, macnaha meel aan Diinta ahayn oo afkaaro kale damcay in ay soo waaridaan, iyaga oo is leh dhibta kaga saaran dadka, kuwaasna arrinkoodu shaqayn waa Illeen wax aan ummaddu kugula qancin oo aanay iyadu raalli ka ahayn kula qaadan maysee.

Markaa xaggee wax ka khaldan yihiin? Waa su’aal is weyddiinteeda leh, laakiin jawaabteedu Fududdahay waayo? Ummad kasta mushkiladda iyo dhibta ku dhacdaa iyaga ayay ka timaaddaa, xalkuna Waa in uu isla iyaga ka yimaaddaa Ee aanay meel kale ka doonin ama cid kale ka Sugin.

Shaki kuma jiro doodina kama taagna in Diinta Islaamka Guul iyo Gobannimo Lagu gaadhayo adduun iyo aakhiro ba, Markaa haddaad aragto Muslimiin guuldarraysatay sida ay u fahmeen ama ay u dabaqayaan ayaa khaldan ama se Diintii ayay ku dhaqankeedii badh iska dhaafeen oo iyaga ayaa dhaqankoodii wax aan Islaami ahayn dhex wada, oo dariiqii toosnaa ka Baydhay, taasina waxa ay keensatay in iyada oon Muslimiinta Dunida laga dhaqaale badnayn oo laga xoog badnayn oo laga caqli badnayn haddana ay Guuldarraystaan oo cid waliba ka muraadsato naftooduna aanay wax qiimo ah dunida ka lahayn, meel kasta oo ay dunida kaga noolyihiinna waa looma ooyaan.!! wixii la doono lagu sameeyo Naftooda, hantidooda iyo sharaftooda sidii la doono loogu tunto, xadka mushkiladda haysataa waxa ay gaadhsiisantahay, In maanta Muslimiinta ku nool “Kashmiir” iyo “Falastiin” iyaga oo nool jidhkooda loo isticmaalo keydka xubnaha jidhka aadamaha (Human Spare parts ) Waxaas oo mushkiladi Waa dhaqan xumada Muslimiinta! taasna waxaa u markhaati ahTaariikda, bal u fiirso mar kasta oo ay Muslimiintu Gacanta sare ee dunida lahaayeen, dhaqankooda Diineeed iyo siyaasaddooduba Waxa ay ahaayeen mid hufan oo horumar iyo badhaadhe horseeday, markasta oo ay jabeen ama la qabsadayna Waa mar ay is dulimiyeen, qaybsameen, is colaysteen oo birta iska asleen, dabadeed aayar la qabsaday kadibna cadawgooda ayaa siduu doono ka yeelay.

Maantana taariikhdaa madaw ayaan markhaati ka nahay oo aan ognnahay, waaqica dunida aynu joognno iyo waxa ka dhacaya, hadday tahay meel ay iyagu is dulminayaan iyo meel lagu dulmiyayaba sida Falastiin Kashmiir Maynamar J.A.Dhexe, Ciraaq Suuriya Masar, Liibiya, Soomaa­liya, Yaman, Maali . Xalkuna waa in ay dhaqan wanaagsan la yimaaddaan Diintoodana Sida ay tahay ugu dhaqmaan Noloshooda adduunyana u fekeraan Oo ragannimo la yimaaddaan, intaa marka lala yimaaddo Naxariista Eebena way soo degi Insha’allah.

Cabdicasiis Maxamed Ayax

Email:abdiayah@gmail.com
Himilomedia.com         

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment