Monday, July 21, 2014

Diyaaradaha Maraykanka ee Hawada Ethiopia Isticmaala Oo Digniino Adag Loo Diray

New York:July,21,2014(Himilo)-Waxa Digniin adag loo jeediyey Diyaaradaha Maraykanka ee Sida Tooska ah u adeegsada Hawada Sare ee Dalkii la isku odhan jirey Ethiopia sababo amni awgood.

a32Waaxda Maamulka Duullimaadka Hawada ee Federalka Maraykanka “The Federal Aviation AdministratioN (FAA) ayaa ka mamnuucday inay Diyaaradaha Xamuulka iyo Ganacsiga dul maraan Hawada Sare ee dalka Ethiopia, maadaama aanu Ammaankeedu ahayn mid la isku hallayn karo.

Hadalkan ayaa lagu sheegay in la mamnuucay inay Diyaaradahaasi maraan Hawada Sare ee Waqooyiga Ethiopia qiyaas ahaa 12 Digirii, si aanay ula kulmin toogasho la mid ah Diyaaraddii Malaysia Airliens ee Khamiistii hore lagu soo riday Bariga dalka Yukrayn.

 

Wargeyska The Washington Post ayaa qoray inay Hay’adda Maamulka Duullimaadka ee Maraykanka (FAA) soo saartay Warbixintaasi looga mamnuucay inay Diyaaradaha Maraykanku adeegsadaan Hawada Sare ee Ethiopia.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey Khatarta ka jirta Geeska Afrika, waxayna Warbixinta u digtay inay Diyaaradaha Maraykanka khatar ugu jiraan inay Milliteriga Ethiopia toogtaan marka ay ku degayaan ama ka hinqanayaan Garoonka Diyaaradaha ee Degmadda Mandheera ee W/bari ee dalka Kenya.

 

Hay’adda Maamulka Duullimaadyadda Maraykanka waxay Digniintooda ku xuseen inay Degmadda Mandhera joogaan Xag-jirayaal ka hawlgala xuduudka saddex-geeskooda ee ay wadaagaan dalalka Kenya, Ethiopia iyo Soamlia.

 

Dhinaca kale, Hay’adda FAA waxay kaloo Diyaaradaha Xamuulka iyo kuwa Rakaabka ee Maraykanka ka mamnuuceen inay maraan Hawada Sare ee dalalka Somalia, Kenya, Yemen, Syria, Gacan-biyoodka Sinai ee dalka Masar, Waqooyiga Korea, Afganistan, Kongo, Ukraine, Libya iyo Iraq.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment