Thursday, July 17, 2014

General Indha-cadde Oo Mushkillada Koonfurta Somalia Ka Taagan Masuuliyadeeda Dusha Ka Saaray Maamulka Puntland

Muqdisho:July,17,2014(Himilo)-Gen. Yusuf Maxamed Siyaas (indhac-adde) oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamadii Somalia, haatanna ah Siyaasi Reer Muqdisho, ayaa dhibaatada Koonfurta somalia Haysta ku tilmaamay  mid ay masuuliyaydeedda wax ku leedahay Maamulka Puntland.

indhacadeMudane Indhacadde, ayaa tilmaamay in qaraxyada iyo dilalka Muqdisho maalin walba ka dhacayaa aanay ahayn qaar kaliya ay Al-shabaab ka masuul tahay, basle ay gacme kale oo Puntland ka kaw tahay faraha kula jiraan.

“Anigu waxaa rumaysanahay in Dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho ay dhici karto in Puntland ay ku lug leedahay kuwaas oo raba inaanay dagin magaalada Muqdisho iyo koofurta Somalia” ayuu yidhi Generaal Yuusuf Indha-Cadde.

Sidoo kale waxa uu Yuusuf Indho Cadde ku eedeyay Baarlamaanka inay qeyb ku lee yihiin ammaan darrida ka jirta magaalada Muqdisho, iyagoo hor istaagay inay ansixiyaan sharciga la dagaalanka Argagixisada oo hore loogu soo gudbiyay.

Puntland ayaa kamid ah deeganada xasiloon ee dalka Somalia, waxaana Indha-Caadde uu qiray in Puntland ay ku lug leedahay dhibaatada,weerarada iyo qaraxyada ka jira magaalada Muqdisho oo ay wax ka wadaan siyaasiyiin iyo maamulka Puntland ay ku lug leeyihiin.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment