
Faysal cali waraaabe waxa uu sheegay inuu shirweyne uu kaga qaybgalay Dalka Mexio uu kaga Hadlay Qaddiyadda Somaliland, isagoo si gaar ah u carrabaabay inuu Dadkii Shirka Joogay lasoo hadal qaaday Arrinta Taleex iyo Wada-hadallada Somalia iyo Somaliland ka dhexeeya,
“Markii Hore waxaan ka qayb galay shir ka dhacay dalka mexico halkaas oo ay shir laba maalmood socday ku lahaayeen asxaab aanu isku mabda nahay, waxaana ka soo qayb galay asxaab ka socda ilaa 79 dal, waxaan uga gudbay dalka Maraykanka oo aan kula kulmay wasaarada arimaha debada madax ka tirsan iyo Us Aid, waxaanan kala hadlayey qadiyada Somaliland, arimaha taleex, wada hadalada Somaliland iyo somaliya iyo doorashooyinka, waxaanan aad ugu sharxay baahida loo qabo in doorashada la qabto, waxaynu iibin jirnay waxay ahayd doorashooyinka, nabad galyada, dimuqraadiyada iyo madax banaanida saxaafada, markaas qodobkaas doorashooyinka dib ayuu inooga dhacay, waxaana loo baahan yahay in la qabto waxaana loo baahan yahay in diwaan gelin la qabto oo ay inaga caawiyaan, arimaha taleex waan uga waranay, waxaanu soo ogaanay inaynu aduunka ka go,anahay oo aynu aasanahay oo laynaga dhigay meel ay ka buuxaan argagixisadu dhulkeeniina la qaybiyey oo badh laga dhigay in laysku haysto, wax badan oo qalad ah oo aan laga daba tagin ayaa jira.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu ka hadlay arimaha biyaha caasimada Hargeysa, waxaanu soo jeediyey in laga daayo qabyaalada isla markaana loo daayo cida iska leh masuuliyada biyaha, waxa kale oo uu soo jeediyey in layska dhaafo qabyaalada lagaga hadlayo telefishanada isaga oo wasiiradana ku taliyey inay iska dhaafaan madax dhaqameedka ay abaabulaan waxaanu yidhi “Marka aanu debada joogno waxa aad lagaga sheekaysanayaa arinta biyaha Hargeysa oo noqotay fadeexad kale, arintaasna waa in laga daayo qabyaalada waana arin farsamo umada Somaliland meel kasta oo ay joogto waxay u baahan tahay biyo masuuliyaduna waxay saaran tahay dawlada, mashruucaas waa laynagu caawiyey, haddii aan faraha laga qaadin oo aan loo dayn dadkii xilkaas lahaa waxay noqon doontaa sidii warshadii sibidhka ee lagu heshiin waayey meeshana ku baabaday, arintaasna waxaanu jecel nahay inaanu xisbi ahaan galno, waana in laga daayo telefishanadan qabyaalada lagaga hadlayo waxaanan soo jeedin lahaa in laga mamnuuco arimahaas telefishanada oo baarlamaamku soo saaro sharci joojinaya in telefishanada qabiil lagaga hadlo, wasiirada abaabula ee salaadiinta yidhaahda hadla waxaanu leenahay ha joojiyaan arimahani waa ceeb, waana in loo jeedsadaa inay doorashadu dhacdo oo umada la mideeyo.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal cali waraabe ayaa muddo dalka kaga Maqnaa Safarro uu ku soo gaalaa Bixiyey waddamo Yurub iyo Amerika ku yaalla, waxana uu muddadii goobahaas ku maqnaa uu waraysiyo uu Bixiyey si weyn ugu dhaliili jirey Hannaanka Maamul ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda oo uu ku sheegay inay tahay mid Fashil ku dhaw.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment