Thursday, July 17, 2014

Madaxtooyada OO War-saxaafadeed Ka Soo Saartay Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Waxyaabihii uu Daarranaa

Hargeysa:July,17,2014(Himilo)-Golaha Wasiirrada somaliland ayaa Fadhigoodii Khamiislaha ahaa ee ay maanta Yeesheen ayaa lagaga Hadlay Sheegashooyin Koonfurta Somalia ee Goobaha ay Somaliland ka Arrimiso oo Cirka iyo Baduba ku jiraan.

riixAfhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay ka soo saaray waxyaabihii kulankaasi  lagaga Hadaly, waxana uu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa Sidatan:

Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto, Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.

Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Hadaba fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada.

Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay.

Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment