Saturday, July 12, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Masuuliyiintii Gobolka Daad-madheedh Isla markaana Magacaabay Masuuliyiin Cusub

Hargeysa (Himilo ) Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo ) ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka daad-madheedh Jamaal Xuseen Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka daad-madheedh Faarax Cabdi Xasan, waxaanu madaxweynuhu xilalkaasi u magacaabay masuuliyiin cusub oo kala ah guddoomiye Cali Cawil Cabdi halka guddoomiye ku xigeena uu u magacaabay Maxamuud Cali Axmed.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af hayeenka madaxweynaha ayaa lagu cadeeyey xilka qaadista masuuliyiintani iyo magacaabista masuuliyiinta cusuba waxaanu u dhignayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2643/072014 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolkaasi isla markaasina u magacaabay laba masuul oo cusub Gobolka Daad-madheedh.

 

MADAXWEYNUHU:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka,

 

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagadan,

 

Markuu La Tashaday:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wuxuu go’aansaday


 


 

In Mudane, Cali Cawil Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Maxamuud Cali Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

 

1.      Ku:      Mudane, Jamaal Xuseen Hurre

            Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh   

 

2.      Ku:      Mudane, Faarax Cabdi Xasan

            Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh     

 

Mudanayaal,

 

Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo hayseen xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cali Cawil Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh iyo Mudane, Maxamuud Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment