
Fadhiisimadda iyo goobaha ay awoodda ku leeyihiin Kooxaha Fallaagada ah ee dawladda Ukriane iyo ka mid ahaanshaha Ukraine-ba ka soo horjeeda ee Bariga dalkaas deggan, ayay Ciidammada dawladda Ukriane ku qaadeen weerarro dhinaca Cirka ah, isla markaana waxay ku duqeeyeen Diyaarada iyo Madaafiic ay ku garaaceen oo lala bartilmaameedsanayey goobahaas, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidammada dalkaasi.
Wakhtigii Xabbad-joojinta tobanka Maalmood muddadeedu ahayd, ayaa dhammaaday Habeennimadii Isniintu sii baxaysay, waxaanu Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko oo arrintaas ka hadlay, uu sheegay inay Fallaagadu curyaamiyeen fursadihii helidda iyo raadinta nabadgelyada, waxaanu si kooban u yidhi, “Camaasiir dembiilayaal ah ayaa curyaamiyey fursadihii helidda iyo dhawrista nabadgelyada.”
Madaxda dalalka Reer Galbeedka loogu yeedho iyo Ruushka, ayaa Madaxweynaha waddanka Ukriane ugu baaqay in la dheereeyo amaba la kordhiyo wakhtiga dhammaaday ee Xabbad-joojinta ku-meel-gaadhka ahayd ee u dhaxaysay Kooxaha uu Ruushku taageero ee Bariga Ukraine iyo Ciidammada dawladda Ukraine.
Madaxweyneyaasha Ruushka Vladimir Putin, Faransiiska Francois Hollande iyo Raysal-wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, ayaa dhammaantood Madaxweynaha waddanka Ukriane wadahadal dhinaca khadka Taleefanka ku dhex-maray kula yeeshay, isla markaana isla soo qaaday wakhtiga dhammaanayay ee xabbad-joojinta, sidaa awgeed-na Hoggaamiyaha Ukraine u soo jeediyey in la kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko oo Habeen-hore Khudbad ka jeediyey Idaacadda la iska arko ee dalkiisa ama TV-ga loo yaqaanno, waxa uu ku sheegay inay dagaallamayaan, isla markaana ay dalkooda ka xorayn doonaan Kooxaha ka soo horjeeda oo uu ugu yeedhay cadaw, Argaggixiso iyo Tuug.
“Waannu dagaallamaynaa, waanannu xorreynaynaa dalkayaga. Go’aanka ah in aynaan sii wadin Xabbad- joojinta waa jawaabtayada ku aaddan argaggixisada, Malleeshiyaadka iyo Tuugta.” Sidaa ayuu Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko ku yidhi khudbadda uu ka jeediyey Telefeshinka dawladdiisu Maamusho.
Hadalkan Madaxweynaha waddanka Ukraine, ayaa la sheegay inuu ku yimi Cadaadis xooggan oo ay Shacabka reer Ukraine ku muujiyeen Muddaharaadyo ay dhigayeen maalmihii u dambeeyey oo ay ku dalbanayeen in dib loo bilaabo hawlgallada Ciidan ee ka dhanka ah ama lagula dagaallamayo Kooxaha Gooni-u-goosadka ah ee Bariga Ukriane oo sheegay inay ka go’een Ukriane oo ay ka tirsan yihiin Ruushka oo taageera u fidiya Ciidan ahaan iyo Siyaasad ahaanba.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment