Diyaaradda shilka gashey ayaa ka kacday garoonka diyaaraddaha ee Jommo Kenyatta, waxaana ay ku rarnaa qaad tiro badan oo loo qoondeeyey in magaalada muqdisho lagu iibiyo.Booliska Nairobi ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday dhismooyin ganacsi oo ku yaalla aaga la yidhaahdo Utawala, waxaana afarta qof geeriyootay ay ahaayeen dadkii saarna diyaaradda.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay iska lahayd shirkadda Diyaaradaha Skyward Airline, taas oo inta badan qaadka geysta Magaalooyin ay muqdisho ka mid tahay.
Laba qof oo waardiyeyaal ka ahaa dhismayaasha ay ku dul burburtay ayaa dhaawac soo gaadhay, iyadoo haatan lagu daaweynayo cisbitaalo ku yaalla muqdisho.
Maalin kasta dalka Kenya waxaa ka yimaada diyaaraddo qaad sida oo geeya gobolada kala duwan ee Soomaalidu degto.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment