Ra’isal wasaaraha Yuhuudda Benyamin natanyahu, ayaa ku eedeeyey Kooxda Hubeysan ee Falastiin ee XAMAAS inay ka dambeeyeen afduubka iyo dilka dhaliinyaradaasi, wuxuuna ku goodiyey inay XAMAAS ciqaabi doonaan.Madaxweynaha Maraykanka, Obama ayaa cambaareeyey dilkaasi, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay is-xakameeyaan.
Madaxweynaha Maamulkla Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim ayaa isaguna cambaareeyey dilkaasi.
Maydadka dhallinyaradaasi oo da’doodu u dhexeysay 16 ilaa 19 jir ayaa laga helay magaalladda Alkhaliil ee Daanta Galbeed ee dhulallka la haysto ee Falastiin.
Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Yuhuudu arrintaas kaga jawaabtay Duqayn ba’an oo ay daanta Galbeed ku Qaadday, iyadoo Goobaha la duqeeyeyna ay ku sugan shacab aan waxba galabsan oo Reer Falastiin ahi.
Himilo Medida
No comments:
Post a Comment