Hargeysa, 20 July, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md ali Maxamed Waran-cadde oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adaha Ammaanka dalka oo uu ku jiro Taliyaha Sirdoonka Somaliland, ayaa shalay socdaal shaqo ugu amba-baxay dalka Itoobiya, waxaanay halkaas kula kulmi doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dawladda Federaalka ee Itoobiya.

Wasiir Waran-cadde oo sharraxayay ujeeddada uu socdaalkoodu daarran yahay iyo kulamo ay la qaadan doonaan hay’adaha dhinaca ammaanka ee dawladda Itoobiya, waxa uu yidhi, “Waxaanu rejaynayaa inaanu isla soo meel-dhigno arrimaha nabad-gelyada ee labada dal oo aanu isla falan-qeyno sida ugu wanaagsan ee aanu u wada-shaqayn karno iyo sida xuduudaha loo furi karo. Waxaanu ku maqnaan doonaan dhowr cisho.”
“Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo xuduud dheer wada-leh, cadow fara badan-na leh, waana lagama maarmaan in layska kaashado wixii nabadgelyada ku saabsan, muddana waa layska kaashanay, meel wanaagsanna runtii waa marayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Dhinaca kale, waxa shalay madaarka Caalamiga ah ee magaalada Hargeysa ka soo degay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis todobaadkii u dambeeyey safar shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya, isaga oo ka mid ah wefti wasiirro ah oo ku wehelinayay madaxweyne Siilaanyo socdaal uu todobaadkii hore ugu baqoolay dalka Ingiriiska, balse waxa uu wasiirku weftiga madaxweynaha kaga hadhay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya oo uu kulamo kula qaatay masuuliyiinta dalkaas.

“Raysalwasaaruhu (Itoobiya) wuxuu nagu yidhi si deg-deg ah ayaanu u furaynaa (Xuduudka) amra wuu bixiyey, shalay-na wasiirka Arrimaha dibadda ayaan la hadlay, wuxuu ‘si deg-deg ah ayaanu u furaynaa, waxaanu filaynaa inay si dhakhso leh u furayaan.
Wasiir Maxamed Biixi waxa uu sheegay in Xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya maalinta berri ah magaalada Addis Ababa ku yeelanayaan kulan layskula meel-dhigayo furitaanka Xuduudka Xidhan ee labada waddan. Isaga oo intaas ku daray in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyaha Sirdoonku dalka Itoobiya u tageen dhammaystirka heshiis seeska loogu dhigayo xoojinta ammaanka xuduudka labada waddan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment