Tuesday, July 8, 2014

Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo lagu qabtay Xadka u dhexeeya dalalka Austria iyo Talyaaniga

Roma, 08 July, 2014 (Himilo)- Ciidanka ilaalada Xuduuudaha dawladda Talyaaniga, ayaa gacanta ku dhigay oo qabtay Gaadhi kuwa Xamuulka ah oo ay saarnaayeen 21 Ruux oo Tahriibayaal ah, kuwaasoo doonayay in ay ka gudbaan Xadka u dhaxeeya dalalka Austria iyo Talyaaniga.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka ilaalada Xuduudka Talyaaniga oo lagu magacaabo Tarvisio, ayaa sheegay in dadkan la qabtay xilli ay isku dayayeen sidii ay ku soo geli lahaayeen Talyaaniga, waxaana la socday Baabuur kale sida laga soo xigtay Warbaahinta dalkaas.

tahriibWaxa dadka saarnaa Gaadhiga lagu qariyay qaybta danbe ee Boostakanaada loo yaqaan, iyaga oo isugu jiray Muhiijiriin ka soo kala jeeda waddamada kala ah Soomaaliya, Suuriya, Itoobiya iyo waliba Eriteriya, waxaana ku socda baadhitaanno ay wadaan laamaha amniga ee dalkaas.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gudaha dalka Talyaaniga, waxaa Muhaajirinitan dib u soo celiyay dawladda Asutria, iyaga oo dadka la qabtay ay ku jireen Afar Qof oo u dhashayay waddanka Hungary, waxaana  loo wareejiyay Xabsi ku yaalla Udine oo ka tirsan Talyaaniga.

Ciidammada ilaalada Xuduudaha Talyaaniga ayaa xoojiey muddooyinkan dambe ilaalinta iyo roon-dooyinka ay kaga hortagayaan arrimo lagu sheegay inay sharcip-darro yihiin, waxaana jirta tiro intaa ka badan oo waqtiyo kala duwan la qabtay.

Badhtimaha bishii la soo dhaafay ee June 2014 ayay Ciidammada Faransiisku qabteen Bas ay la socdeen shan Ruux oo Muhaajiriin ah, oo doonayay inay iska dhiibaan dalkaas, waxaana ay dib ugu soo celiyeen  Talyaaniga oo markii hore ay ka tageen.

Himilomedia.com                                

Hargeysa-Somaliland 

No comments:

Post a Comment