Deeqdan oo ka kooban 150 Kartoon oo Timir ah, dhaqaalaha lagu soo iibiyayna ay bixisay wasaaraddu, waxa Madaxa xarunta Agoomaha ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Saleebaan Jaamac Diiriye oo sheegay inay wasaarad ahaan isu xilqaameen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen daryeelka ubadka aggoonta ah ee dawladdu gacanta ku hayso.
Saleebaan Jaamac Diiriye oo ku hadlayey afka Wasaarada, waxa uu ballanqaaday inay Dharka Carruurta ee Maalinta Iidda ay kafaallo qaadayaan wasaarad ahaan.“Anigoo ku hadlaya afka Wasaaradda maaliyada waxaanu xarunta Agoomaha ku wareejinaynaa Timir dhan 150 Kartoon oo Wasaaraddu ugu deeqday carruurta, annagoo u rejaynayna carruurtaasna inuu ilaahay caafimaad ku siiyo. Waxaanan balanqaadaynaa inaanu dharkii Iiddana soo raacin doona haddii alle ka dhigo,”ayuu yidhi Saleebaan Jaamac.
Agaasimaha Xarunta Agoomha Caasha Maxamuud Qaalib oo halkaa ka hadashay, ayaa iyaduna dhankeeda ka mahad celisay Taakulada xukuumiga ah ee soo gaadhay, waxaanay tilmaantay inay tani tahay talaabo bilow ah oo u baahan in lagu daydo.
“Waanu uga mahad-naqaynaa Wasaaradda maaliyadda deeqdan illaahay haka abaal-mariyo, waa tii ugu horaysay ee nooga timi, waxaanan isleeyahay hadda waad isku soo dhawaateen Wasaaradda Maaliyadda, waxaanan idhaahdaa wasiirka Maaliyaddu waa ninka sanad kasta Bajadka idiin sameeya, markaa tiibuu ka jawaabay,” ayey tidhi Caasha Maxamuud Qaalib, Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeys-Somaliland
No comments:
Post a Comment