Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa wakhtiyo kala duwan u dhaliilay tayada hoggaamineed ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, iyaga oo si gaar ah u bartilmaameedsaday dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Arrimaha dibadda oo ay sheegeen in Xukuumaddu ku fashilantay.

“Caadiyan waxa dhaqan inoo ahayd Umadda Islaamka oo dhan bisha Barakaysan ee Ramadan in hadalkana la yaraysto laqwiga siyaasaddana la kala dhimo. Laakiin sida saxaafadda laga arkayey, waxa soo noq-noqotay xubno ka tirsan mucaaradka oo ay hormood ka yihiin xisbiga Waddani in maalmahan ay ku soo noq-noqonayeen saxaafadda iyaga oo fidinayay laba wax oo aan anigu ku soo koobay inay yihiin Hafar iyo Habaar,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Maxamed.
“Ta Hafar-ka oo ah inay ka warramaan oo dadka ku fidiyaan war aan sal lahayn oo ah inaan xukuumaddan maanta jirtaa waxba Qaban. Horaan u sheegayoo, ninka maanta yidhaahda xukuumaddani waxba may qaban, waxa u jawaabaya xaqaa’iqa dhulka yaala ama xaqaa’iqa qofka waddani ah ee Somaliland indhihiisa ku arkayo.
Marka loo yimaaddo ta ku saabsan habaarka ee marna ay Qaranka habaarayaan, mar umadda habaarayaan, marka madaxda habaarayaan, oo mar leeyihiin Qarankiiba waa dumayoo, adduunyadu waa ka kala dareertayoo, dadkii way iska kala dareerayaan, waxay ila taas umadda reer Somaliland way arkaysaa halkay wax marayaan… waa jirtaa mararka qaarkood arrimo amni oo Geeska Afrika oo dhan wada saameeya, maaha wax innaga inoo gaar ah. Maaha wax inoo gaar ah waxan ay ka hadlayaan xisbiyada mucaaradka ah ee ay leeyihiin Somaliland bay gaar u tahay.”
Dhinaca kale, Xildhibaan Siciid Cilmi oo ku hadlayey Afka xildhibaannada Golaha wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sool, waxa uu madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyey magacaabista gobolka Cusub ee Xaysimo ee xaruntiisu tahay magaalada Taleex oo hore uga tirsanaan jirtay gobolka Sool.
“Gobolka Xaysimo wuu ka duwan yahay gobolladii kale ee la magacaabay; Wuxuu kaga duwan yahay baaxadda dhulka marka laga reebo gobolka Sanaag, waa gobolka bed ahaan ugu baaxadda badan Somaliland,” ayuu yidhi Md Siciid Maxamed Siraadle, waxaanu intaas ku daray oo isaga oo ka hadlayey muhiimadda gobolka Xaysimo u leeyahay dalka.
“Ta labaad waa gobolka ugu taariikhda dheer Somaliland. Marka laga hadlayo Geeska Afrika, waxa la soo hadal-qaadaa halgannadii ka bilaabmay Geeska Afrika. Taleex Waxay saldhig u ahayd halgankii dadka reer Somaliland isticmaarkii Ingiriiska kula dagaalamayay. Maanta waxa la hadlaa Shidaalka iyo Gaasta, waa gobolka kaliya ee la hubo ee taariikhna ku leh oo shirkadaha hadda iyo kuwii wakhtigii Siyaad Barre ay wada-hadli jireen ee ay soo jeedeen. Waa gobolka Illaahay ku manneystay kheyraad Dabiici ah oo aan hubo inuu noqon doono, innaga oo kaliya maaha, inay u loo soo shaqo tagi doono sida Sucuudigaba loogu shaqo tagay,” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment