Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in ay masuuliyiiinta Xisbiyada mucaaradka ah waajib ku tahay inay Xukuumaddu ku garab-joogsadaan dagaalka ay ugu jiraan Arrimaha khuseeya danaha Qaranimada.“Marka dagaal lagu jiro, waa in masuuliyiinta Mucaaradku na garab galaan oo ay na taageeraan oo ay dagaalka bar-daamiyaan,”ayuu yidhi Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.
Axsaabta Mucaaradka ah, ayaa siyaabo kala duwan ugu dhaliilay Xukuumadda inay ka cago-jiidayso inay tallaabada ugu habboon kaga jawaab-celiso ballan-furka ay dawladda Soomaaliya kaga baxday heshiisyadii lagu gaadhay wada-hadalladii u socday labada dal oo maamulka Hawada Sare ku jirto.
Xisbiga UCID iyo WADDANI waxay ugu baaqeen xukuumadda inay isaga baxdo wada-hadallada Somaliya maadaama ay Xukuumadda Muqdisho ku qancisay Qaramada Midoobay inay kala wareegto maamulka Hawada Sare.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment