Berbera, 05 November, 2014-(Himilo):- Ciidammo ka tirsan ilaalada Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa dagaal gacan-ka-hadal ahi shalay ku dhex-maray Xarunta dawladda Hoose ee magaaladaas oo uu Wasiirku kula shirayey Masuuliyiinta dawladda hoose iyo Xildhibaanno Golaha Deegaanka ka tirsan, kuwaasoo ay ka wadahadlayeen Shaqaaqo Isniintii ka dhacday magaaladaas.

“Ciidanka Boolisku inuu nabadgelyada ilaaliyo weeye ee in lagu adeegto oo lagu gabraarto oo la yidhaahdo qabo hebel maaha. Maaha intay magaaladayadii iyo Xafiisyadayadii noogu yimaaddaan ay nagu garaacaan, waad arkaysaan in nalagu soo duulay oo hortiinna nalagu garaacay. Shacabka waxaan leeyahay yaan la idin-marin habaabinnin ee toosa.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre.
Sidoo kale, Xildhibaan Iid Saleebaan Cali oo isaguna halkaa Warbaahinta kula hadlay, waxa uu yidhi; “Waad aragtaan annagii nala soo doortay in nala garaacay oo hortiinna nalagu dilay, waxaannu u aragnaa nasiib-darro dhacday iyo sharcigii dalka oo la laabay, wax tallaabo ah oo Askartii garaacista nagula kacay laga qaaday-na ma jirto, annagii aad na soo doorateen ee ay ahayd inaannu xaqiinna iyo xaaladda jirta ka hadalnaba waad arkaysaan in nala garaacay.”

“Shalay (Isniintii dorraad) shaqaaqadii ka dhacday Berbera oo Niman Ganacsato ahi ay isku qabteen Dhul, taas ayaannu u tegnay Berbera inaannu dhammayno Insha ALLAAH. Waa dhul ay niman samaynayeen baa la igu yidhi, markaa qolo ayaa meel burburisay oo biro taagtaagan iyo wax burburisay. Xalkeeduna aad buu noogu dhadhaw yahay oo waa iska dhammaanaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha oo ka jawaabayey su’aasha Himilo ka weydiiyey sababta socdaalkiisa Berbera.
Sidoo kale, Wasiirku mar uu ka jawaabayey cidda goobta Maxjarka laga dhisayey isku laysay Isniintii ma Shaqsiyaad baa mise waa Shirkado Ganacsi iyo in cid loo xidhay iyo in kale, waxa uu yidhi; “Niman Ganacsato ah weeye, markaa waannu baadhaynaa hawshu siday u dhacday, in Maamulku qaladaadka wax ku leeyahay, cidda gardaran labada dhinac iyo arrimahaas oo dhan waannu baadhaynaa, meel fiiacn bay hawshaasi noo maraysaa, waa Qolo Adhiilayaal isku-jirjira iyo Shirkadda ilma-Indha-deero. Dad badan baa xidhan oo illaa tobaneeyo gaadhayo, laakiin cid dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay ma jirto, Nin Askari ah oo keliya ayaa dhaawac ka gaadhay Budh ku dhacay mooyee dhib kale ma jiro. Markaa, meel fiican bay wax noo marayaan.”
Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo la weydiiyey Xildhibaannada Golaha Deegaanka Berbera ka tirsan ee Askartiisa ilaalada u ahi gacanta ula tageen iyo sida hawshaasi u dhacday, waxa uu yidhi; “Cidda Hay’adaha ku shaqo leh Dhulka, sida Garsoorayaasha gobolka, Xeer-ilaaliyaha, dawladda Hoose, Xildhibaannada iyo Booliska, ayaan kula kulmay Xarunta dawladda Hoose ee Berbera, markaa dadkii hawlahan meesha ka dhacay ku shaqada lahaa ayaan ka waraysanayey arrinta siday wax uga jiraan iyo waxay gacan ku leeyihiin iyagu.”
“Wallaahi anigu gudahaan ku jiray, laakiin waxa la ii sheegay in nin Xildhibaan ahi dhirbaaxay Askari Kidinka taagan, dabadeedna Askarigina wax ku dhuftay, Askarigiina waan xidhay, markaa wax sidaa u sii weyn ma ahayn runtii ee isku dhac aan loo baahnayn buu ahaa oo dhacay. Markaas, gudahaan ku jiray oo maan joogin meesha, Askarigu markii dhirbaaxadu ku dhacday Laad buu ku dhuftay baa la igu yidhi, markaa Askarigii Xildhibaanka laadayna waan xidhay oo wuu xidhan yahay.” Sidaa ayuu yidih Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo su’aalaha isku lammaan ee kor ku xusan ka jawaabayey.
Wasiir Waran-cadde oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay waxa ka jira eedayn ay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Berbera u jeediyeen oo ay ku sheegeen inuu Wasiirku u tegay Berbera inuu dhinac ka mid ah dhinacyada isku dhacay Isniintii ee isku haysta Maxjarka saddexaad ee xayndaabkiisu socday, waxa uu yidhi; “Somaliland inay is-barato ayaa wanaagsan ee anigu nin dadka kala raaca ma ihi, Nin ka sarreeya baan ahay waxaas oo dadka u dhexeeya, la igumana yaqaanno oo ilaahay ima badin inaan dadka u kala hiiliyo ee nin dadka u dhex ah baan ahay oo jecel inuu cidda wax u dhexeeyaan si caddaalad ah u kala kaxeeyo. Laakiin, caddaaladdu markay dhinac raacdo, cid baa u aragta in laga hiiliyey, balse anigu Cali ahaan waan ka fogahay kala hiilin.”
“Sidaan immika u arkay wax sidaa u weyn oo mushaakil ahi ma jiraan, waxa weeyaan dhul la isku haya oo la kala sheeganayo oo dhinac waliba leeyahay annagaa leh iyo annagaa nala siiyey. Dhulkaasina si sharci ah haddii Allaah yidhaahdo ayuu ku dhammaan doonaa, wuxuna waa wax caddaan kara oo dawlad hoose ayaa jirta, Sharci baa jira, Maamulkii gobolka iyo kii Degmada ayaa jira, markaa waa wax la kala caddayn karo cidda sharciga u haysata iyo cidda aan u haysan ee maaha wax keliya laba qof u dhexeeya, taasna waan wadnaa caddaynteedii, dhaqsana way noogu dhammaanaysaa insha ALLAAH.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Wargeyska Himilo uga jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa xalka shaqaaqadaasi noqonayso.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment