Thursday, November 13, 2014

Dugsiyada Hoose Dhexe ee Somaliland oo Faa’iidooyin ka gaadhay Dhaqaale Dawladaha Hoose ku taageeraan

Burco, 13 Nov, 2014 (Himilo)- Mashruuc tijaabo ah oo wadajir ay u fuliyaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Goleyaasha Deegaanka Somaliland,ayaa isbeddel la taaban karo ka sameeyey dugsiyada Hoose/Dhexe ee Somaliland.
Mashruucan oo tijaabo ahaan looga bilaabay magaalooyinka Borama, Burco iyo Berbera, ayaa muddadii uu socday horumar la taaban karo ka sameeyey kaalinta Dawladaha Hoose kaga beegan ka-qeybqaadashada adeegyada Waxbarashada, sida lagu sheegay warbixin hay’adda UNICEF soo saartay.
SOM_home_somalilandschoolsFaa’iidooyinka mashruucan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin fududeynta iyo maamulida gunnooyinka billaha ee shaqaalaha caawiyeyaasha ka ah dugsiyada helaan iyo la socodka talooyinka waalidka iyo shaqaalaha.
“Mashruucan waxuu baraarujin ku samaynayey kaalinta dawladaha hoose ku leeyahiin ka qeybqaadashada waxbarashada. Talaabadani waxay abuurtay in dawladaha hoose garowsadaan muhiimadda ay ku leeyihiin sidii ay kaalin muuqata uga yeelan lahaayeen maamulka dugsiyada dawladda ee deegaamadooda hoosyimaadda, sida dunida kaleba looga dhaqmo,” Sidaa waxa tidhi Raxma Ibrahim Adan oo ah Agaasimaha Dugsiyada Hoose ee Somaliland
Waxa kale oo faa’idada mashruucani u leeyahay Dugsiyada Dawladda wax laga weydiiyey maamulka dawladda hoose ee Berbera. “Waxaan korodhsanay khibrado iyo waaya-aragnimo cusub oo la xidhiidha isku-dubba-ridka Arrimaha la xidhiidha maamulka baahiyaadka dugsiyada,” ayuu sheegay Maxamed Cali Caabi, Agaasimaha maamulka ee Dawladda Hoose ee Berbera.
Shaqaalaha mashruucan ka faa’idasysta oo warbixinta lagu soo qaatay, ayaa sheegay inay khibrad iyo waayo-aragnimo la xidhiidha ilaalinta nabadgelyada iyo fayo-dhowrka ka korodhsadeen kaalinta mashruucani ka qaato hawl-maalmeedkooda.
“Waxaan ahay hooyo muddo toban sannadood ka badan ka shaqeynaysay nadiifinta iskuulka anigoo bilaa mushahar, balse xaaladu way isbeddeshay ila intii mashruucani bilaabmay, si joogto ah ayaan lixdii bilood ee u dambeeyey mushahar uga helayey dawladda hoose ee Burco,” Sidaa waxa sheegtay Sahra Xuseen oo ka mid ah shaqaale-hoosaad tiradoodu 90 ah oo ka hawl-gala dugsiyada degmada Burco oo xilligan ka faa’iida mashruucan.
Mashruucan oo qayb ka ah barnaamijka JPLG oo lagu taageero dawladaha Hoos ee Somaliland, ayaa hirgelintiisii waxa u xil-saaran guddi ka kooban todoba Wasiir oo ka tirsan xukuumadda oo ay ka go’an taageeridda maamul-daadejinta iyo in dhaqaalaha loo adeegsado shaqooyin dawladaha hoose ku taageeraan waxbarashada.
Mashruuca JPLG oo lagu taageero dawlaha Hoose ee dalka isla markaana la bilaabay sannadkii 2008-dii, waxa si wada-jir ah u taageera UNDP, UN-HABITAT, UNICEF, the UN Capital Development Fund iyo ILO, oo kashanaya xukuumadda Somaliland, ayaa loogu talogalay adkaynta xasiloonida iyo abuuritaanka maamul-wanaag taageeraya shacabka iyo kobcinta adeegyada bulshada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment