
Cabdilaahi Ciise Maxamuud oo ka mid ah dhalinyarada horjeeday Xisbiga Kulmiye ee shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Gar-adag, balse isagu goobta ka baxsaday, ayaa Weriye ka tirsan Himilo u faahfaahiyey sida ay wax u dhaceen iyo tirada dhalinyarada la xidh-xidhay.
“Dhalinyaro xisbiga Kulmiye in badan ku soo jirtay oo doonayey inay isaga baxdo oo xisbiyada kale gasho, ayaa isugu timi xafiiskooda hortiisa waxayna u yeedheen saxaafadda. Markii hadalkayagii lanaga duubay, ayaa meeshii lanoogu yimi. Dhalinyaradii oo arday u badnayd badankoodii waa la xidh-xidhay, wariyihii waa la xidhay, kuwii baxsadayna waa la baadi-doonayaa oo waarankoodu wuxuu yaalaa saldhigga,” sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Ciise Maxamuud.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu sheegay inay wakhtigan xidh-xidhan yihiin afar xubnood oo dhalinyarada wakhtigaas goobta la qab-qabtay ah, waxaanu yidhi, “Dadkii xoriyatul-qawl uma oggola dawladdii iyo xisbigeedii Kulmiye, cid ka baxdana ma oggola. Annagu dhalinyaradaas xisbiga Kulmiye muddo ku soo jirtaybaanu nahay ee la soo kifaaxday, haddana waanu kala noqonnay, markii horena waanu kala noqonnay. Immika waxa xidhan afar dhalinyaro ah iyo weriye.”
Haseyeeshee, Maayarka degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag oo aanu dhinaciisa khadka telefonka wax kaga weydiinnay dhalinyarada xidhan, ayaa xaqiijiyey inay jiraan dhalinyaro saldhigga booliska ku xidhan balse waxa uu beeniyey inay xadhiggoodu arrimko Xisbi ku lug leeyihiin.
“Waxa jirta Dhalinyaro mar is-abaabushay oo guri ku shirtay oo tv-ga u yeedhay, dabadeedna qaarbaa ka soo hadlay oo yidhi arrinkaasaa meeshaa laga wadaa, dabadeena waa lagu kala dareeriyey oo way iska kala tageen, arrinkaas uunbaa la buun-buuniyey mooyaane, wax kale ma jiraan,” ayuu yidhi Maayarka magaalada Gar-adag oo xalay isaga oo ku sugan degmadaas khadka telefonka ugu warramay weriye ka tirsan Himilo.
Maayarka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Dhalinyaro aanu xidh-xidhnay baa jirta oo arrinkan lagu darayo oo dadku leeyihiin mudaharaad baa loo xidh-xidhay, laakiin aanu u xidh-xidhnay rabshado shan cisho ka hor xaflad ka dhacday oo bilayskiina laayay, xafladdaasi may ahayd mid arrimo xisbi iyo waxaas la xidhiidhay.”
Maayarka magaalada Gar-adag oo la weydiiyey Xadhigga suxufiyad magaaladaas uga hawl-gasha telefishanka madaxa-bannaan ee HCTV, ka dib markii ay isku-dayday inay war ka baahiso xaflad ay qabsadeen dhalinyaro ku kacsan Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, waxa uu gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu jiray xadhig loo geystay gabadha suxufiyadda ah, balse ciidamada boolisku ay saldhigga ugu saldhigga su’aalo la xidhiidha dhacdada ay warka ka tebinaysay.”
Maayarka oo wax laga weydiiyey xadhigga gabadh suxufiyad ah oo telefishanka HCTV uga hawl-gasha magaalada Gar-adag oo ciidamada ammaanka u xidheen dhacdada dhalinyarada loo xidh-xidhay Xisbiga Kulmiye, waxa uu yidhi, “Inanta weriyadda ah arrinkaas dhalinyarada shirka qabsanaysay, ayay boolisku ku yidhaadeen jooji, dabadeedna way soo raacday. Intii yarayd ee saldhigga la geeyey ee la weydiinayey ‘Arrinka aad meesha ka socday muxuu ahaa, qaabkaad wax u duubaysaa waa sidee?’ Intaasaa xadhig laga dhigay.”
Dhinaca kale, wararka aanu xalay ka helnay magaalada Gar-adag, ayaa sheegay in xoriyaddeed dib loogu soo celiyey isla markaana dammaanad lagu sii daayey gabadha suxufiyadda ah, in kasta oo la sheegay in laga reebay agabkii ay ku shaqaynaysay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment