Hargeysa, 01 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay ka tacsiyeeyey Marxuum Maxamed Xasan Af-dhabis oo 30-kii bishan ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaanu guddoomiyuhu tacsidan si gaar ah ugu diray Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Marxuumku adeerkii ahaa.
Dhambaal tacsi ah oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa u qornaa sidan: “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi u dirayaa Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi adeerkii Marxuum Maxamed Xasan Af-dhabis oo 30/10/2014, ku geeriyooday magaalada Hargeysa,
Guddoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto Eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna iiman ka siiyo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment