
“Saaka (shalay) oo u dambaysay oo aan madaarka ku soo dhawaynayey guddoomiye Faysal, waxa gaadhiga layga dhigay halka daarta dheer (Wasaaradda Duulista) laga dhisay, waxa lanagu yidhi Amar baanu qabnaa inaydaan gudbin oo halkaa la dhigo. Halkaasaan ka lugeeyey, waxaan kula kulmay Faysal oo qudhiisu warbaahinta kula hadlaya dibadda, halkii ay ka ahayd inuu helo maamuuskii uu ku gali lahaa VIP-da (Qolka Nasashada). Waxani waxay sharaf-dhac ku tahay milgaha Dawladnimada, waa madax qaran, in la qiimeeyo weeyi, axsaabta qaranka waa doortay shacbiga,” ayuu yidhi Cabdirashiid.
“Waxaan u malaynayaa inaanu dhibaato kale jirine, xukuumaddu inay culays ku saarayso si ay isaga fogeyso sharafka ay lahaayeen axsaabta qaranku; ama albaabada ku joojiya ama dariiqyada naga xidhna, annagu shacab-baanu metelnaa, shacabkaanu horgalaynaa, ku daali mayno, kana gabban mayno inaanu sheegno mar walba.
Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID, waxa uu sheegay inay tallaabooyinkaasi ka mid yihiin culaysyo xukuumaddu ku hayso mucaaradka gaar ahaan xisbigooda UCID, waxaanu yidhi, “Culayskaa lana saarayaa wax kale maaha, waa dareenka bulshada, bulshadu aadbay u taageersan tahay xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka. Markaa cabsi ay dawladdu ka qabto darteed, ayaa culays gaar ah loo saarayaa. Xildhibaannada la gacan-saarayo ee lagu dalbaday askartu, xildhibaanno UCID ahbay ahaayeen labaduba, ku-talo-gal bay ahayd, waana arrin dastuurka Somaliland laf-jab iyo dhabar-jab ku ah. Arrinkaas waanu gudbinnay, waananu daba-galaynaa, maxkamadbaananu la tiigsanaynaa sharaf-dhacaas loo gaystay xildhibaannadayada.”
Maaha markii u horeysay ee Xisbiyada mucaaradka ahi ka cawdaan hab-dhaqanka ay kala kulmaan Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa xilliyada ay soo-dhawaynayaan ama sii sagootiyeyaan masuuliyiinta Xisbiyadooda ee Madaarka ka dhoofa ama ka soo dega. Haseyeeshee, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymahaas, waxaanay ku doodday inay masuuliyiinta xisbiga Mucaaradka ah ku ilaaliyaan kuna dhowraan maamuuska iyo qaddarinta ay mudan yihiin
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo warbaahintu wax ka weydiisay sababta madaarka Hargeysa looga horjoogsado masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka, ayaa sheegay inaanay jirin isla markaana aanu ogeyn meel masuuliyiinta mucaaradka ah loogu diiday Madaarka. “Masuuliyiinta Mucaaradku mudnaanshay leeyihiin, waanu dhowraynaa maamuuskooda iyo qaddarinta ay naga mudan yihiinna waanu siinaynaa, madaarradana amar baanu wasaarad ahaan ku bixinnay in maamuuska ay leeyihiin la siiyo, maalin walbana way soo maraan VIP-yada (Qolka Maamuuska), cid loo diidana ma ogin, laakiin hadday tahay qolooyinka axsaabta mucaaradka, waar immikaba waanu maamuusnaa, wax tabasho ahna nooma sheegin,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi oo su’aashan lagu weydiiyey kulan uu dhowaan xog-warran ku siinayey Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilllada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment