
Gudoomiye Muuse Biixi,waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Wakiiladu saxay khalad keenay khilaafka Golaha wakiilada oo ku jiray Xeerkii diwaangalinta “Waxaa Illaahay mahadii ah kol haddii maanta uu soo Ururay khilaafkaasi oo Gudoomiyihii wakiilada, ahna Gudoomiyaha Waddani uu khaladkii Xafiiskiisa ka baxay saxay.waxaanu Ognahay in Gudoomiyuhu qodobadii la isku haystay ee la lahaa khalad baa ku jira ee rag baarlamaanka ka mid ahi ka dhega adaygeen waliba ku dareen gardaro iyo aflagaado badan inuu saxay,waanuna soo dhaweynaynaa,waxaanuna u aragnaa talaabo loo qaaday dhanka wanaagsan, waa intaynu umadda dheernahay,waana sida Somaliland ku soo caano maashay” ayuu yidhi Gudoomiye Muusue Biixi.
Hadalka kasoo yeedhay Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa kusoo Beegmaya xilli shalay uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu sheegay inaanu jirin wax xeer ah oo Xafiiskiisa ka Baxay oo uu ku saxay khaladkaas la sheegayo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment