Warbixin qoraal ah oo laga soo saaray kulankaasi casho sharafta ah oo goor dhaweyd na soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:-

SANDUUQA HORUMARINTA SOMALILAND
Safiirka Netherland u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, Joost Reintjes waxa uu caawa qasriga madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed
Maxamuud “Siilaanyo” si uu muujiyo taageerada dawladda Netherland ee ku waajahan
Somaliland. Isaga oo ka hadlaya munaasibad qasriga madaxtooyada lagu qabtay ayuu safiirku si weyn u soo dhoweeyey xidhiidhkan sii kocbaya ee Somaliland iyo Netherlands.
Dawaldda Netherland ayaa dhowaan ku soo biirtay dalalka taageeraya Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) taasoo kordhinaysa tabarucaadka horumarineed ee laga fulinayo Somaliland. Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxa uu ka caawinayaa dawladda Somaliland hirgelinta qorshayaasha shanta sanno (NDP) ee sannadaha 2012 – 2016 iyo caawimooyinka gaarka ah ee Somaliland loogu talo galay. Sanduuqa waxa loogu talo galay in uu yareeyo baahiyaha dhanka caawimada ah iyo inuu siiyo dawladda lahaanshaha qaabka iyo goobaha lagu isticmaalayo deeqahaas.
Safiirka oo ujeedada Safarkiisa ka hadlaya waxa uu yidhi: “ Safarkayagu waxa uu ka tarjumayaa sida xoogan ee dawladda Netherland ay ku doonayso inay taageerto Somaliland. Waxaanu ayidsannahay dedaalada dawladdu samaysay ee welina samaynayso si loo xoojiyo maamulka iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah. Waxaanu u aragnaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) hab lagu taageerayo dawladda Somaliland dedaaladada ay ugu jirto inay gaadho ahdaafta iyo hiigsiyada horumarineed ee qarniga (MDGs) iyo taageeridda sida ay uga go’an tahay in la helo nabad waarta, deganaansho iyo horumar. Waxa kale oo ognahay in Sanduuqani yahay qaabka maalgelineed ee ay doorbidayso Somaliland ee lagu sheegay Caawimooyinka Gaarka ah ee Somaliland loogu talo galay (Somaliland Special Arrangement).
Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxa uu taageerayaa xasilloonida iyo barwaaqada Somaliland. Si arrimahan loo gaadhona, waxa muhim ah in shacbigu helaan adeegyada aasaasiga ah iyo in dawladda iyo shacbigu yeeshaan xidhiidh joogto ah iyada oo la marayo habab cad oo isla xisaabtan leh. Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo dawaladda Somaliland; kaas oo socon doona muddo afar sano ah. Sanduuqa waxa loogu tala galay inuu qayb ka noqdo qorshaha shanta sanno ee dhinaca horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), dawladaha Norway iyo Netherlands.
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA KULANKANI
[gallery ids="10608,10609,10610,10611,10612,10613,10614,10615,10616,10617,10618,10619,10620,10621,10622,10623,10624,10625,10626,10627,10607"]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment