Washington:Nov,11,2014(Himilo)-Dawladda Maraykanka, ayaa walaac xooggan ka Muujisay tallaabada lagu abaabulasho Mooshinka ka dhanka ah Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, waxana arrintaas Muujiyey Waaxda Arrimaha Dibadda u qaabilsan dalkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Jen Psaki ayaa waxaa uu sheegay in mareykanka aanu wafdi heersare udiri doonin shirka dhawaan ka furmaya Mgalada Cobanheegan ee dalka Denmark kaa soo looga hadlayo arimaha New Deal-ka somaliya,isagoo usababeyay khilafka madaxda dowladda somaliya.
Jen Psaki waxaa kale oo uu shegay in mareykanka uu dhexdhexaad ka yahay muranka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Warbixinta lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxaa lagu sheegay, ‘’hogaanka Somalia oo siyaasad ahaan ku kala qeybsan darteed, mareykanka uma arko in faa’ido ay ku jirto in shirka Cobenheggan uu u diro wafdi ka socda dalka mareykanka.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment