Thursday, November 13, 2014

Mudaharaaddo Gilgilay Deegaanka Yiroowe Iyo Halka ay Cabashada Shacabku Salka Ku Hayso

Yirowe:Nov,13,2014(Himilo)-Mudaharaad Xooggan ayaa saaka waxa uu Gilgilay Degamada Yirowe oo dhinaca Bari Ka Xigta Magaalada Burco, waxana shacabka Halkaas ku Nooli ay dhagaxaan waaweyn ku xidheen Laamiga dheer ee Halkaas Marta.

jayShacabka Mudaharaadka Samaynayey, ayaa ka cabanayey tallaabo Xukuumaddu kaga Iibisay Dhul ballaadhan oo Dhagax laga soo guri jirey Nin Ganacsade ah, waxana ay tilmaameen inay Noloshoodu ku Tiirsadaydh dhagaxaas, isla-markaana Haatan iibkaasi dhibaato weyn ku Yahay Noloshooda.

Waxa ay shacabkani warbaahinta u sheegeen inay dhammaantood yihiin dad danyar ah oo dhagaxa kasoo urursada Buuraha ku Teedsan Tuuladaas, isla-markaana aan Haysan Talo kale oo Nololeed sidaas darteedna haatan rajo xumo usoo muuqatay.

Mudaharaadkan ayaa sababay in ciidamo Boolis ah looga diro dhinaca Burco si ay usoo bakhtiiyaan Mudaraadkaaasi,waxaanay halkaasi kasoo qabqabteen dad gaadhaya ilaa sodon qof kuwaasoo loo soo dhaadhicayay dhinaca magaalada Burco,

“shan boqol oo qoys baa lagu quudinjiray oo masaariif ka heli jiray markaasaa nin gancsade lag iibiyay,dadka danyarta ah waa lagu joogsanayaa” sidaas waxa tidhi haweenay reer yiroowe ah oo kamid ahayd dadkii Mudaharaadayey.’

 

Gudoomiyaha tuulada Yiroowe Cabdi Ayax oo aanu dhankiisa wax ka waydiinay ayaa isna sheegay inay dhulkaasi siiyeen nin ganacsade ah oo ka dhiganayay “Karashar” ama dhiganeyey Warshad dhagaxa Burburisa.

Taliyaha qaybta G/Togdheer oo warbaahintu wax ka weydiisay sida wax u dhaceen, ayaa sidan ku jawaabay, “waxaa wax ka dhex dhaceen waa dhagaxlayaal iyo qolo karashar,waxaanan soo xidhxidhnay ilaa sodon qof ah,arinta loosoo qabqabtayna waa inamo dhagaxlayaal ah oo rebshad ka sameeyay meesha weeraray.” Ayuu yidhi Taliyuhu.

isku soo wada duuboo xaalada mgaalada Yiroowe ayaa wxii mudahaardakaas ka danbeeyay degan waxaan amaanka gacanta ku haya ciidamo Boolis ah oo dhinaca Burco looga daad Gureeyay.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment