
Fawzi al-Odah ayaa ka mid ahaa maxaabiista waqtiga ugu dheer ku xidhnayd xabsiga Mareykanka uu ku leeyahay Cuba.
Hadda waxaa la geynayaa xarunta dhaqan celinta milateriga ee Kuwait, halkaas oo la isku dayi doono in nolosha dib loogu soo celin doono, maadaama uu muddo badan jeel ku jiray.
Garyaqaankiisa ayaa sheegay in aanu qabin wax xumaato ah oo la xidhiidha xidhitaankiisa, oo uu ku faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto dalkiisa.
Mr al-Odah ayaa laga qabtay waqqooyiga Pakistaan iyadoo lagu eedeeyay in uu xidhiidh dhaw la lahaa Ururka Al-qaacida.
Madaxweyne Obama weli ma hirgelin balanqaadikiisii hore ee ahaa in uu xidhayo xabsiga Guantanamo Bay oo ah meel muslimiinta adduunku aad u Neceb yihiin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment