Somaliland dadka xun xun yaan fursad la siinin, ee haleyska qabto, waxey na seejinayaa adduun iyo aakhiroba....dadka wanaag doonka ah ha la soo dhaweeyo, oo haloo duceeyo, reerkuu doono haka dhashee. Soomaalidu waxey tidhaahdaa ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. Wanaaga hala taageero, oo xumaantana haleyska qabto.
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, Naxariis iyo Nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.
Qabiil Iyo Qabyalada Hadd ii La kala qaado Qabiil waa isir ama farac, abtirsiimo ka soo bilaabanta Aabbo, Awoowo iyo awowyadii ka sii horreeyey, waana hab-qurux badan, marka laga eego dhanka wanaagga caddayn uu ah In qofka Bini’aadamka ah lagu dhalay hab-xalaal ah uu dhaxlayo magacii aabbihii., Haddaba qabyaalada ayaa iyada waxaa la odhankaraa waa qabiilkii oo si xun loo isticmaalay laysugu faano, iyadoo wax kasta lagu saleeyo qabyaalad oo si aan xishood lahayn warbaahinta loola soo fadhiisto maalin kasta.
Somaliland waxaad moodaa in had iyo jeer laysku khaldo farqiga u dhaxeeya Qabiil iyo Qabyaaladda. Run ahaanti haddii aanu qofku kala garan qeexitaanka labadaas eray waxa dhaceysa inuu waxyaalo badan isku khaldo ama xukun khaldan uu iska qaato.
Marka Hore Qabiil Allaah ayaa naga dhaliyay, Qur’aanka ayaa inoo sheegay in shucuub iyo qabiillo dadka loo qeybiyay, si ay isu gartaan, sidaa daraadeed Allaah agtiisa waxa ugu qiimo badan kan ugu cabsi badan. Qabiilku qofka inuu ka dhasho waa wax uu Allaah u dooray, ee maaha mid uu isagu ikhtiyaarkiisa iska lahaa. Maaha marka in qofku lagu xumeeyo ama lagu jeclaado qabiil hebel ayuu ka dhashay, ama waxkasta halbeeg lagu saaro sida iminka jirta.
Sidoo kale Qabyaaladda iyadana way xuntahay in wax lagu dulmiyo siiba dadka warbaahinta isku soo urursada oo madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin sheeganaya , isla-markaana iminka waa shay qofku xaq uusan laheyn loogu boobo, laguna dulmiyo qof danbi laawe ah. Qabyaaladdu waa waxa Somaliland la hadhay, waa cudur bulshadeena aad u kala qeybiyay. Waa waxa hortaagan midnimadda iyo horumarka Somaliland. Waa wuxuu Rasuulkeeni yidhi ka taga waa shey urayee.
Haddaba, dad qaar waxey had iyo jeer si khaldaan u fasirtaan, oo ay si khaldan u macneeyaan, ama isku khaldaanba qofka qabiileystaha ah iyo qofka la dhaqma dad ay isku qabiil yihiin. Qofku hadduu ula socdo qaab positive ah dad ay isku ehel yihiin, oo uu wanaaga la qeybsado, xumahana ka fogaado, wax dhibaato ah ma leh, oo waa wax khaldan haddii aad ku tuhunto inuu qabiil ku dhaqmo. Qofku reerkiisa wuu la shiri karaa, wuu la sheekeysan karaa, wax wuu la qabsan karaa, wuuna la shaqeysan karaa, ee laakiin wax xun markuu aamino in reerkiisa mooyee uusan dad kale la dhaqmi karin, reerkiisa xaq ayan laheyn siiyo ama ka shaqeeyo xumaanta reeraha kale.
Bal u fiirso Shaqsiga qabiileystaha ah, lajaad maaha dadka kale, waa shaqsi ku sifoobay aragti gaabni, xasad, xiqdi, had iyo jeer jecel inuu la macaamilo dad ay isku qabiil yihiin, wuxuuna had iyo jeer jecleystaa ka sheekeynta qabiilka. Markuu wax qiimeynayo wuxuu wax ku qiimeeyaa aragti qabiil ku saleysan . Wuu dhibsadaa markuu arko dad reer kale ah oo meel ku sheekeysanaya. Qofka qabiileystaha ah wey ku adag tahay inuu la macaamilo bulsho weynta oo dhan. Maaha qof fur-furan, badanaa waa qof aan la soo dhaqmin dadyow kala duwan.
Haddaba waxaa talo wanaagsan ah, inaadan xukumin haddii aad aragto bulsho ama koox isku reer ah oo meel ku shiraysa. Waxa wanaagsan inaad malahaaga hagaajiso oo ka fikirto, tusaale ahaan oo kale :- inay isugu yimaadeen inay isku baraarujinayaan in qof dhibaateysan oo reerkooda ah wax loo qabanayo, inay dhulkoodi wax ka qabanayaan, inay dad heshiisiinayaan. ee markiiba hala boodin inay qabiil isugu yimaadeen. Haddii aad aragto labo isku reer ah oo isla socda, ka eeg dhanka wanaagsan, ee haka eegin dhanka xun. Waxa dhici karta inay is sheeko fahmeen ama ay isku fikrad yihiin, ee xukunku maaha waa isku reer. Ma jirto qaacido odhanaysa labo isku reer ah ma saaxiibi karaan.
Waxa iyadana wax khaldan ah, dad iyagana ku iskufikir ah,ama haddii aad meel hebla tagto, oo fadhiisato waxa laguu maleynayaa qabiileyste, oo had iyo jeer dad qaar wey ka cararaan rugaha ay dadkoodu isugu yimaadaan. Runti taasuna waa mafhuum khaldan, inaad qof ehelkaaga uga cararto yaan qabiileyste lagu maleyn. Runti qofku waxa uu yahay mar walba wey ka muuqataa oo bulshadu waa markhaati aan la arkeyn.
Haddii aad qof wanaagsan tahay si kasta oo ceeb laguugu sameeyo kuma qabanayso. Sidoo kale haddii aad qof xun tahay si kasta oo sharaf laguugu raadiyo kuma helaysid.
Qofka hadduu wax wanaagsan qabto, cidduu doono ha u qabto, waxa wanaagsan in lagu amaano oo loo duceeyo. Ha is odhan reer hebel ayuu u qabtay, ogow dadka had iyo jeer waxa wanaagsan qabta, meel walba oo wax laga qabanayo inay ka qeyb qaataan ayey jecel yihiin.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa, Somaliland dadka xun xun yaan fursad la siinin, ee haleyska qabto, waxey na seejinayaa adduun iyo aakhiroba. Ma doonayaan inay arkaan Somaliland wanaag isugu timaado oo wax wada qabsanaysa. Qofka xumaanta u dhashay mar walba wuxuu jecel yahay in ummadda oo dhan wada xumaadaan, oo wanaagga wuxuu ka qaadaa xasaasiyad. Sidoo kale dadka wanaag doonka ah ha lasoo dhaweeyo, oo haloo duceeyo, reerkuu doono haka dhashee. Soomaalidu waxey tidhaahdaa ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. Wanaaga hal taageero, oo xumaantana haleyska qabto
Ugu danbayn markasta Qabiilku ceeb maaha oo Illaahay ayaa inoo abuuray lakiin xasuusnow, qofka idiinku sharafta badan waa ka Alle agtiisa idiinku cabsi badan.
Isticmaalka qabyaaladda hore ayaa la inooga digay oo uu Nebigu (CSW) u yidhi: “Naga mid maaha qofka u yeedha qabyaaladda, ka u dagaalama iyo ka u dhintaaba. Sidaa daradeed yeedhmada jaahilnimada qabyaaladda aad ayey u xuntahay.
Waxaa markaa inooga wacan qaranimada , qof jaahil ah oo markasta garaaca durbaan qabiilnimo wuu diiday mansabka ugu sareeya ee la gaadho Qaranimo. Qabyaaladu maanta waxa ay noqotay awooda keliya ee siyaasiyiinta mucaaradku si joogta u isticmalaan, isla-markaana jaahilnimo ku dheehantahay, iyagoo kaa eegaya danahooda gaarka ah.
Waxaana aan odhan-karnaa qaar ka midi way ogyihiin dhibteeda, halka inta kale aaminsanyihiin ama durbaankeeda sidataana u qabaan inay sidaasi ugu badinayso, diiddana darajada qaranimada
Dalka Tanzania ayaa waxaa la sheegay inaan laga aqoon ku dhaqanka iyo isticmaalka qabiilka arrintaas oo keentay inuu dalkaas ka badbaado dhibaatooyin badan oo ka jira wadamada Afrika oo Somaliland ka mid tahay.
Waxaana Madaxweynihii hore ee dalkaasi Julius Nyerere dadkiisu kula dar dardaarmay , in ayna isku nacin qabiil , islamarkaana aan qof lagu taageerin qabiilkiisa laakiinse laysku taageero oo keliya shaqsiga aqoontiisa(Kaas ayaad isku-qabiil tihiin) iyadoona dhimashadiisii ka dib ay arintaas wali ka jirto dalkaas Tanzania oo aan laga isticmaalin wax qabyaalad ah oo ayna dadkiisu siman yihiin oo ayna is wada jecel yihiin arintaas oo ka badbaadisay dalkaas bur bur iyo dagaal uu u horseedo ku dhaqanka qabyaalada.
Tusaale kale Qasab ma’ahan in aad isku qabiil noqotaan saxiibkaaga runta ah. sababtoo ah waa qof waxa aad ku saaxiibteen laga yaabo qof leh in aadan ka hellin qabiilkaaga. Hadaad shuruud ka dhigto in uu qabiilkaaga noqdaana waxaa laga yaabaa in aadan waligaa saxiib dhab ah yeelan.
Haddaba maxay kula tahay in nolosheena aan ka xoreyno fikirka Qabyaaladda iyo nin jecleysiga ku dhisan ee aan u guurno fikir xor ah oo ku dhisan qiimeynta shaqsiga iyo qaranimadu waxay uu qaban karto Somaliland.
Intaas ayaan ku soo afjarayaa wixii kheyr ah aan sheegay waxey ka sugnaatay Allaah, wixi khaldan waa nafteyda iyo sheydaan.
Waxaan qoraalkan u hibeynayaa Allaha u naxariistee Abwaankii Cabdulaahi Suldaan Timocade , Gabaygiisii
Dugsi Malaha Qabyaaladi, waxey dumiso mooyaane.
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore u soo daashadaay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka.
Wabilaahi Towfiiq
Q/Adan Yusuf Elmi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment