Hargeysa, 12 Nov, 2014 (Himilo)- Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee magaalada Burco, ayaa soo-dhawayn aan loo kala hadhin ku qaabbilay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan uu hoggaaminayey oo shalay gaadhay Xarunta gobolka Togdheer.
Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee shalay lagu soo dhaweeyey Burco oo isugu jira hoggaanka Sare ee Waddani, siyaasiyiin, Xildhibaanno ayaa kala ah Murashaxa madaxweyne ku xigeenka, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, Xoghaye ku xigeenka, guddoomiye ku xigeenka 5-aad, Afhayeenka Xisbiga, Xoghayaha Arrimaha Dibada, Xoghayaha Xidhiidhka goballada, Xoghayaha Warfaafinta, Xoghayaha Dalxiiska, Xoghayaha ku meel-gaadhka ah ee Garabka dhalinyarada, Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Siyaasi Xasan Xuseen Maxamed (Cod-yare), Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, Xildhibaan Tukaale, Xildhibaan Ibraahim Aareeye, Xildhibaan Mataan Hoori, Sahra Axmed Cabdilaahi (Sahra Halgan),
D

Xaaji Daahir Warsame Xiiray oo ka mid ah Odayaasha magaalada Burco oo ugu horeyn ka hadlay goobta, ayaa soo dhaweeyey weftiga Waddani, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Madashan aadka u quruxda badan ee lagu soo dhawaynayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo waftiga balaadhan ee heer Xisbi ee uu hogaaminaayo, waxaanu leenahay waa hambalyo guddoomiye adiga iyo Xisbiga iyo halgamayaasha hareeraha ka jooga, dhalinyarada haweenka iyo guurtida sharafta leh ee ku soo dhawaysaba waxaanu leenahay hambalyo, waxaanu leenahay Illaaay khayr ha kadhigo Illaahay guul ha ku danbaysiiyo Illaahay Burco iyo Somaliland oo dhan-ba nabad iyo xasilooni iyo walaal-nimo uu Xisbiga WADDANI ugu soo dhiibo Illaahay ha xaqiijiyo oo run ha inoga dhigo ayaan leenahay.”
Xasan Xuseen Maxamed (Cod-yare) oo halkaas ka hadlay, ayaa dadweynaha reer Burco uga mahad-celiyey soo-dhawaynta ay ku qaabileen masuuliyiinta Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi, "Burco waan uga mahad celinaynaa soo dhawaynta aadka u quruxda badan ee ay noo sameeyeen,waanu u amaanaynaa, ha noolaato ayaan leenahay, wada jirka iyo midnimadeedu ha noolaato ayaan leenahay.”
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqay bannaan-bax ay ku muujinayaan diyaarinta Doorashooyin wakhtigooda ku qabsooma. “Xukuumadda waxaan xasuusinaynaa in ay ixtiraamto umadda wakhtiga ay doorteen in ay doorashadii ku qabato se haddii ay isku daydo sida ay waddo in ay muddada kordhisato, sida ay muddo dheer ku shaqaynaysay, waxaanu ugu baaqaynaa gobollada dalka oo dhan in ay reer WADDANI ay uga diyaar garoobaan mudaharaad aan kala go' lahayn,"ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Waddni.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaan Aareeye, Xildhibaan Tukaale, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba oo sidoo kale ah Afhayeenka Xisbiga, Xildhibaan Mataan Hoori, Siyaasi Siciid Sulub, Sahra Axmed Cabdilaahi (Halgan), kuwaas oo dhammaantood mahad-naq u jeediyey taageerayaashooda reer Burco soo-dhawaynta ay ku qaabileen weftiga Xisbiga Waddani.
Gabo-gebadii munaasibadda waxa ka hadlay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shacabka reer Burco uga mahad-celiyey soo-dhawayntooda, waxaanu yidhi, "Waxaan u mahad naqayaa shacbiga midaysan ee reer Burco,ee aniga iyo waftiga balaadhan nagu soo dhaweeyey magaalada Burco iyaga oo aan kala hadhin,aad iyo aad u mahadsan tihiin.”
Guddoomiyaha oo ka hadlayey siyaasadda Xisbigiisa ee ku wejahan Gobolka Togdheer, waxa uu yidhi, “Siyaasadda Xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco, waxa weeye in la helo Burco kaliya oo midaysan, Burco aan u qaybsanayn Bari iyo Galbeed. Waxaan rabnaa Burco oo mid kaliya ah oo kubadda wada ciyaara. Barigii dhawayto ee Ciyaaraha Burco waa laga badiyey, waxaan doonaynaa in aan ku beddelno Burco waa laga baqday sidii barigii hore, Burco haday midowdo waxaa ay dhalaysaa Somaliland oo midaysan," ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment