Addis Ababa, 08 Nov, 2014 (Himilo)- Warbixin-sannadeed laga diyaariyey Barnaamijka Mucaawimooyinka Kaabayaasha Dhaqaale ee sida gaar ah loogu taageero Somaliland, ayaa la qorsheeyey in lagu soo bandhigo Shir deeq-bixiyeyaasha caalamka dhawaan magaalada Copenhagen ee dalka Denmark kaga shirayaan Kor-u-qaadista Mucaawimooyinka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay War-murtiyeed Deeq-bixiyeyaasha Caalamka ee taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland ka soo saareen Shir todobaadkii hore magaalada Hargeysa ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland iyo Guddiga Sare ee isku-xidhka deeqaha Somaliland, ayaa lagu sheegay inay warbixinta sannadlaha ah ee mucaawimooyinka Somaliland ku soo bandhigayaan shir waddamada qaadhaan-bixiyeyaashu arrimaha Soomaaliya kaga hadlayaan oo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark lagu qabanayo daba-yaaqada bishan, Sida lagu baahiyey bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo soo xiganaysa Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya Ms. Fatiha Serour oo goob-joog ka ahayd shirka Hargeysa ku qabsoomay todobaadkii hore.
Ma jiro war arrintan ku saabsan oo ka soo baxay dhinac xukuumadda iyo Wakiillada Guriga sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland, haseyeeshee, waxa uu madaxweynaha Somaliland oo hadal ka jeediyey shirka 7aad ee Isku-duwidda Mucaawimooyinka Somaliland oo todobaadkii hore ku qabsoomay Hotel Ambassador ee Hargeysa, waxa uu Md Madaxweyne Siilanyo ka caddeeyey inaanu shirkaasi waxba ka khuseyn Somaliland, una gaar yahay Soomaaliya, isaga oo xusay inuu ku gacan-saydhay warqad madaxweynaha Soomaliya kaga codsanayey inuu ka qeybgalo shirkaas oo sida muuqata lagu soo bandhigi doono warbixinaha deeqaha labada dawlad oo kala gaar ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment