Hargeysa, 06 November, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay inay badi kala shaqeeyaan Golaha Baarlamaanka sidii ay dhinaca wanaagga ugu jeesan lahaayeen, isla markaana hoosta ka xariiqay inuu yahay Gole hawlahiisa u madax-bannaan, sidaana ku ixtiraamaan.

Wasiir Samaale oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey maaddaama muddo uu Guddoomiye-xigeenka koowaad ka soo ahaa Golaha Wakiillada, bal inuu kaalin ka qaatay sidii khilaafyo ku soo noqnoqda xal looga gaadhi lahaa, ayaa sheegay in muranno ka taagnaan jiray xilliyada Miisaaniyadda Qaranka la geeyo Baarlamaanka oo bilo haysan jireen, haatanna ay dhammaatay taasi, waxaanu yidhi, “Muddadii xukuumada Kulmiye jirtay way dhamaatay muranno ka dhalan jiray xilliyada miisaaniyadda la geeyo baarlamaanka, taasina muujinayso wada shaqeynta dhow ee ka dhexeysa.”
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, ayaa sheegay inay Golaha Wakiillada ku ixtiraamayaan shaqada uu Qaranka u hayo, waxaanu yidhi; “Waxaan ku ixtiramaynaa shaqada uu Qaranka u hayo Golaha Baarlamaanku, waxaanan jecelnahay inuu wixii gudahiisa ka khaldan hagaajisto, mar walbana waxaan diyaar u nahay inaan wixii caqabado ku yimaadda wax kala qabanno.”
Hadalkan Wasiir Samaale, ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf dhinaca shruuucda oo laba dhinac u kala jebiyey golaha baarlamaanku taagan yahay, in badan bulshadu indhaha ku hayso halkuu sal dhigan doono iyo muddada uu qaadan doono, inkastoo usbuuca soo socda dib u furmi doono.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment