Saturday, November 8, 2014

Xildhibaan Qabille oo Xukuumadda ku eedeeyey Masuuliyadda Iska-hor-imaad ka dhashay Maxjar Saddexaad oo Berbera laga Binaynayo

“Arrin Ganacsi ah oo Jidda gudeheeda ka dhacay oo Ganacsadayaasha Alla-Yasir iyo Al-Jaabiri Baratankooda ah oo Saylad inay halkan ka abuurto ah ayaa Daruurtiisu ku hoortay Berbera, Xukuumadduna...”

“Mooshin baannu ku keeni doonnaa aannu ugu yeedhno Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiir Ku-xigeenka Amniga iyo Taliyaha Ciidammada Booliska...” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille
Berbera, 08 Nov, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto gobolka Saaxil, ayaa sheegay in shaqaaqada Isniintii toddobaadkii hore ka dhacday magaalada Berbera ee la xidhiidhay dhismaha Maxjar saddexaad oo binadiisa laga bilaabay magaaladaas oo laba Maxjar oo hore ku yaalleen, ku timi masuuliyad-darro iyo gudasho la’aanta waajibaadka Xukuumadda ka saaran kala xadaynta Ganacsiga, ka dib markii Koox hubaysani weerareen Koox gacanta ku haysay dhismaha Maxjarka 3-aad oo Ganacsato isu tegay dhisayaan.
Xildhibaan Maxamed Faarax QabilleXildhibaan Qabille oo ka mid ah Guddiga daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, waxa uu cambaareeyey tallaabada ay Askarta ilaalada Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde Salaasadii todobaadkii hoe ku faro-saareen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka ee Berbera, waxaanu sheegay inay Golaha Wakiilladu u yeedhi doonaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, isla markaana ay wax ka weydiin doonaan Awoodda u oggolaatay inay Askartu fara-saarayaan Xildhibaannada Shacabku soo doortay iyagoo aan wax dembi ah oo ay galeen ama ay markaas gacanta kula jireen jirin.
Waxa uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille u ballan-qaaday dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera inay ka hawl-galayaan, isla markaana Xildhibaanno uu isagu ka mid yahay ku dedaalayaan in Laydhka iyo Biyaha Berbera Kab loogu daro Miisaaniyadda 2015-ka oo Oddoroskeedu hor-yaallo Golaha Wakiillada inta aan la ansixin ka hor marka Goluhu furmo maanta oo mudaneyaashu ka soo laabnayaan fasax todobaaddo qaatay oo goluhu ku jiray , maaddaama oo ay Berbera tahay magaalo Xeeb ku taalla oo aan Laydh iyo Biyo la’aantood la joogi karin, Dakhli badanna ay dawladdu ka hesho loo baahan yahay in mudnaan gaar ah la siiyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka taagan Berbera.
“Waa arrin ku yimi Gabbood-falka qodobka 11-aad ee Dastuurka Qaranka iyo Xeerka kala xadaynta Ganacsiga iyo sidoo kale, Qorshe la’aanta Xukuumadda ee ku aaddan Ganacsiga oo muranka ugu badan waxa saldhigga u ahi uu kaas yahay. Arrin Ganacsi ah oo Jidda gudaheeda ka dhacay oo Ganacsadayaasha Alla-Yasir iyo Al-Jaabiri Baratankooda ah oo Saylad inay halkan ka abuurto ah ayaa Daruurtiisu ku hoortay Berbera. Reer Hebel iyo Reer Hebel arrin jira maaha, waa arrin Xukuumadda timid ee is-tidhi xalli aanay ka gun-gaadhin halka uu salka ku hayo,” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo shalay u warramay Kalsan TV isagoo ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Xildhibaan Qabille oo ka hadlaya dagaal gacan-ka-hadal ahaa oo Askar ka tirsan ilaalada Wasiir Waran-cadde kula kaceen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera, waxa uu yidhi, “Xildhibaannadii laga soo doortay magaalada Berbera ee Deegaanka, ayaannu goob-joog u ahayn waxa ku dhacay, Mooshin baannu ku keeni doonnaa aannu ugu yeedhno Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiir Ku-xigeenka Amniga iyo Taliyaha Ciidammada Booliska, si aannu wax uga weydiinno waxaasi waxay ku dheceen iyo awoodaha Askartu u leedahay tallaabadan oo kale inay sameeyaan.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey dhacdada lagu fara-saaray xildhibaannada, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Askar ka tirsan ilaaladiisu gacan-saaraan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Berbera, isagoo sheegay inay Xildhibaannadu mudan yihiin qaddarin oo ay dhawrsanaan leeyihiin, isla markaana uu raalli-gelin ka bixinayo tallaabadaas Askartiisu ku kaceen oo uu xusay inuu faro-saarkaas u xidhay Hal Askari, sharcigana uu horgeyn doono Askarigaas oo uu sheegay inuu yahay ka Xildhibaannada la-dagaallamay ee dagaalku ka bilaabmay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment