Thursday, November 6, 2014

Xildhibaanno ku hanjabay inay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ridayaan haddii Raysal-wasaaraha Mooshin ka dhan ah la hor-keeno Golaha

Muqdisho, 06 November, 2014-(Himilo):- Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku hanjabay haddii Raysal-wasaaraha Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed laga keeno Mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo, ay iyaguna Mooshin lagu ridayo ka keeni doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
XILDHIBAANNADA-BAARLAMAANKA-SOOMAALIYA-iyo-KAY-300x158Mudanayaashan oo u muuqda kuwo taageersan Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey khilaaf xooggani u dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay sheegeen in haddii mooshin laga keeno Baarlamaanka uu sababi karo inay Xildhibaannadu gacmaha isula tagaan sidii hore u dhici jirtay oo kale.
“Waxaan halkan ka sheegayaa in haddii mooshin ka dhan ah Raysal-wasaaraha la keeno Baarlamaanka ay Xildhibaannadu gacmaha isula tegi doonaan, waayo? Hadda Baarlamaanku wuxuu u muuqdaa mid ka duwan kuwii Ku-meel-gaadhka ahaa oo mar walba haddii la keeno mooshin gacmaha isula tegi jiray, balse mooshin hadda la keeno dib ayuu ugu celin doonaa Baarlamaanka sida kuwii hore.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Sanyare oo ka mid ah Xildhibaannada ka hadlay kulankan ay shalay ku yeesheen Caasimadda Muqdisho..
Kulankan oo dhacay Arbacadii Shalay, ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaanno kale, kuwaasoo sheegay in Madaxweynaha ay ku wargelinayaan inuu ka digtoonaado in Mooshin uu ka keeno Raysal-wasaara, iyagoo xusay inay hore Madaxweynaha uga dalbadeen inuu ka fiirsado Mooshinnada is-daba-socda ee laga keenayo Raysal-waasarayaasha uu magacaabo markay is khilaafaan ka dib.
“Dastuurka waxaa ku jira qodob noo oggolaanaya inaan mooshin ka keenno Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo ah qodobka 27-aaad oo uu hore ugu baxay Sheekh Aadan Madoobe, waxaana Shir-guddoonka ku wargelinaynaa in haddii la keeno mooshin ka dhan ah Raysal-wasaaraha ay annaguna aannu ka keeni doonno Mooshinkaas oo kale Shir-guddoonka Baarlamaanka, gaar ahaan Guddoomiyaha sharciguna wuu u ogol yahay Mudanayaasha inay Mooshin ka keenaan Guddoonka Baarlamaanka.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Sanyare iyo Mudanayaal kale oo hadalka iska-daba-maray.
Mudanayaal kale oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa sheegay inay si aad ah uga digayaan in Baarlamaanka la keeno Mooshin ka dhan ah Raysal-wasaaraha, kuwaasoo sheegay inay u arkaan mooshinka la doonayo in Baarlamaanka la horkeeno mid laga soo abaabulayo xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho.
Hadalka Xildhibaannadan, ayaa kusoo beegmaya wakhti Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay iyaguna Salaasadii toddobaadkan ku shireen Muqdisho, isla markaana ay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay inuu raalli-gelin ka bixiyo hadal uu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in Xildhibaannada Baarlamaanku codkooda lacag dhaafsadaan haddii Mooshin ka dhan ah Raysal-wasaaraha la hor-geeyo Baarlmaanka, hadalkaas oo ay Xildhibaannadu ku tilmaameen gef iyo faro-gelin uu Baarlamaanka iyo dawladda Soomaaliya-ba ku sameeyey Nicholas Kay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment