Wednesday, December 2, 2015

Dawlada Eriteriya oo Kaalinta 3aad ka gashey dalalka ugu Tabriibta Badan Afrika Iyo Xad gudubyo Bini aadanimo oo lagu eedeeyay Dalkaas

 

Hargeysa (Himilo)-Haayada xuquuqda aadamaha u dooda ee Amnesty International, ayaa dawlada Eriteriya ku eedaysay in ay cadaadis ku hayso dhalinyarada sida xad dhaafka ah uga tahriibaysa dalkaasi kuwaasi oo beegsanaya wadamada reer Galbeedka.

Haayada Xuquuqal insaanku waxaa ay sheegtay in dhalinyaradani ay ka tahriibaan cadaadis xoogan oo ay kala kulmaan dawlada Eretariya taasi oo dhalinyaradani si khasab ugu tababarto ciidamada dalkaas.

Haayadu waxaa kale oo ay sheegtay in tabriibta tirada badan ee dhalinyartani ay sii kordhinayso dhibaatada qaxoontiga caalamka iyadoo sidoo kale xustay in wadamada reer galbeed ay kasoo horjeedaan qaxoontigan.

Warbixin ay haayada Amnesty International soo saartay  waxaa lagu sheegay in Eretariya ay tahay wadamada ugu horeeya ee ay ka tahriibaan qaxoontiga ugu badaan Afrika kuwaasi sifo sharci daro ah oo beegsada dalalka  Yurub.

 

Dalalka  Yurub ayay soo foodsaartay   caqabadaha qulqulka qaxootiga ee dunida oo dhan ka kala socda, Amnesty waxa ay sheegtay  in qaxootiga ay xuquuq u leeyihiin inay helaan badbaadin caalami ah,iyadoo ka digtay in qaxoontiga dib loogu celiyo dalalkoodii maadaama ay kala kulmi karaan mustaqbal xun iyo cadaadis siyaasadeed.

 

 

Dawlada Eretariya  oo ka hadashay warbixintan ayaa beenisay inay dalkeeda ka jiraan qoraalka warbixintan ku xusan iyadoo dawladaha caalamkana ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda horumarka ka Socda dalkaasi.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Madaxwayne Siilaanyo oo Kulan la Yeeshay madaxda Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta

 

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta Kulan Xog waraysi ah xafiiskiisa kula qaatay madaxda sare ee wasaarada dhaqanka iyo wacyi galinta Somaliland .

Halkan ka Daawo Kulanka Madaxwaynaha iyo Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta

https://www.youtube.com/watch?v=EgrgNZgfiig&feature=youtu.be

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Sheekh Dirir oo iska fogeeyey Nin Ku eedaysan inuu Guurka iyo Fasakhaadda ku fulin jiray Been-abuur uu ku sheegtay Wakiilka Sheekha iyo waxa ay Diintu ka qabto Dadka uu isu-meheriyey

 

“Ninkaa wejigiisa maan arkin, annigu lamaan kulmin, laakiin arrinkaasi wuu jiraa..”

“Horta marka is-been-fariinkayga laga tago, qofku hadaanu aqoon diimeed lahayn, meherka uu sameeyo iyo fasakhaaduba ansax maaha...” Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir – Waraysi Gaar Ah

Hargeysa, 02 December, 2015-(Himilo)- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay inaanu la kulmin, wejigiisana arkin Nin la sheegay inuu xilligan ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Booliiska magaalda Hargeysa oo ku eedeysan inuu Meherka iyo Fasaqaadda Dumarka fulin jiray, isagoo sheeganaya inuu yahay Wakiilka Sheekh Dirir.

Ninkan oo la sheegay inuu ka soo jeedo Soomaalida Itoobiya, ayaa Ciidammada Booliisku Somaliland ka qabteen magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu hawlo shareecada Islaamka la xidhiidha ka fulin jiray isagoon aqoon u lahayn, balse sheegan jiray inuu Wakiil ka yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa haatan Dacwaddiisa ay qaadaysaa Maxkamadda degmada Hargeysa.

Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo xalay xidhiidh la sameeyey si uu tafaasiil dheeraad ah uga weydiiyo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, arrinkiisa, isla markaana weydiiyey waxa ka jira Ninkaas iyo sida uu ula socdo, waxaanu Sheekh Maxamed ku jawaabay; “Ninkaa wejigiisa maan arkin, anigu, lamaan kulmin. Laakiin, arrinkaasi wuu jiraa, waxaanan sheegay inaanan anigu kala hadal. Waxaan maqlay in Ninkaas Ciidammada Booliisku keeneen Xafiiska shareecada, waxaana caddaatay inuu ahaa Nin is-been-farriimay, dadkiina wuu u qirtay.”

Mar aannu weydiinnay Sheekh Maxamed waxa Shareecada Islaamku ka qabto xaaladda Rag iyo Dumar la filayo inuu isu meheriyey ama fasakhaad u sameeyey, ayuu Sheekh Dirir ku jawaabay; “Horta, marka is-been-farriinkayga laga tago, qofku haddaanu aqoon Diimeed lahayn, Meherka uu sameeyo iyo fasakhaadduba ansax maaha, mar haddaanu Qaaddigii ahayn ama Waaligii Gabadha, annaguba ma samayno Fasakhaadda ee Maxkamadaha dawladda ayaannu u dirnaa, oo awood Maamul ayey u baahan tahay. Markaa, haddaanu labada midna ahayn Meheka uu sameeyaa ansax maaha, Fasakhaaddana iskaba daa.”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo aana weydiinnay talada uu u soo jeedinayo Bulshada ee la xidhiidha arrimaha Shareecada Islaamka iyo cidda ay ka qaadanayaan, waxa uu ku jawaabay; “Arrimaha Guurku waa qaar xasaasi ah oo Ubad iyo Oori ayaa ka dhalanaya. Markaa, qofku inuu si khalad ah ku galo waa Jariimad, illayn dembi ayaa ka dhalanayee. Sidoo kale, dadka Ciqaabta mutaysanayaa waa dadka isu Meheriya laba qof oo isla soo tegay, oo Waaligii Gabadha ka soo baxsaday, Wakiilna kama noqon karo Weligeeda. Markaa, Ciqaab ayey yeelanayaan dadka arrimahaas fuliyaa. Dadkana waxaan u soo jeedinaynaa inay marka Guur yimaaddo Waalidkood la kaashadaan, haddii aanu Waalidku jirinna Qaaddiga, waa intaa taladaydu, intaa wixii dhaafsanna, waxay noqonaysaa in wixii ay doonayeen iyo Guurku inuu ka xumaado.”

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Shacabka Burco oo werwer ka muujiyey caqabado golaha deegaanka, dhalinyarada ilaaliya xaafadaha ka haysta

 

 

Burco, 02 December, 2015-(Himilo)- Xog-uruurin Hay’ad caalami ahi ka  samaysay degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa lagu ogaaday caqabado dhinacyo kala duwan ah oo ka jira, oo wax-ka-qabashadoodu u baahan tahay inay u hawlgalaan dhinacyada ay khusayso ee Baarlamaanka, Xukuumadda Somaliland iyo Golaha deegaanka Burco.

Xog-uruurintan oo ku saabsanayd xallinta khilaafaadka iyo qiimaynta ammaanka, isla markaana Hay’adda Observatory of Conflict and Violence Prevention (OCVP) ka fulisay degmada Burco badhtamihii sannadkan ayey bulshada lagu wareystay si weyn u dhaleeceeyeen qorshe Golaha deegaanka Burco ku korodhsadeen Mushaharkooda, xilli dhaqaalaha soo galaa hooseeyo.

Dadweynaha magaalada Burco oo wax laga weydiinayey qiimayntooda nidaamka maamulka dawlada hoose, Garsoorka, ilaalinta ammaanka iyo xallinta khilaafyada, ayaa natiijadii ka soo baxday lagu ogaaday in dadweynaha caqabado ay kala kulmaan fulin la’aanta xukunnada dadka ciqaabaha dilka ku xukuman, taasoo halis ammaan-darro abuuri karto dib-u-dhacoodu.

Xog-ururintan ayaa natiijadii ka soo baxday sidoo kale werwer weyn laga muujiyey nidaamka dhalinyarada habeenkii ilaaliya Xaafadaha, oo dadweynahu  sheegeen inay khasab kaga qaadaan lacagta, isla markaana aanay awoodin inay diidaan ama iska joojiyaan hawshooda, taasoo hadday isku dayaan ay kula dhaqmaan farsamooyin inay Tuugo ku soo jiheeyaan guryahooda ama haliso kale geliyaan.

Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa magaalada Burco iyo Wasaaradda arrimaha gudaha Masuuliyiintooda wax ka weydiiyo, siday u arkaan natiijada xog-ururintan iyo inay diyaar u yihiin hirgelinta nidaamka natiijadani lagu ogaaday dhalliisha uu leeyahay, ayaanay noo suurtoobin inaannu wax jawaab ah ka helno ka dib markii Taleefannadooda gacanta oo xidhan aannu la kulannay marar kala duwan oo xalay ahayd.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta oo deedifeeyey eedaymo Musuqmaasuq oo loo jeediyey

 

Hargeysa, 02 December, 2015-(Himilo)- Masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa beeniyey in Wasaaradda uu ka jiro Musuqmaasuq la xidhiidha Miisaaniyadaha ay u diraan Shaqaalaha gobollada dalka u jooga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Siciid Axmed Jibriil oo Shir-jaraa’id ku qabtey Xafiiskiisa Hargeysa Shalay, waxa uu meesha ka saaray eedaymo Musuqmaasuq oo Guddiga daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilladu u jeediyeen Wasaaradda Macdanta.

Agaasimaha oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi, “Markii Wasaaradda loo qaybiyey labada Wasaaradood ee kala ah (Wasaaradda khayraadka Biyaha iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta) waxay noqotay in Xafiisyadii gobollada Dalka iyo Shaqaalihii aanu ku wareejinno Wasaaradda Khayraadka Biyaha maadaama oo shaqada Gobollada ka socotay ay ahayd Biyo. Taasi waxay keentay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu halkan iska abaabusho sidii ay Xafiisyo uga furan lahayd Gobollada dalka, taasina waxay ku qaadatay sannadkii 2014-kii oo dhan, sidaa daraadeed waxa uu Hanti-dhowraha guud nagula taliyey in Maadaama oo Shaqaale kooban gobollada noo joogaan Xafiisyana aanay lahayn Xarunta Wasaaradda Mushaharka uga dirno.”

“Wax musuqmaasuq ah iyo Hanti ummaddu leedahay oo meel la mariyey ma jiraan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Hanti-dhowraha guud macluumaad ka hayaan qaababka ay ugu diraan kharashaadka meelaha u baahan, halka meelaha kalena ay u diraan waxii u qoondaysnaa.

Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Mr. Cabdirisaaq Xasan Jibriil oo Agaasimaha guud ku wehelinayey shirka  jaraa’id, ayaa isaguna tilmaamay in Mushaharka shaqaalaha iyo Kharashaadka kale ee Shaqaalaha Gobollada ay si kala gaar ah u diraan, waxaanu yidhi; “Mushaharka gaar baa loo diraa, kharashaadka kale lacag gaadhaysa 10 Milyan iyo 80 kun oo shilin ayaanu saddexdii bilood ba mar dirnaa, waana laydhka, Internet-ka, Biyaha, Nadiifisada iyo Waashmaanada gobolada xafiisyada leh.”

Hadalkan Madaxda Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, ayaa ka dambeeyey kulan Guddiga Golaha Wakiillada Somaliland u qaabbilsan daba-galka hantida Qaranku kaga hadleen dhaqaalaha Wasaaradaha dalku u gudbiyaan gobolada dalka.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Dagaallada Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo Ka Barakiciyey Shacab Gaadhaya 40 Kun oo Qoys

 

New York, 02 December, 2015-(Himilo)- Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabbilsan isku-xidhka arrimaha gargaarka ee OCHA, ayaa shaacisay in dagaallada u dhexeeya Ciidammada Maamullada Puntland iyo Galmudug magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ka barakiciyeen Guryahoodii Shacab lagu qiyaasay illaa afartan kun oo qoys.

Hay’adda OCHA oo Warbixintan shalay soo saartay, ayaa sheegtay inay xogtan ka heleen Ururrada Maxalliga ah ee ka hawlgala magaalada Gaalkacayo, ee iska horimaadyadu ka dhaceen, sida Afhayeenka Qaramada Midoobay ku shaaciyey Warbixinnadiisa maalinlaha ah.

“Dad ka badan 30 qof ayaa lagu qiyaasay inay ku dhinteen dagaallada ka dhacay magaalada Gaalkacyo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Qaramada Midoobay. Waxaanu intaas ku ladhay; “Ururrada Maxalligu waxay u fidinayaan gargaar deg-deg ah, Biyo iyo gargaarka fayo-dhawrka.”

Iska horimaadka labada dhinac oo bilaabmay toddobaadkii hore, ayaa keenay in badi Shacabkii magaalada Gaalkacyo ku dhaqnaa ka barakaceen Guryahoodii, si ay xabbadaha dhacaya uga fogaadaan. “Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah, ayaa si ku-meel-gaadh ah uga baxay magaalada dagaallada awgood. Taasi waxay abuurtay hakad ku yimi adeeggii ay u fidin jireen bulshada magaalooyinka Mudug, Galguduud iyo gobolka Hiiraan.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Dujarric.

Hay’ada OCHA, ayaa ka digaysa in weli baahi gargaar bani-aadminnimo ka jiraan Soomaaliya, oo dad lagu qiyaasay illaa 4.9 Milyan u baahn yihiin, ayuu raaciyey Afhayeenku, hadalkiisa, isagoo sheegay in dadkan cusub ee dagaallada Gaalkacyo ku dhex-maray Maamullada Galmudug iyo Puntland u baahan yihiin gargaar dhinacyada quudinta, caafimaadka iyo biyo nadiif ah inay si dhaqso ah u helaan.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Xuska Maalinta HIV/AIDS ee Adduunka: Hoos u dhaca Somaliland, kor u kaca Puntland iyo Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo

 

Heerka Takoorka ay Dadka la nool Cudur-dhaliyaha HIV iyo Ubadkoodu kala kulmaan Somaliland

“Labo sano ka hor heerka uu xanuunkani dalkeenna ka marayey wuxuu ahaa %1.1, halka uu maanta hoos ugu soo dhacay %0.6, taasoo ah horumar aad u weyn oo…” Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo

Hargeysa, 2 December, 2015-(Himilo)- Xuska Maalinta la isku baraarujiyo La-dagaallanka Cudur Sidaha HIV ee dhaliya Xanuunka dilaaga ah ee AIDS oo Adduunka oo dhan laga xuso 1-da bisha December Sannad kasta, ayaa Shalay si weyn looga xusay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasoo uu hoos uga dhacay dhulka Somaliland xaddigii uu sannadkii horreeyey marayey sannadkan, halka Puntland sheegtay inuu deegaannada ay maamusho kor uga kacay.

Xuska Maalinta HIV/AIDS-ka oo Sannad walba uu soo qaban-qaabiyo Komiishanka La-dagaallanka iyo Cidhib-tirka Cudurka AIDS-ka ee Somaliland (SOLNAC), ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu hadal uu halkaa ka jeediyay ku sheegay in faafitaankii cudurkaasi hoos uga dhacay dalka, isla markaana wacyigelin ballaadhan ay ka sameeyeen faafitaanka cudurkaas.

Munaasibadda lagu xusay Maalinta HIV/AIDS oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horreyn hadal ka jeediyay Agaasimaha Komishanka SOLNAC Cabdi Cali Yuusuf, waxaanu ka sheekeeyay Marxalidihii kala duwanaa ee ay Komiishankoodu u soo maray dedaalka hoos loo dhigay. Waxaanu Madaxweynaha ku ammaanay dedaal uu sheegay inuu ugu jiro in Cudurkaas la xakameeyo.

Agaasimuhu waxa uu tilmaamay inay jiraan goobo ku yaala Magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Burco oo dadka Xanuunkan la nooli ka qaataan Dawooyinka, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in dad ka badan 1500 qof iska baadheen Xanuunka Sannadkii u dambeeyay. “Waddanka waxa jira labaatan kun oo goobood oo Cudurkan lagu baadho, baadhistaas oo ah lacag la’aan, sannadkii waxaannu baadhnaa illaa 22000 qof. Waxa jira afar goobood oo dawada laga qaato oo ah Cusbitaalka wayn ee Hargeysa, Berbera, ka Boorama iyo Burco. Waxaa dawada qaata waddanka marka la isku wada daro Kun iyo Saddex Boqol oo qof.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Cali Yuusuf.

Munaasibadda oo sidoo kale ay hadallo ka soo jeediyeen qaar ka mid ah dadka la nool Xanuunkan, waxayna aad uga cawdeen takoorka ay bulshada kala kulmaan. “Toban Sanadood ayaan la noolahay Xanuunka (HIV/AIDS-ka), muddadaa Carruurtayda Waxbarasho maan geyn, aniguna Markaan Meheradaha gurigeyga u dhow ka adeegan kari waayay waxaan ka soo adeegta Suuqa weyn.” Sidaa waxa tidhi Hooyo la nool Cudur-sidaha HIV.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Aamina waxay sheegtay inay ka qaadday Cudur-dhaliyahan Saygeeda oo markii dambe u geeriyooday AIDS sida ay sheegtay, iyadoo intaas ku dartay inay takoor badan kala kulan tahay Bulshada dhexdeeda, takoorkaas oo sababay inay saddex Carruur ah oo ay dhashay waxba baran kari waayaan, sidaas darteedna ay xataa Malcaamad iyo Iskuulba ka joojisay oo uu takoorkaasi sababay in Ubadkeedu waxbarasho la’aan ku dhacaan.

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo isaguna Gabogabadii Munaasibaddaas khudbad ka jeediyey, ayaa yidhi, “Sannad kasta Kowda Bisha December, waxa Dunida oo dhan laga xusaa Maalinta La Dagaallanka Xanuunka HIV/AIDS-ka. Sidoo kale, Bulshada Caalamku waxay xog-waraysi iyo wada-tashiba ka yeelataa waxa ka qabsoomay dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo cidhib-tirka xanuunka HIV/AIDS-ka iyo waxa hadhay ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Bulshada Caalamka kala midaysan yahay la dagaallanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka.

Taariikhdu markay ahayd 25/8/2013-kii, waxaan Xafiiska Komishanka Qaranka ee La-dagaallanka Xanuunka HIV/AIDS-ka kaga dhawaaqay siday Madaxweyne ahaan, iiga go’an-tahay la dagaallanka iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka. Xukuumaddaydu waxay wakhtigaa yool ka dhigatay in lagu dedaalo sidii xanuunkan loo xakamayn lahaa, si aanu u dhaafin marxaladda uu xilligaa taagnaa, una gaadhin Heerka Labaad ee loo yaqaanno Marxaladda Baahsan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta (shalay) oo ah  01-da December, 2015, waxaan jecelahay inaan idinku wargaliyo in ku talo-galkaasi uu fulay, oo xanuunku Waddankeena hoos ugu soo dhacay Marxaladda Koowaad, halkii uu markii hore madaxa la sii galayay Marxaladda Labaad (Marxaladda Baahsan). Labo sano ka hor heerka uu xanuunkani Dalkeena ka marayey wuxuu ahaa %1.1, halka uu maanta hoos ugu soo dhacay %0.6, taasoo ah horumar aad u weyn oo Qarankani gaadhay, una dhiganta in Xanuunkani uu %54.6 hoos uga dhacay heerkii uu maalintaas taagnaa.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan idinla socodsiinaya in guud ahaanba Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka muuqdo hoos u dhacaasi. Mahadda Kowaad Ilaahay baa leh, mar labaad, waxaan halkan mahad-naq iyo ammaanba uga soo jeedinayaa guud ahaanba cid kasta oo isku hawshay wax ka qabashada iyo xakamaynta xanuunkan ama wax-tar, iyo teegeero u fidisay dadkeenna la nool xanuunkan. Gaar ahaan waxaan aad ugu mahad-naqayaa Maayarka Degmada Berbera siduu wax ula qabtay Komishanka Qaranka ee La Dagaallaanka HIV/AIDS-ka iyo taageerada uu siiyey dadka xanuunkaa la nool. Waxaan ku boorrinayaa masuuliiyinta kala duwan ee Qaranka inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo xakamaynta xanuunkan, daryeelna ay u fidiyaan dadka xanuunkan la nool.

Fadliga iyo gar-gaarka Rabbi ka sokow, hoos u dhaca cudurka HIV/AIDs-ka ee dalkeenna ka muuqda, wuxuu ku yimid dedaalka Xukuumaddan aan Madaxweynaha ka ahay oo Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka HIV/AIDs-ku wakiil uga yahay. Iyadoo hoos u dhacaasi jiro, haddana waa inaan loo qaadan in khatartii xanuunku meesha ka baxday.

Waqtigan xaadirka ah, hiigsiga Bulshada Caalamku waxa weeye in dedaal badan loo galo sidii cudurka HIV/AIDs-ka loo cidhib tiri lahaa sannadka 2030-ka, haddii ALLAH idmo. Haddaba, si loo gaadho yoolkaa Caalamiga ah ee lagu cidhib-tirayo xanuunkan, waxa lagama maarmaan ah:

In %90 dadka xanuunka la nool ee aan iyagu is ogayni ay is ogaadaan.

In %90 dadka xanuunka la nool ee is ogi ay daawada qaataan.

In %90 hoos loo dhigo dadka cusub ee xanuunka qaada sannad kasta.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, isla markaana kaashanaya kuna kalsoon aqoonta, khibradda iyo waayo-aragnimada durugsan ee ku duugan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedba, waxaan  halkan ka ballan qaadayaa inaan dedaal u sii geli doono cidhib-tirka xanuunkan iyo xakamaynta waxyaalaha uu ka dhashaba.

Ugu dambayntii, waxaan halkan codsi uga dirayaa dhammaanba hay’adaha ku shaqada leh la dagaallanka cudurkan HIV/AIDs-ka inay intii awoodooda ah ee wax la qabasho ah, ay Komishanka Qaranka la Dagaallanka HIV/AIDs-ka ka caawiyaan sidii xanuunka looga cidhib tiri lahaa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.”

Xuska Maalinta caalamiga ah ee isku-baraarujinta Cudur-sidaha HIV, ayaa laga xusaa sannad kasta 1-daw bishan December, waxaana sidoo kale shalay iyadoo caalamka oo dhan laga xusay, meelaha laga xusay ka mid ahaa Soomaaliya magaaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo meelo kale.

Waxaana Puntland oo ka mid ah deegaannada Soomaalida ee laga xusay Maalinta HIV/AIDS-ka oo Xafladeeda lagu qabtay Garoowe Masuulka la-dagaallanka HIVE/AIDS u qaabbilsan Maamul-goboleedkaas uu sheegay in Cudurku kordhay sannadkan marka loo eego tirada dadka laga helay sannadkii hore, oo sannadkan ay is-baadheen dad laba kun oo ruux ka badan, isla markaana laga helay lix iyo siddeetan qof oo labadaas kun iyo dheeraadka isbaadhay ka tirsan, sidaas awgeedna ay caddahay in cudurku ku fidayo Puntland, gaar ahaan Deegaannada Dhulka Xeebaha ah ee Puntland.

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

“Ismaan lahayn waxa la tebi oo loo baahan doonaa Gumaysigii Ingiriiska, waayo…?” Abwaan Muuse Cali Faruur

 

Hargeysa, 02 December, 2015-(Himilo) – Abwaan Muuse Cali Faruur oo ka mid ah Hal-abuurrada Caanka ah ee Reer Somaliland, ayaa ka deyriyey xaaladda adag ee uu marayo Deegaanka Somaliland, dhul-daaqsimeedkii dadka ka dhexeeyay iyo heerka Jaridda Dhirtu mareyso iyo weliba ku dhaqan la’aanta Sharciga dalka.

Abwaanka oo Idaacadda Dawladda Somaliland ee Radio Hargeysa si maalin leh ah uga siidaaya Barnaamijka caanka ah ee (MURTIDA MAANTA iyo Muuse Cali Faruur), ayaa Barnaamijkii Salaasadii Shalay ku soo qaatay khatarta ay ku sugan yihiin Xoolaha nool oo dhulkii ay daaqi jireen cid gaar ahi oodatay iyo doorka jaridda Dhirku ku leedahay Abaaraha soo waajaha Somaliland.

Abwaan Muuse oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Dhulkii Ingiriisku yidhi yaan Magaalooyinku intaa u dhaafin ayaa Dad weliba ooteen, dhulkii ILLAAHAY oo dhan oo waalla qaybsaday, meel Xoolo lagu dhaqaba waa loo diiday.”

Muuse Cali Faruur oo tilmaamaya in Gumaystihii Ingiriisku ku adkaa ilaalinta sharciga dhulka, ayaa sheegay, “Nin baa laga hayey laba walba isa saarayoo Caawa ka hor laba Tagoogood ismaan saarine, ismaan lahayn waxa la tabi oo loo baahan doonaa Ingiriiskii, waayo? Dhulkii Seerayaasha ee la ootey iyo intii kalena Dhirtii baa laga gumaaday oo waalla qaawiyey dhulkii, marka dhulka la Qaawiyo ee Dhirta la tirtiro waxa yaraada Roobka, oo waakii Abwaanku ku gabyey:-

“Geyigaan Dhirta lahayn

Cirku waa ka gudhanyoo,

Waa Geyi Abaaree

Ha garaacin Geedaha,

Ka daa’ Gudinta,

Hana gubine Gacalloow

Gunta weliba Xaadh-Xaadh

God ay Biyo fadhiistaan..” ayuu yidhi, Suugaan-yahan Muuse Cali Faruur, waxaanu intaa sii raaciyey, “Meeshii xilliga Gu’ga Daaqu ka baxo Jiilaalka lagu baxsan jiray ee dadka oo dhan xoolaha loogu siideyn jiray Dawladda waa loo diiday,  ma taasuu Dhulkii ugu darsaday Ingiriiskii.”

Waxxaanu sidoo kale, Abwaan Muuse Cali Faruur intaas ku daray oo uu ka hadlay ahmiyadda kala dambeynta Dawladda iyo Shacabkeedu u leeyahay horumarka Bulshada guud ahaan iyo sida aan dalna horumar u gaadhin illaa ay dadkiisa iyo dawladdiisuba si dhab ah ugu dhaqmaan Sharciga iyo Shuruucda u degsan.

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Hay’adda Shaqaalaha oo dib-u-habeyn ku samaynaysa Shaqaalaha Dawladda & Kormeerro lagu kala hufayo oo Shalay bilaabmay

 

“Kormeerrada Madax-taabashada ah waxaanu uga dan leenahay inaanu helo tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland, si aanu markaa u aragno waxa lacag bilaash ah qaata..” Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixille Boqorre

Hargeysa, 02 December, 2015-(Himilo)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa Shalay bilowday Hawl-gal ku kala hufeyso Shaqaalaha Dawladda ee rasmiga ah iyo kuwo sifooyinka aan Sharciga ah Mushaharaadka ku qaata.

Hawl-galkan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Proff, Maxamed Mixile Boqorre oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee Hay’addaas isla-markaana qayb ka ah qorshaha dib loogu habeynayo Shaqaalaha Dawladda, waxa Shalay lagu bilaabay 9 Wasaaradood oo ka mid ah kuwa Dawladda waxaana kooxo hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u kala dirtay Wasaaraduhu bilaabeen kormeer shaqaalaha Wasaaradahaas mid mid loogu hubinayo, iyada oo Guddoomiyaha iyo Agaasimaha guud ee Hay’addu shaqaaluhuna ay sidaas oo kale mid mid u soo mareen 9-ka Wasaaradood.

Agaasimaha hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Xasan Aadan Geeddi oo ka hadlay ujeeddada laga leeyahay kormeerrada noocan ah, ayaa yidhi, “Kormeerka Wasaaraduhu waxa weeyaan inaanu Madax taabasho ku samayno Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Madax taabashadaas oo aanu uga dan leenahay inaanu ku kala sifeynno Shaqaalaha, Maxaa dhintay, Maxaa iska tagay, markaa Wasaaradaha aanu ku bilownay hawshoodu waxay soconaysaa Saddex Maalmood Haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”

Prof, Maxamed Mixile Boqorre oo Kormeerkan lagu kala hufayo Shaqaalaha Dawladda ka dib Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta, ayaa isaguna faahfaahiyey ujeeddada laga leeyahay kormeerrada iyo hubinta lagu samaynayo Shaqaalaha Dawladda Somaliland, waxaanu yidhi, “Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxay bilowday shaqadii Madax-taabashada Shaqaalaha Dawladda, annaga oo fulinaya oo ka duulayna waanadii iyo Wareegtadii uu Madaxwaynuhu soo saaray ee ahayd in dib u habeyn lagu sameeyo Shaqaalaha Dawladda Somaliland. Madax-taabashada Shaqaalaha Dawladda waxaanu ka bilownay 9 Wasaaradood.”

Guddoomiye Mixile oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Qorshahaygu waxa weeyaan inaanu Saddex maalmood ku dhamayno 9-kaa Wasaaradood oo aanu toban Wasaaradood oo kalena ku xigsiinno oo aanu marka hore Shaqaalaha Wasaaradaha Dawladda ee Xarumaha jooga dhamaynno (Hubintooda), markaas ka dib ayaanu u bixinaynaa Gobollada iyo degmooyinka Dalka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey; “Kormeerrada Madax-taabashada ah waxaanu uga dan leenahay inaanu helo tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland, si aanu markaa u aragno waxa ka maqan iyo wax lacag bilaash ah qaata, waxa Sariir-yaalka ah ee Xanuunsanaya, qofka aanu weynana waanu ka saari doonaa.”

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Wasiir Cukuse oo Booqasho ugu tegay Abwaan Laab-Saalax oo Qalliin Caafimaad loogu sameeyey Hargeysa

 

Hargeysa, 02 December, 2015-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shalay Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa ku booqday Guddoomiyaha Fannaaniinta Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) oo Qalliin Caafimaad loogu sameeyey Cusbitaalkaas, isagoo laga qalay Qabsin.

Wasiirka, ayaa Booqday Abwaanka oo ay inta badan Fannaaniinta Xiddigaha Geesku hareero joogeen, isla markaana waxa uu sheegay inay Wasaarad ahaan u booqdeen Abwaan Laab-Saalax in ay Kharashka Caafimaad ee Qalliinkiisa ku baxayo inta ay awooddo ka bixiso. Waxaanu Allaah uga beryey in uu Abwaanka Caafimaad buuxa siiyo.

“Xasan-Laabsaalax waxa uu ka mid yahay Abwaannada da’da yar kuwooda ugu muddokarsan wakhtigan, maanta (shalay) waxaa loo sameeyey qalliin yar oo fudud. Waxa jira isaguna Abwaan kale oo Afgudhiye la yidhaahdo, wuxu joogaa Boorame, Abwaankaas dhawr goor oo hore waannu booqannay oo waannu ugu tagnay Dhakhtarka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Abwaankanna waannu u nimi, maantana Wasaaraddu waxay u timi inay Kharashkiisa Caafimaad bixiso inta awooddeeda ah. Waxaan Illaahay uga baryeynaa inuu Caafimaadkiisa u soo wada celiyo, immikaba wuu caafimaad qabaa oo qalliinkiisu ma ahayn qalliin wayn oo laga argaggaxo.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) oo isagoo jiifa halkaas kula hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay inuu fiican yahay, waxaanu yidhi; “Aad baan u caafimaad-qabaa, waan wanaagsanahay. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Kooxda Xiddigaha Geeska iyo ILLAAHAY oo Caafimaadkayga sidii ugu habboonayd iga yeelay aad baan ugu mahad-naqayaa, waanan fiicanahay.”

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Booliska Kenya oo weeraray Jaamacad ku taalla Nairobi, Khasaaraha ka dhashay iyo Ujeeddada laga lahaa

 

Nairobi, 02 December, 2015-(Himilo)- Hal Qof oo ka mid ahaa Hawl-wadeennada Jaamacadda Strathmore ee dalka Kenya, ayaa geeriyooday, in ka badan labaatan kale oo Ardayda Jaamacaddaas ka tirsainna way dhaawacmeen, ka dib markii Booliska dalkaasi ay hawlgal Tijaabo aha aka sameeyeen gelinkii dambe ii Isniinta Jaamacada Strathmore ee ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Howlgalka oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa lagu sheegay inuu ahaa tijaabo lagu ogaanaayay sida ay Ardaydu oga jawaab celin lahaayeen haddii Jaamacaddaas uu ka dhaco weerar argaggixiso, waxaanay Ciidanka Booliska Kenya hawl-galkaas fuliyeen xilli qofna aan loo sii sheegin waxa dhici doona iyo ujeeddada hawlgalka toona.

Japheth Koome oo ah Taliyaha Ciidammada Booliska ee gobolka Nairobi, ayaa hawl-galkaas ku sheegay inuu ahaa mid sharciga waafaqsan oo lagu eegayay feejignaanta Ardayda tirada badan ee Jaamacadaas wax ka barata.

Qofka geeriyooday oo ahaa Gabadh dhanka Nadaafadda ka shaqeyneysay, ayaa wakhtigii ay geeriyooneysay waxaa ka jiray dhismaha Jaamacaddaas is-buurasho xoogan maaddaama oo ay Ardaydu ku saseen oo ay ka naxeen dhawaaqa Rasaasta ay Ciidammada Ammaanku kor u ridayeen.

Qaar ka mid ah Ardayda, ayaa la sheegay iney iska soo tureen oo ay ka soo boodeen Dabaqyada afraad iyo Shanaad ee dhismaha Jaamacadda oo ku yaalla agagaarka Xaafadda  Lang’ata ee magaalada Nairobi, halka kuwa kalena ay isku qariyeen Musqulasha Jaamacadda iyo laablaabka dhismayaasha qaarkood.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in dhacdadaas ka dib ay Ardaydii dhaawacantay loola cararay qaar ka mid ah Cusbitaallada magaalada Nairobi oo ay ka mid yihiin Nairobi West iyo Mater Hospital si gar-gaar caafimaad loogu fidiyo.

Goob-joogayaal, ayaa iyaguna sheegay in Ciidammada Booliska gaar ahaan kuwa Bir-madka ee loo yaqaanno AP-da (Administration Police) ay si kedis ah u galeen Jaamacadda, iyagoo iska dhigaayay koox soo weerartay Jaamacadda, waxaanay kor u ridayeen rasaas nool oo ay damacsanayeen inay ku baqdin geliyaan Ardayda, Macallimiintooda iyo weliba Maamulka iyo Shaqaalaha Jaamacadda oo aan hore loogu sii wargelinin hawl-galkaas tijaabada ahaa.

Shacabka Kenya, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hawl-galkaas mala’awaalka ahaa ee la sheegay in laga kor fuliyay Arday Waxbarashadoodii ku jira, xilli aan sidoo kalena lagu war-gelin Ciidammada Booliska ee Saldhigga ku leh aagga ay Jaamacaddaasi ku taallo.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Tuesday, December 1, 2015

Somaliland: Cabasho ka soo baxday Odayaasha Degaanka Ilko-weyne oo ka Tirsan Degmada Wajaale

Hargeysa, 02 December, 2015-(Himilo)- Qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan degaanka la yidhaa Ilko-weyne oo ka tirsan degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey qaabka loo maamulayo qaybinta raashin mucaawinooyin ah oo loogu talogalay dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

Qaar ka mid ah odayaasha degaankaas oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inay cabasho xoogan ka tirsanayaan qaabka loo qaybiyo raashinka deeqaha ee  loogu talogalay dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen, gaar ahaan degaankooda oo hoos taga degmada Wajaale, waxayna xuseen in la tuuray liiskii magacyadoodu ku qornaayeen, lana qaatay dad kaloo si gaar ah loo diiwaangeliyey.

“Annaga oo ah odayaasha, dhallinyarada  iyo haweenka ku dhaqan degaanka Ilko-weyne oo ka tirsan Gobolka Gabiley, waxaannu cabasho xooggan ka muujinaynaa Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Gobolka Gabiley habka  iyo nooca  wax ay u wadaan madaxda   maamusha hawlaha dib-u-dejinta iyo raashin-qaybinta ee degaanka aannu ku noolnahay.

Iyada oo ay jirto arrimo farsamo xumo iyo wax is-daba-marin horseed u yihiin qaar ka mid ah odayaasha degaanka iyo sidoo kalena ku ayidsanyihiin nimanka hawshan watay oo uu ugu horreeyo ninka la yidhaa Farxaan Abiib Xasan oo qaabilsan isku xidhka hawlaha qaybinta raashinka ee degaannada Gobolka Gabilay.

Waxa kaloo la doonayaa in degaan ahaan saamigii aannu ku lahayn raashinka taakulada ah la naga duudsiyo, faro madhanna aannu ka taaganahay annagoo goob-joog u ah. Isla markaana aan la naga qaadin wax diwaangalin ah, warqadaha ama dukumantiga la qaatayna  aanay ahayn kuwii saxda ahaa ee  markii hore wax loogu qaybin jiray beelaha  walaalaha ah ee wada dega degaanka Ilko-weyne.

Sidaa darteed, mar labaad waxaannu caddaynaynaa in dukamantiga  la rabo in loo gudbiyo  hay’adaha qaabilsan caawimooyinka ee hadda ka bilaabaya mucaawinooyinka loogu talogalay dadka tabaalaysan  ee abaaruhu aafeeyeen in aanay ahayn kuwiii saxda ahaa ee bulshadu ku wada qannacsanaayeen, balse uu yahay caagleyn.

Guntii iyo gebagebadii waxaannu ka codsanaynaa hay’adaha arrintani khusayso, sida Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabiley  in hoos loo eego arrimaha aannu ka cabanayno si caddaalad ku jirto, lana soo diro dad xaqiiqo-raadin ah, haddii kale arrinku wuxuu noqon doonaa jaantaa rogan, wixii dhibaato ah ee ka dhacana ay masuul ka noqonayso cidda wadata hawsha xaqayaga lagu duudsiyayo,” ayey odayaashu ku yidhaahdeen qoraal cabasho ah oo ay warbaahinta u akhriyeen.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Madaxweyne Silaanyo Oo Khudbad Ka Jeediyey Xuska Maalinta AIDS-Ka Oo Somaliland Looga Dabaal Dagey

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa ka qayb galay xuska maalinta AIDS-ka ee 1 December, oo Somaliland looga dabaal dagay.

Xuskan oo uu soo qabanqaabiyay komishanka la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ayaa lagu qabtay Maansoor Hotel oo ku yaala caasimada Hargeysa ayaa waxa kale oo soo qayb galay masuuliyiin iyo madax ka kala socotay golayaasha iyo axsaabta qaranka iyo qaybaha bulshada.

Khudbada uu madaxweyne Silaanyo ka jeediyey ayaa waxay u dhignayd sidan:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sannad kasta Kowda Bisha December, waxa Dunida oo dhan laga xusaa Maalinta La Dagaallanka Xanuunka HIV/AIDS-ka. Sidoo kale, Bulshada Caalamku waxay xog-wareysi iyo wada-tashiba ka yeelataa waxa ka qabsoomay dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo cidhib-tirka xanuunka HIV/AIDS-ka iyo waxa hadhay ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Bulshada Caalamka kala midaysan yahay la dagaallanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka.

Taariikhdu markay ahayd 25/8/2013-kii, waxaan Xafiiska Komishanka Qaranka ee La Dagaalanka Xanuunka HIV/AIDS-ka kaga dhawaaqay siday Madaxweyne ahaan, iiga go’an-tahay la dagaallanka iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka. Xukuumaddaydu waxay wakhtigaa yool ka dhigatay in lagu dedaalo sidii xanuunkan loo xakamayn lahaa, si aanu u dhaafin marxaladda uu xilligaa taagnaa, una gaadhin Heerka Labaad ee loo yaqaanno Marxaladda Baahsan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta oo ah  01-da December, 2015, waxaan jecelahay inaan idinku wargaliyo in ku talo-galkaasi uu fulay, oo xanuunku Waddankeena hoos ugu soo dhacay Marxaladda Koowaad, halkii uu markii hore madaxa la sii galayay Marxaladda Labaad (Marxaladda Baahsan). Labo sanno ka hor heerka uu xanuunkani Dalkeena ka marayey wuxuu ahaa %1.1, halka uu maanta hoos ugu soo dhacay %0.6, taasoo ah horumar aad u weyn oo Qarankani gaadhay, una dhiganta in Xanuunkani uu %54.6 hoos uga dhacay heerkii uu maalintaas taagnaa.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan idinla socodsiinaya in guud ahaanba Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka muuqdo hoos u dhacaasi. Mahadda Koowaad Illaahay baa leh, mar labaad, waxaan halkan mahad-naq iyo ammaanba uga soo jeedinayaa guud ahaanba cid kasta oo isku hawshay wax ka qabashada iyo xakamaynta xanuunkan ama wax-tar, iyo teegeero u fidisay dadkeenna la nool xanuunkan. Gaar ahaan waxaan aad ugu mahad-naqayaa Maayarka Degmada Berbera siduu wax ula qabtay Komishanka Qaranka ee La Dagaallanka HIV/AIDS-ka iyo taageerada uu siiyey dadka xanuunkaa la nool. Waxaan ku boorrinayaa masuuliiyinta kala duwan ee Qaranka inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo xakamaynta xanuunkan, daryeelna ay u fidiyaan dadka xanuunkan la nool.

Fadliga iyo gar-gaarka Rabbi ka sokow, hoos u dhaca cudurka HIV/AIDs-ka ee dalkeenna ka muuqda, wuxuu ku yimid dedaalka Xukuumaddan aan Madaxweynaha ka ahay oo Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka HIV/AIDs-ku wakiil uga yahay. Iyadoo hoos u dhacaasi jiro, haddana waa inaan loo qaadan in khatartii xanuunku meesha ka baxday.

Waqtigan xaadirka ah, hiigsiga Bulshada Caalamku waxa weeye in dedaal badan loo galo sidii cudurka HIV/AIDs-ka loo cidhib tiri lahaa sannadka 2030-ka, haddii ALLAH idmo. Haddaba, si loo gaadho yoolkaa Caalamiga ah ee lagu cidhib-tirayo xanuunkan, waxa lagama maarmaan ah:

In %90 dadka xanuunka la nool ee aan iyagu is ogayni ay is ogaadaan.

In %90 dadka xanuunka la nool ee is ogi ay daawada qaataan.

In %90 hoos loo dhigo dadka cusub ee xanuunka qaada sannad kasta.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, isla markaana kaashanaya kuna kalsoon aqoonta, khibradda iyo waayo-aragnimada durugsan ee ku duugan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedba, waxaan  halkan ka ballan qaadayaa inaan dedaal u sii geli doono cidhib-tirka xanuunkan iyo xakamaynta waxyaalaha uu ka dhashaba.

 

Ugu dambayntii, waxaan halkan codsi uga dirayaa dhammaanba hay’adaha ku shaqada leh la dagaallanka cudurkan HIV/AIDs-ka inay intii awoodooda ah ee wax la qabasho ah, ay Komishanka Qaranka la Dagaallanka HIV/AIDs-ka ka caawiyaan sidii xanuunka looga cidhib tiri lahaa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH,

 

Jamhuuriyadda Somaliland Ha Noolaato,

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

 

Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo ka warramay waxa Nidaamka dawladnimo ee Somaliland ka qalloocday iyo waxa ku kallifay inuu Madaxweyne isu-sharraxo

“Waadigaa arkaya hadday Xisbi tahay iyo hadday Xukuumaddii tahay in kii la doortay ee aynu islahayn kii hore ayuu dhaamayaa intuu soo fadhiisto odhanayo anigaa la I doortay..”

“Dawladnimadii waynu dhisnay waynu toosinnay marka qaylo-dhaanta iyo halka dadku marayo la eego. Laakiin, way innaga qalloocatay (nidaamkii dawladnimadu), haddii qalloocaas ay ku sii socotana nidaamkii dawladnimo inuu sii liico ayaa halis loogu jiraa…” Prof: Cabdisalaan Yaasiin – Waraysi Gaar Ah

Hargeysa, 01 December, 2015-(Himilo)- Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo dhawaan shaaciyey inuu yahay Musharrax u tartami doona jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka warramay waxa wakhtigan ku kallifay inuu isu sharraxo Musharrax Madaxweyne, waxaanu sheegay inay jiraan wax badan oo dhinaca nidaamka dawladnimo iyo ku dhaqanka dimuquraadiyadda Somaliland ka qaldani.

CABDISALAAN YAASIINProf: Cabdisalaan Yaasiin waxa uu sheegay inaanay jirin cid gaar ah oo dhabarka taabatay ama ku dhalisay inuu isu taago Musharrax ku tartami doona jagada Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, waxaanu meesha ka saaray inaanu jirin xidhiidh gaar ah oo ka dhexeeya Guddoomiyaha Xisbigaas oo uu isaga si gaar ah ugu wato, balse waxa uu ku dooday in fikir isaga ka soo go’ay uu yahay. Waxaanu Cabdisalaan Yaasiin qodobbadaas iyo arrimo kale oo xasaasi ahba kaga hadlay Waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Tifaftiraha Shabakadda Xog-soor Weriye Faysal Xiis Weerar (Afgaab).

Cabdisalaan Yaasiin oo ugu horreyn ka jawaabaya waxa uu xilligan Koofiyadda Siyaasaadda u soo xidho oo isu sharraxo Musharrax u taagan jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga WADDANI, waxa uu yidhi; “Laba koofiyadood baan leeyahay oo ah koofiyad Macallinnimo iyo Koofiyad Siyaasi, Koofiyadda Siyaasiga ayaan la soo baxay. Waxaanan u soo gashaday sidii markaan ku dhawaaqay Musharraxnimadayda aan sheegayba iyadoo aan arkayo maanta in dalki meel halis ah marayo, iyadoo 34 iyo 24 sano Somaliland aynu wadnay ka dib.”

“Dawladnimadii waynu dhisnay waynu toosinnay marka qaylo-dhaanta iyo halka dadku marayo la eego. Laakiin, way innaga qalloocatay (nidaamkii dawladnimadu), haddii qalloocaas ay ku sii socotana nidaamkii dawladnimo inuu sii liico ayaa halis loogu jiraa. Markaa, aniguna halkaas baan ka soo kacay qalloocaas inaan toosinno oo waxaan ka tari karo aan ka taro oo aynu dawladnimada aynu dhisannay sii horumarinno.” Sidaa ayuu yidhi Cabdisalaan Yaasiin oo jawaabta su’aashaas sii watay.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI tacab badan geliyey, waxaanu yidhi; “Xisbiga WADDANI la yidhaahdo tacab badan baannu gelinnay. Waad ogeyd oo Urur Horyaal la yidhaahdo ayaannu ahayn, Ururkii waa la reebay, markii la reebay annagoo Ururro badan ah ayaa mid waliba goonidiisa markuu qiimeeyey waxaannu ku biirnay WADDANI. WADDANI-na tacab badan baa nagaga baxay, aasaasayaashiisiina waan ka mid ahaa.”

Cabdisalaan Yaasiin oo ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey sida uu ugu rejo wayn yahay in Musharrax Madaxweyne WADDDANI dhexdiisa looga doorto, maaddaama oo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland mid walba ninka hor-fadhiyaa u isticmaalo sidii Mulkiyad uu isagu leeyahay, waxa uu ku jawaabay; “Way jirtaa taasi, markaa kol hadday tahay inay Xisbiyadu dhaqan hore lahaayeen. Dimuquraadiyaddu dhiiggay innagaga jirtaa. Laakiin, dimuquraadiyaddii dhaqanka weeye teennu, tii Casriga ahayd waxaad mooddaa ama Xisbi ha noqoto ama dawlad ha noqoto ee wixii la aasaasay ay noqdeen wax kii aasaasay Kursiga ku fuulo. In ninki kursigii ku fadhiisanayo oo odhanayo anigaa iska leh meesha. Waadigaa arkaya hadday xisbi tahay iyo hadday Xukuumaddii tahay in kii la doortay ee aynu islahayn kii hore ayuu dhaamayaa intuu soo fadhiisto odhanayo anigaa la I doortay.”

“Markaa, WADDANI wuu soo dhaweeyey, waakii Guddoomiyuhu sheegay, markaa, waxaan rejaynayaa inuu WADDANI ka dhabeeyo hal-ku-dhiggiisa iyo inuu ummadda iyo dawladnimada horumarinayo, oo WADDANI lagaga daydo nidaamkaas oo uu kuwii hore wax kaga duwanaan doono.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Cabdisalaan Yaasiin.

Mar uu ka jawaabayey Cabdisalaan in Jiilalka Somaliland ku dhaqan ee haddii uu tartamo Codka ka doonayaa isugu jiraan saddex Jiil oo Jiil ka mid ahi garanayo isagoo SNM ah dhawr iyo siddeetanaadkii, Jiil garanayo isagoo Macallin Jaamacadeed ah, Jiilka saddexaadna Sheekooyinka uu Warbaahinta ku qoro uun arkaan, sidaa awgeed sida uu u Midaynayo Jiilaalkaas uu Codka uga baahan doono, waxa uu sheegay inuu fikir ahaan ku midayn karo, isagoo tusaale u soo qaatay inuu ka mid ahaa Xubnihii SNM aasaaskeeda iyo dhismeheeda ka qayb-qaatay, isla markaana wax dad lagu maamulo oo lagu mideeyo dagaalku ugu adag yahay, isla markaana uu dagaal-galiye noqday, dagaalna galay oo Rag hoggaamiyey, Arday-na hoggaamiyey. Sidaa awgeed-na, uu Midayn karo quluubta dadka reer Somaliland.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo la weydiiyey in ay dad badani u arkaan Musharraxnimadiisa mid uu dhabarka soo taabtay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro si uu ula tartamo oo doorashada Golaha dhexe ee WADDANI ugu muuqato mid dumuraaddi ah oo lagu dhex-tartamay iyo sida tuhunkaas wax uga jiraan, waxa uu yidhi; “Dee horta taynu doonaynaa waxa weeyaan dimuquraaddiyad dhab ah, maaha mid maqaarsaar ah, istaagga aan istaagaynay maqaarsaar maaha, waa mid dhab ah.”

“Cabdiraxmaan-Cirrana soo dhawaynta uu soo dhaweeyey wuu ku mahadsan yahay, waana wax aniga iga soo go’ay inaan is-sharraxo oo aan aamminsanahay inaan wax beddeli karo ama sixi karo. Immika qolada KULMIYE intii ay caafimaad qabeen Musharraxiintu afar bay ahaayeen, intii aanay is-khilaafin ee aanay odhan Madaxweynuhu Nin gaar ah buu wataa.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Yaasiin oo sii watay jawaabta uu su’aasha kore ka bixiyey.

Waxaanu Cabdisalaan Yaasiin oo sii wata isla jawaabta su’aashaas uu intaas ku daray oo yidhi; “Markaa, dimuquraadiyaddu waa in ay caafimaad qabtaa, waa inay qalbiga kaa gashaa dimuquraadiyaddu, maaha inay afka ahaato. Markaa, waa in qofka (Musharraxa) ay isaga ka soo godaa. Waa in uu jiraa wax qofka kellifaya oo uu doonayo inay ummaddu ku doorato oo uu barnaamijkiisa soo bandhigo.”

“Immika qolada KULMIYE waxay leeyihiin weli KULMIYE ayaannu nahay, kamay bixin, Ninkana raalli kama aha, laakiin khilaafku waa inaanu noqon mid lagu kala tago. Markaa, WADDANI waxaan rejaynayaa in si dumuquraaddi ah loogu tartamo iyadoo gacmaha la is-haysto, si dimuquraaddi ah doorasho uga dhacdo, dabadeedna qofka soo baxa si khilaaf la’aan ah loo wada dhiso oo la garab-istaago. Markaa, waan ku qanacsanahay inay WADDANI tallaabadaas qaadi doono Insha ALLAAH.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Cabdisalaan Yaasiin.

Waxaannu Caddadyada dambe idiinku soo gudbin doonnaa qayb kale oo ka mid ah Waraysigaas gaarka ah ee uu bixiyey Musharrax Cabdisalaan Yaasiin haddii ILLAAHAY yidhaahdo, qaybtaas oo uu kaga hadlayo arrimo badan oo siyaasadeed oo xasaasi ah. La Soco……………

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo sheegay in Beesha Caalamku soo mariso Deeqaha loogu talo-galay Somaliland iyo Sida ay Hargeysa ugu soo gudbiyaan

“Waxaad ka badbaaday Qaraxii Huteelka Central ee Muqdisho, marka aad habeenkii hurdo tagto inna ma ku hamidaa inaad Hargeysa ku noqoto..?”

Maxamed Cumar Carte muxuu ka yidhi heerka Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland Soomaaliya

Muqdisho, 01 December, 2015-(Himilo)- Raysal-wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ah Muwaaddin reer Somaliland ah, balse qaatay mawqifka Midnimada Soomaaliweyn, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay leeyihiin xidhiidh wada shaqeyneed, isla markaana wixii Deeq ah ee Beesha Caalamku bixiso Somaliland u soo diraan qaybteeda.

Maxamed Cumar Carte oo uu Waraysi la yeeshay Weriye Cabdirisaaq-Tera oo ka tirsan Telefiishanka Star, ayaa la weydiiyey in Xukuumadda Soomaaliya iyo Somaliland xidhiidh ka dhexeeyo, waxaanu tilmaamay inuu xidhiidh jiro, isla markaana wixii Deeq ah ee Beesha Caalamku Soomaaliya siiso ay Somaliland qaybteeda siiyaan.

Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo tusaale u soo qaadanaya Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Deeqo Waxbarasho oo ay u soo gudbiyeen, waxa uu yidhi; “Wixii Deeq ahaa ee Somaliland lahayd waxaannu u dirnay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, toos baannu ugu dirnaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.”

Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxa uu rejo ka muujiyey in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya dib u bilaabmaan oo ay ka soo baxaan wax reer Somaliland ku qancaan. “Way suurtoobaysaa (in si siman Somaliland iyo Soomaaliya wax u qaybsadaan) waxaanan ILLAAHAY ka rejeynayaa inay wadahadalladi dib u bilaabmaan oo ay ku dhammaadaan wax Soomaaliyi ku raalli ku tahay, Somalilandna waxay tabaneyso ku heli karto.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte.

Raysal-wasaare ku-xigeenka oo la weydiiyey su’aal u dhignayd sidan; “Waxaad ka badbaaday Qaraxii huteelka Central ee Muqdisho, marka aad habeenkii hurdo tagto inna ma ku hammidaa inaad Hargeysa ku noqoto?” Waxaanu Mr. Carte oo ka jawaabaya su’aashaas uu yidhi; “Hargeysa waa magaaladeyda waana halkaan ku dhashay.”

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Xildhibaanka 21-kii Mudane kaga hadhay UCID oo Ka hadlay Khilaafka Hadheeyey Xisbigaas, Masuuliyiintana Baaq u diray

 

“UCID gudo iyo dibed waxay mashquul ku tahay meesha lagaga yimi…Arrinkanina waa arrin Shook (Naxdin) Siyaasadeed ku ah Taageerayaasha UCID oo ah in si mug leh loo baadho…”

“Xildhibaannada Golayaasha 21-ka degmo-doorasho ayuu Codkoodii uu ku soo baxay Xisbigu, hantidooduu uu ku soo baxay oo dedaalka ay geliyeen uu ku soo baxay. Markaa, maanta Xisbiga Cidina gaar uma sheegan karto..” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille

Hargeysa, 01 December, 2015-(Himilo)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ah Mudanaha keliya ee Golaha Wakiillada Somaliland wakhtigan ugu jira Xisbiga UCID ee ka soo hadhay 21 Mudane oo UCID ku lahaa Golahaas oo Xisbiyada kale ku kala biiray, ayaa ka hadlay Khilaafka Hoggaanka iyo Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka soo dhex-galay oo sababay inuu is-casilo Musharraxii Jagada Ku-xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan.

Xildhibaa Maxamed Faarax Qabille oo ah Mudanayaasha laga soo doortay gobolka Saaxil, ayaa sheegay in Bahwaynta UCID Khilaafka Xisbigooda soo dhex-galay ku noqday Naxdin-siyaasadeed, isla markaana ay ku mashquulsan yihiin meesha khilaafkani kaga yimi gudaha iyo dibedda meesha ay tahay. Md. Qabille waxa uu sheegay in xallinta khilaafkaas lagu jiro, lana dhammayn doono, isagoo Guddoomiyaha iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbiga ugu baaqay in la joojiyo hadallada Saxaafadda la isu marinayo inta lagu guda-jiro xal u helidda khilaafka UCID.

Waxa uu XIldhibaan Maxamed Faarax Qabille ka sheekeeyey sida ay Xildhibaannadii UCID ugu jiray Golaha Wakiillada ee Xisbigaas laga soo doortay 2005-tii, ay labaatankii kale hawada uga baxeen isaga mooyaane, waxaanu yidhi; “Horta, Sharaftaydaan u tudhanayoo Xeer 14 (Xeerka doorashooyinka), wuxu dhigayaa lixda bilood ee u dambeeya ayuun buu Xildhibaanku wareegi karaa, taasi waxay isiinaysay maaddaama oo aan ahaa nin Golaha koowaad ee Sharci-dejinta loo soo doortay Sharci-dejin iyo Xeer-ilaalin labadaba, taariikhdayda ayay madhxin u ahayd, sharaf baanay ii ahayd inaan ku hadho Xisbigayga.”

“Xillilgaas duruufo adag baa soo maray Xisbiga, Saaxiibbaday Xildhibaannada ahaa iyo Xisbigaygu waxay u kala jabeen laba. Raggaannu 2005-tii UCID u soo galnay Golaha Wakiillada ee aannu 21-ka ku ahayn Khadar-Ambassador oo isagu ruqsaystay meelna aan ku caddayn mooyaane, 19-kii kale way ka wareegtay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo shalay u warramay Royal TV.

Mudane Qabille oo ka hadlaya khilaafka 2011-kii soo dhex-galay UCID iyo khilaafka wakhtigani waxay ku kala duwan yihiin, waxaanu yidhi; “Khilaafka xilligaas dhacay khilaafka xilligan maanta wuu ka dambeeyey. UCID gudo iyo dibed waxay mashquul ku tahay meesha lagaga yimi, oo u baahan in si mugle loo baadho. Saamayn ballaadhan bay yeelatay. Ciddii ugu tunka weynayd Xisbigaas, ee ama gudaha dalka joogtay ama dibedda joogtay arrin wayn oo Qaran buu isu beddelay arrinkaasi. Has-yeeshee, dhirindhirrin iyo taxaddir waxa ku wada Bahwaynta UCID iyo Taageerayaashiisa.”

Qabille waxa uu sheegay inaan UCID ahayn Xisbi qof leeyahay, waxaanu yidhi; “Xisbiga Qof malaha anigoon Faysal-na ku xad-gudbayn, Musharraxiintana ku xad-gudbayn, Xisbiga Qof male, waa Xisbi Qaran oo Qaranku wada leeyahay. Waynu ogeyn oo dedaalka ugu badani Xisbiga doorashadii Golayaasha Deegaanka, in ka badan lix boqol oo Xildhibaan ayaa isu soo taagay doorashadii Golayaasha deegaanka ee 21-ka degmo-doorasho oo maanta Codkoodii uu ku soo baxay Xisbigu, hantidooduu uu ku soo baxay oo dedaalka ay geliyeen uu ku soo baxay. Markaa, waxaan isleeyahay maanta Xisbiga Cidina gaar uma sheegan karto.”

“Ma farogelin dibedeed baa, ma mid gudeed baa, ma mid dhexdiinna ah-baa? Waa waxaanan ka hordhacayn anigoo ah Mudane ka tirsan Bahwaynta UCID ee weliba ugu muddada dheer Xisbigan, waxaanan ka hor-degayn si arrinkaas khilaafku u dhammaystirmo. Waxaanan rejaynayaa in la helo kabasho deg-deg ah. Waxaan rejaynayaa in toddobaadyada foodda innagu soo haya arrintaas xalkeedu meel tegi doono.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.

Waxa uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille baaq u jeediyey Masuuliyiinta UCID, waxaanu yidhi; “Laakiin, ma noqon karayso oo kuma ekaanayso farriimo Warbaahinta la isu mariyo oo keliya. Waxaanan halkan Baaq uga jeedinayaa hadday Musharraxiinta noqoto, Bahwaynta UCID hadday noqoto iyo hadday noqoto Faysal oo ah Guddoomiyahayaga in la joojiyo hadallada Warbaahinta la marinayo. Arrinkanina waa arrin Shoog (Naxdin) Siyaasadeed ku ah Taageerayaasha UCID.”

Himilomedia

Hargeysa Office

Badhasaabka Maroodi-jeex iyo Xildhibaan Koore oo ka hadlay Shirqool ay sheegeen in Cali Khaliif u dhigay Muwaaddin Hargeysa jooga

 

“Ninka la yidhaahdo Cali Khaliif wuxuu damcay Iid Dubbad in Alambaqadii la sheegi jiray lagu rido, markuu isagoo Hargeysa jooga leeyahay Xil baan u Magacaabay…” Xildibaan Saleebaan Cali Koore

Hargeysa, 01 December, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha goobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, ayaa ka hadlay Muwaaddin reer Somaliland ah oo Hoggaamiyaha kooxda la baxday khaatumo Cali Khaliif Galaydh uu isagoo Hargeysa jooga Warbaahinta ku baahiyey inuu u Magacaabay Wasiirka Caafimaadka iyo Qoyska ee Khaatumo.

Muwaaddinkan oo Magaciisu yahay Iidle Dubbad Muuse isla-markaana illaa bishii 7-aad ee Sannadkan 2015-ka xaalad Caafimaad u jooga Hargeysa, ayaa Cali Khaliif Galaydh uu sheegay inuu u Magacaabay Wasiirkiisa Caafimaadka iyo Qoyska, laakiin Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Xildhibaan Koore oo Shir-jaraa’id oo ay arrintaa kaga hadlayaan la qabtay muwaadinkan Shalay, waxay sheegeen in Cali Khaliif uu arrintan ugu talo-galay inuu ku Shirqoolo iidle Dubbad, maadaama oo isaga oo jooga Hargeysa uu xil u Magacaabay.

Iidle Dubbad Muuse oo ka hadlayey Shirka jaraa’id ee ay ku wehelinayeen Badhasaabka Maroodi-jeex iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, ayaa faahfaahiyey sida uu Cali Khaliif u wanjalay isla-markaana u Shirqooley, waxaanu yidhi, “Anigoo Magaceygu yahay Iidle Dubbad Muuse oo deggan Magaalada Laascaanood, ahna nin Muwaadin ah oo Reer Somaliland ah waxaan caddeynayaa war Maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayey, warkaas oo ahaa in kooxda dibad-wareegga ah ee ku sugan Koonfurta Laascaanood (Khaatumo) ay yidhaahdeen ninkaa waxaanu u Magacownay Wasiirka Caafimaadka iyo Qoyska ee (Khaatumo). Waxaan caddeynayaa in arrinkaa aanay cidna igala tashan, in aanan ogeyn, in aanan lug ku lahayn, in aanan aqbalin oo aanan qaadan.”

Iidle oo sii hadlaya ayaa yidhi; “Waxaan qabaa in hawshaa (Xilka Khaatumo ii Magacawday) aanan doc iyo dareenna kaga jirin, laakiin ahayd wax loogu talo-galay iyada oo la ogaa inaan Hargeysa u joogo hawlo Caafimaad anigoo bishii 7-aad Hargeysa imid ilaa imikana jooga, sidaa daraadeed waxaan caddeynayaa in aanan Khaatumo ka mid ahayn, waxaana (Xilkan) loogu talo-galay in xilkasnimadeyda, Odeynimadeyda iyo ammaankayga wax lagu yeelo, aniguna ma ihi nin hawsha Cali Khaliif ku jira ama aqbalaya, waayo? Waxaan u arkaa (Khaatumo) niman Nabadgalyada lid ku ah.”

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isaguna ka hadlay shirka Jaraa’id ee arrintan lagaga hadlay, ayaa Shirqool ku tilmaamay xilka uu Galaydh u Magacaabay Iidle Dubbad isagoo Hargeysa jooga, “Ninka hadba Geed hoostii fadhiisanaya ee la yidhaahdo Cali Khaliif wuxuu damcay in ninkan (Iid Dubbad) halkan lagu gabawaro halkan (Hargeysa) oo Alab-baqadii la sheegi jiray lagu rido. Cali Khaliif maaha nin wada wax dadka iyo deegaankaba dan u ah, inuu hadba Geed hoos fadhiisto oo uu dadka Magacyadooda Warbaahinta ku soo daayo waa wax aan Maskaxdu aqbali karin, aad baanan uga xumahay inuu ninkaa weyni (Galaydh) uu dadka Muwaadiniinta ah ka been abuurto waana Shirqool.” ayuu yidhi.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa isaguna yidhi sidan, “Iidle Dubbad Muuse waa nin aanu isku deegaan ka soo jeedno, waa la shirqooley oo waxa Shirqoolay ninka Cali Khaliif la yidhaahdo ee dalka inta bariga gubay, Cali Khaliif wuxuu ku talo-galay aniga iyo Iidle aanu isku qubacanno, waayo? Iidle oo aanu ilmaadeer nahay oo Hargeysa dhakhtar u jooga ayuu yidhi Iidloow waxaan kuu magacaabay Wasiirka Caafimaadka iyo Qoyska (Khaatumo). Cali Khaliif ma Madaxweynaa halkuu haystaa oo uu xukumaa.”

Badhasaabka oo sii hadlaya ayaa ku taliyey, oo uu yidhi; “Waxaannu leenahay waar Cali Khaliif ninka ka Naxayoow Dhakhaatiirta dibedda ha loo geeyo oo hala daweeyo, waa nin weyn oo wakhtigiisii soo qaatay. Nin aanu la soo xidhiidhin oo dalkiisa iyo Dawladdiisa la jooga intuu warqad ku qoro odhanaya waxaan kuu magacaabay Wasiirka Caafimaadka iyo Qoyska.”

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo laba Suxufi Xabsiga u Taxaabay iyo Nidaamkii Guddoomiyaha Maxkamaddu sheegay oo meesha ka baxay

 

Hargeysa, 01 December, 2015-(Himilo)- Agaasimaha Telefeshinka Bulsho Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Suxufiga Siciid Khadar Cabdillaahi oo Weriyeyaasha TV-gaas ka hawlga ka tirsan, ayaa Xabsiga loo taxaabay shalay, ka dib markii Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland amar ku bixiyey xadhiggooda, iyagoo laga qabtay Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka oo shaqo u tageen.

Cabdirashiid Nuur Wacays, ayaa sidoo kale ah Guddoomiyaha Wargeyska Hubsad oo ka mid ah Wargeysyada Hargeysa ka soo bixi jiray oo dhawaan ay dib u bilaabeen markii ay kala wareegeen qoladii hore u lahayd Ruqsadda Wargeyskaas, halka sidoo kale Suxufi Siciid Khadar Cabdillaahi Tifaftiraha Hubsad ahaa, balse aanay maalmahan u dambeeyey soo saarin Wargeyskaa, ka dib markii sida ay Himilo u sheegeen ay qoraalka aqbalaadda kala wareejinta Ruqsadda Wargeyskaas ay ka dalbadeen Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka. Hase-yeeshee, ay haddidaad iyo hanjabaad kala kulmeen Xeer-ilaaliyaha guud Axmed Xasan Aadan.

“Waxaannu ka sugaynay Xeer-ilaaliyaha Warqad, Wargeyska waxaannu kala wareegnay qoladii hore u lahayd, Wargeysyadana Ruqsaddooda waa la kala iibsan karaa, waana la isku wareejiyaa, si sharci ah ayaannu ula wareegnay Wargeyska Hubsad. Markaa, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaannu ka codsannay Warqad, waxaanu nagu yidhi lama wareegi kartaan Wargeyska Hubsad, soomana saari kartaan. Markaannu nidhi maxaannu kaga duwannahay Wargeysada kale ee lala kala wareegay ee Hargeysa ka soo baxana, Askar buu noo dalbaday uu ku armay inay na xidhaan, sidaas ayaana nalagu xidhay.” Sidaas ayey yidhaahdeen labadan Suxufi oo Weriye Himilo ka tirsani ku booqday Xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargeysa oo ay shalay lagu xidhay.

Tallaabadan lagu xidhan Suxufiyiintan, ayaa meesha ka saaraysa Nidaam uu dhawaan sheegay inay dejiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, isagoo sheegay inay sameeyeen nidaam sharci oo dhigaya inaan Nin Suxufi ah la iska xidhi karin illaa ay Maxkamadi Xadhiggiisa amarto oo Dacwadda loo haystaa dhammaystiranto oo Maxkamadi go’aan ka gaadho ka hor. Balse, waxa muuqata inuu Xeer-ilaaliyaha guud ka tallaabsaday nidaamkaas uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare sheegay in lagula dhaqmi doono Saxaafadda.

Himilomedia

Hargeysa Office

Hargeysa: Sigaarka oo ku soo biirey Xayeysiiyada Waddooyinka Caasimadda qabsaday & Xukuumadda oo si adag uga hadashay

 

Hargeysa, 01 December, 2015-(Himilo)- “Tubaakadu aad bay u waxyeelaysaa Caafimaadka”. Inkastoo hal-ku-dhiggani ku qornaa Baakadda Sigaarka ee M1 oo boodhadh lagu xayeysiinayaa ku yaalaan Faras-Magaalaha Caasimadda Hargeysa, haddana waxa barbar socday Weedho lagu xayeysiinayo oo lagu soo jiidanayo Dadka Sigaarka cabba, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen “MID LA MID AHI MA JIRO – OGOW WAXAAD CABBEYSO M1 DOORO”.

Boodhadhka lagu xayeysiinayo Sigaarkan ayaa lagu dhajiyey Xagga hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, deyrka Waqooyi ee Dugsiga Sheekh Bashiir iyo weliba Xagga hore ee dhismaha Wasaaradda Caafimaadka, inkasta oo wakhti dambe laga gooyey.

Tallaabada lagu xayeysiinayo Sigaarka M1, waxay ka soo horjeeddaa Shuruucda Caalamiga ah oo dhigaya inaan la Xayeysiin karin Sigaarka Maadaama oo uu dhibaato Caafimaad u keenayo qof kasta oo Cabba.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa Qaraar ay soo saartay sannadkii 2003 waxay ku mabnuucday Xayeysiiska Sigaarka iyo Horumarintiisa, Qaraarkaas oo adduunka lagu baahiyey isla-markaana nuqullo ka mid ahi yaalaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Diiriye oo Telefiishanka HCTV waydiiyey Xayeysiiska Sigaarkan iyo waxa uga meel yaal maadaama oo ay Mabnuuc tahay in la Xayeysiiyo, ayaa ku jawaabay, “Annaga oo adeegsanayna Shuruucda ka taala Sigaarka marka uu Wasiirka Caafimaadku soo noqdo waxa ka go’an Wareegto lagu mabnuucayo Sigaarka isla-markaana dadweynaha dib loogu wacyi-gelinayo, waana Mabnuuc waana dib (In Sigaarka la Xayeysiiyo). Waxaanu uga digeynaa Shirkadaha sigaarka iyo kuwa Xayeyska qora inay dambi tahay.” Ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Mr. Yuusuf Cismaan Garas oo isaguna ka hadlay Xayeyska loo sameeyay Sigaarka M1 ee boodhadhkiisa lagu dhajiyey Suuqyada iyo Xafiisyada Wasaaradaha Dawladda hortooda, ayaa yidhi, “Waar aad u naxdin leh weeye, waayo? maynaan fileynin Tubaakada Xayeysiiskeeda iyo dhiiri-gelinta, waana nasiib daro inteeda leeg in lagu Xayeysiiyo goobihii wax lagu baranayey, sidaa daraadeed anigu ku hadlaya Wasaaradda Waxbarashada oo aan Wasiir ku-xigeenkeeda ahay arrintan tallaabo deg-deg ah ayaanu ka qaadeynaa.”

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo laba Suxufi Xabsiga u Taxaabay iyo Nidaamkii Guddoomiyaha Maxkamaddu sheegay oo meesha ka baxay

 

Hargeysa, 01 December, 2015-(Himilo)- Agaasimaha Telefeshinka Bulsho Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Suxufiga Siciid Khadar Cabdillaahi oo Weriyeyaasha TV-gaas ka hawlga ka tirsan, ayaa Xabsiga loo taxaabay shalay, ka dib markii Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland amar ku bixiyey xadhiggooda, iyagoo laga qabtay Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka oo shaqo u tageen.

Cabdirashiid Nuur Wacays, ayaa sidoo kale ah Guddoomiyaha Wargeyska Hubsad oo ka mid ah Wargeysyada Hargeysa ka soo bixi jiray oo dhawaan ay dib u bilaabeen markii ay kala wareegeen qoladii hore u lahayd Ruqsadda Wargeyskaas, halka sidoo kale Suxufi Siciid Khadar Cabdillaahi Tifaftiraha Hubsad ahaa, balse aanay maalmahan u dambeeyey soo saarin Wargeyskaa, ka dib markii sida ay Himilo u sheegeen ay qoraalka aqbalaadda kala wareejinta Ruqsadda Wargeyskaas ay ka dalbadeen Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka. Hase-yeeshee, ay haddidaad iyo hanjabaad kala kulmeen Xeer-ilaaliyaha guud Axmed Xasan Aadan.

“Waxaannu ka sugaynay Xeer-ilaaliyaha Warqad, Wargeyska waxaannu kala wareegnay qoladii hore u lahayd, Wargeysyadana Ruqsaddooda waa la kala iibsan karaa, waana la isku wareejiyaa, si sharci ah ayaannu ula wareegnay Wargeyska Hubsad. Markaa, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaannu ka codsannay Warqad, waxaanu nagu yidhi lama wareegi kartaan Wargeyska Hubsad, soomana saari kartaan. Markaannu nidhi maxaannu kaga duwannahay Wargeysada kale ee lala kala wareegay ee Hargeysa ka soo baxana, Askar buu noo dalbaday uu ku armay inay na xidhaan, sidaas ayaana nalagu xidhay.” Sidaas ayey yidhaahdeen labadan Suxufi oo Weriye Himilo ka tirsani ku booqday Xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargeysa oo ay shalay lagu xidhay.

Tallaabadan lagu xidhan Suxufiyiintan, ayaa meesha ka saaraysa Nidaam uu dhawaan sheegay inay dejiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, isagoo sheegay inay sameeyeen nidaam sharci oo dhigaya inaan Nin Suxufi ah la iska xidhi karin illaa ay Maxkamadi Xadhiggiisa amarto oo Dacwadda loo haystaa dhammaystiranto oo Maxkamadi go’aan ka gaadho ka hor. Balse, waxa muuqata inuu Xeer-ilaaliyaha guud ka tallaabsaday nidaamkaas uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare sheegay in lagula dhaqmi doono Saxaafadda.

Himilomedia

Hargeysa Office

Kenya oo Amartay Qabashada Nin Britain u dhashay oo Argaggixiso ku eedaysan oo ay Shacabka u soo bandhigtay Macluumaadkiisa

 

Nairobi, 01 November, 2015-(Himilo)- Taliska sare ee Ciidanka Booliska Kenya, ayaa bixiyay amarkii lagu soo xidhi lahaa Nin haysto dhalashada dalka Britain oo lagu magacaabo Maalik Yaasin, laguna tuhuumay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaasna uu qaab dhumasho ah la sheegay inuu ku soo galay Kenya iyo xubno kale, iyadoo ay Ehelada mid ka mid ah dadka la eedeeyey iska difaaceen eedaymaha loo jeediyey.

Booliska, ayaa sidoo kale ka codsi Shacabka iney feejignaan sameeyaan, isla markaana ay war-geliyaan Ciidammada amniga, haddii ay arkaan ninkaas oo lagu eedeyay in uu ka mid yahay xoogagga shisheeye ee ka barbar-dagaallama Al Shabaab.

Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo bandhigtay Sawirka eedeysanaha oo ay ku lifaaqneyd Warbixin yar oo tilmaam guud ka bixineysay tuhmanahan oo muuqaalkiisa loo bandhigay Shacabka Kenya si ay fikrad guud oga qaataan.

Maalik Yaasin, ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay dagaal-yahannada ka soo jeedo Britain ee ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanto, laakin dowladda Kenya ma aysan sheegin sababta uu dalkeeda u yimid iyo waliba waxyaabaha uu damacsan yahay.

Illaa 20-qof, ayaa la sheegayaa in siyaabo kala duwan dhawaanahaan loogu xidhay Kenya, kuwaasoo qaarkood lagu eedeyay iney Basaasiin u ahaayeen dalka Iran oo ay u fududeynayaan weerarro ay damacsan tahay iney la beegsato Muwaaddiniin reer Galbeed ah oo gudaha dalka Kenya ku sugan.

Sannad ka hor ayay ahayd markii Booliska dalka Kenya ay xidheen laba Nin oo Iraniyiin ah, kuwaasoo la sheegay inay iska dhigayeen Ganacsato dooneysay inay Kenya maal-gashi ku sameeyaan, balse haystay Hub sharci-darro ah.

Taliyaha guud ee Ciidammada Booliska Kenya Joseph Boinnet, ayaa maalin ka hor caddeeyay in laba qof oo Kenyan ah loo xidhay eedeymo ku saabsan iney Jaajuusiin u ahaayeen Sir-doonka waddanka Iran, ayna kala shaqeynayeen sidii ay danahooda uga fushan lahaayeen Kenya.

Hase-yeeshee, Noshiin Abiibbakar oo ah Gabadh uu dhalay Abubakar Lou oo ka mid ah eedeysanayaasha loo xidhay iney jaajuusiin u ahaayeen dawladda Iran, ayaa diidday eedeyntaas loo soo jeediyay Aabbaheed oo da’diisa lagu sheegay 69 sano jir.

“Warkani guud ahaan waxa uu nugu noqday Shoog (Naxdin), wax ka jiraana ma jiro. Aabbahay Argaggixiso maaha, waxaannu nahay Qoys Muslim ah, maaha in la isku qaldo Muslinnimada iyo Argaggixisonnimada, maaha in la isku qaldo Ganacsiga iyo Basaasnimada. Waxaannu ka cabanaynaa eedayntaas dawladda Kenya u jeedisay Aabbahay, waxaan leeyahay guud ahaan waxba ka-ma jiraan.” Sidaa ayey tidhi Noshiin Abubakar, sheegtay inay si fiican u garan karaan Saaxiibbada iyo Jaarka Qoyskoodu Shaqada Aabbohood qabto oo ah mid Ganacsi.

Sidoo kale, Garyaqaanka Qoyskaas ee Difaacaya eedayntaas, ayaa ku tilmaamay eedaynta dawladda mid xaqiiqada ka fog, isla markaana ka hor-caddaan doonta Maxkamadda horteeda. Eedayntaas Abubakar Lou loo jeediyeyna tahay mid xaqiiqada ka fog, isagoo ku dooday Garyaqaankani in Abubakar iyo Qoyskiisu yihiin dad nadiif ka ah eedayntaas.

Waddanka Kenya, waxaa hore uga dhacay weerarro khasaare badan geystay oo la sheegay qaarkood inay fuliyeen Ajaanib haystay dhalashooyin kala duwan. Waxaana ka mid ahaa weerarradii lagu qaaday Jaamacadda Magaalada Gaarisa iyo Xaruntii Ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale 17-kii bishii Juun  sannadkaan ayey aheyd markii Ciidammada Difaaca Kenya ee KDF ay dileen Thomas Evans oo ahaa Nin u dhashay dalka Britain, kana tirsanaa dagaal-yahannada Al Shabaab, ka dib markii ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidammada Milatariga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Baure oo ka tirsan Ismaamulka Laamu ee gobalka Xeebta Kenya.

 HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

Sunday, November 1, 2015

Daacish oo Sheegatay inay soo ridday Diyaarad Rakaab oo Ruushku leeyahay, dadkii saarnaa oo wada dhintay iyo Buntin oo ka hadlay

 

Siinaay, 01 November, 2015-(Himilo)- Kooxda Daaciish, ayaa sheegatay inay iyagu soo rideen Diyaarad uu Ruushku lahaa oo Sabtidii shalay ku dhacday Buuraleyda gobolka Siinaay ee dalka Masar, ayaa la sheegay inay 224 qof oo saarnaa ay geeriyoodeen, kuwaasoo isugu jiray 217 Rakaab ah iyo 17 shaqaalihii diyaaradda ahaa.

Ururka ISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya qaybo ka tirsan, ayaa sheegtay inay iyagu ka dambeeyaan dhicitaanka diyaaraddaas, iyagoo War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay iyagu soo rideen diyaaradda oo aanay u dhicin cillad la soo daristay.

Rakaabkii saarnaa diyaaradda oo isugu jirey 138 Ruux oo Haween ah iyo 62 Rag ah, waxaana sidoo kale ku jiray 17 Carruur ah. Isla markaana waxay Xukuumadda Ruushku sheegtay in 224 qof oo ka mid ah Rakaabka ay u dhasheen Ruushka, halka saddex qof oo kalena ay u dhasheen dalka Ukraine.

Safaaradda Ruushku uu ku leeyahay magaalada Qaahira, ayaa sheegay inay qaar ka mid ah Saraakiisha dalka Masar u sheegeen in duuliyuhu uu isku dayay inuu ku dejiyo diyaaradda garoonka El-Arish, balse nasiib-darro uu xidhiirkii diyaaraddu lumay.

“Waan arkay burburkii diyaaradda,” ayuu Sarkaal Hay’adaha Ammaanka Masar ka tirsan u sheegay Reuters. Isagoo hadalkiisa raaciyay; “Waxaan arkay Meydadka dad badan oo ka mid ah Rakaabkii diyaaradda oo ku firirsan Buuraleyda ay diyaaraddu ku dhacday.”

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yidhi; “Diyaaraddu laba qaybood ayuu u kala jabay. Qayb ka mid ah burburka diyaaraddana wuxuu ku gubtay Buuraha. In ka badan 100 Meyd ayaa dibedda kusoo dhacay, intii kalena weli waxay weli ku jiraan burburka diyaaradda.”

Gobolka Siinaay ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin Islaamiyiin xidhiidh dhaw la leh kooxda khilaafada Islaamka, kuwaasoo dilay boqolaal ciidammada Masar ka mid ah, sidoo kalena weerarro ku qaaday danaha reer galbeeedku ay ku leeyihiin dalka Masar.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku dhawaaqay baroor-diiq Qaran oo loogu barooranayo boqolaalka qof ee Ruushka ah ee ku dhintay shilka diyaaradeed, baroortaas oo ka dhacaysa Ruushka oo dhan berri oo Axad ah.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A321 ayaa waxaa iska lahayd shirkadda Kogalymavia, iyadoo ka duushay magaalada Sharm el-Sheikh iyadoo ku socotay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa baahiyay ehellada rakaabkii diyaaraddan la socday oo ku barooranaya gudaha garoonkii ay ku wajahnayd. Waxaana la sheegay in diyaaraddan oo la sameeyay sannadkii 1997-kii ay sameysay in ka badan 21,000 oo duullimaad oo caalami ah.

Shilkan iyo sheegashada kooxda IS ee mas’uuliyaddad dhicitaanka diyaaraddan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Ruushku ay duqeymo cirka ah oo ay ku beegsanayso kooxda Daacish ay kawaddo Suuriya, kuwasaoo ay si rasmi ah u billowday 30-kii bishii September ee sannadkan.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in Masar ay u dirayaan khuburo Ruushan ah oo baadhitaanno kusoo sameynaya qaabkii uu u dhacay shilka diyaaradda laga leeyahay Ruushka.

Himilomedia

Hargeysa Office

Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay inay Heshiisyada Ganacsi ee ay kula jirto Afrika ka saaraysa dalka Burindi

 

Washington, 01 November, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa sheegay in Xukuumadda Burundi inaanay sameyn horumar ku aaddan dhanka sharciyadda, isla markaana ay ka saari doonaan Barnaamijyada Ganacsi ee uu la leeyahay dalalka Qaaradda Afrika.

Dalalka Afrika waxaa ka jira horumar iyo fursado dhanka Ganacsiga ah, gaar ahaan kuwa ka hooseeya Saxaraha, kuwaasoo Mareykanka looga dhoofiyo alaabooyin fara badan oo kala duwan.

Madaxweyne Obama ayaa Warqad uu u diray Xildhibaannada Mareykanka ayuu ku sheegay in Burundi ay ka jiraan xaalado Siyaasadeed oo aan wanaagsanayn, kuwaasoo ay ku jiraan weerarro lagu hayo xubnaha Mucaaradka iyo dilal qorsheysan oo loo geysto; taasoo uu ku sheegay inay tahay sababta uu u go’aansaday in laga saaro Burundi qaanuunka Ganacsi ee Afrika.

Barack Obama ayaa qoraalkiisa ku xusay in dalka Burundi 01-da Jannaayo 2016-ka, laga saari doono qaanuunka ganacsi ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan ganacsiga Mareykanka uu la leeyahay waddamada Afrika.

Xukuumadda Burundi ayaa la sheegay inay sidoo kale joojisay kulammada ay yeelanayaan xubnaha Xisbiyada Mucaaradka dalkaas iyo Ururrada bulshada; taasoo ay uga hortagayaan ololahooda ka dhanka ah Xukuumadda Burundi.

Rabshadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka Burundi, ayaa billowday bishii Abriil ee 2015-ka, markaasoo Madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu u tartamo mar saddexaad xilka Madaxweynennimo ee dalkiisa, taasoo uu ku guuleystay.

Dhanka kale, Xiisadaha Siyaasadeed ee Burundi ka aloosan, ayaa waxaa natooda ku waayay boqolaal qof oo isugu jira shacab, Ciidammo iyo Xubno Mucaaradka ka tirsan; iyadoo tiro kale oo fara badanna ay ku dhaawacmeen.

Waxaa dalka Burundi ka barakacay in ka badan 200,000 oo qof kuwaa oo ka baqdin qaba in dhibaatooyin ay kasoo gaaraan colaadaha dalkaas ka socda, iyagoo magan-galyo ahaan u galay dalalka dariska ah oo Rwanda ay ka mid tahay.

Himilomedia

Hargeysa Office

Britain oo si adag uga hadashay Hirgelinta Shuruucda La-dagaallanka Gudniinka Gabdhaha 18-jir ka yar

 

London, 01 November, 2015-(Himilo)- Shuruuc lagu xoojinayo mabnuucidda Gudniinka Gabdhaha da’doodu ka yartay 18 jir, ayaa laga dhaqangeliyey waddanka Britian, isaga oo dalkaasi uu Gudniinku mabnuuc ka ahaa tan iyo taariikhdu markay ahayd 1985-kii, ayaa haddana kor loo sii qaaday markii dadka Afrikaanka iyo Carabtu ku bateen waddankaas, kuwaasoo qaarkood caadooyin u leeyihiin Gudniinka Gabdhaha ee Fircooniga loo yaqaanno sida Soomaalida, Masaarida iyo Afrikaanka kale qaarkoodba ay isticmaalaan..

Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha yar-yar ee waddankaas, ayaa Qaanuunka cusub lagu dabbiqi doonaa ciddii ku kacda, haddii ay fulin waayaan ku dhaqanka Shuruucdaas, waxaa laga qaadayaa tallaabooyin anshax-marin ah, ugu dambaystana shaqada, ayaa laga joojin karaa.

Xeerarkani, waxay ka dhaqan gelayaan qaybaha England iyo Wales marka Gabdhaha da'doodu ka yar tahay 18 jir ay sheegaan in la guday ama shaqaaluhu ay gartaan inay ku yaallaan calaamado gudniin. Waxaana waddanka Boqortooyada Britian Gudniinka Gabdhaha mamnuuc ka ahayd tan iyo laga soo bilaabo 1985-kii.

Dadka Gudniinka taageersani, waxay aamminsan yihii inuu Haweenka ka dhigo qaar faya-dhawr ahaan wanaagsan, galmada sharci-darrada ah ka dhawrsan oo Raggooda ku kooban. Hase-yeeshee, Waxaa socota Daraasad lagu sameynayo arrintan si loo ogaado tirada Haweenka ay saameysay, laakiin waxaa loo maleynayaa inay tiradu gaadhi karto 137 kun marka  la isku-daro gobollada England iyo Wales ee waddanka Britain.

Dawladda Britain waxaa ka go'an inay gebi ahaanba joojiso ficilkan xad-gudubka iyo sharci-darrada ah, muddo hal fac gudihiis ah. Habka Caafimaadka dalka Ingiriiska ee loo yaqaan NHS iyo Hay'adaha xidhiidhka la leh sida Waaxda Caafimaadka iyo Jaamacadaha Caafimaadka ee dalkaasi waxay diyaariyeen nidaam shaqaalaha ka caawinaya inay fahmaan Xeerarka cusub.

Jane Ellison oo ah Wasiir qaabbilsan Caafimaadka Bulshada, waxay sheegtay in Xirfadlayaasha Caafimaadku ay safka hore kaga jiraan La-dagaallanka gudniinka fircooniga ah, waajibaadkan cusubna uu yahay tallaabada xigta ee dagaalkaas.

Hilary Garrat oo isaguna ah Agaasimaha horumarinta Caafimaadka guud ee NHS England, waxa uu sheegay inay ka go'an tahay gacan-siinta sidii loo Cidhib-tiri lahaa gudniinka Fircooniga ah, iyadoo la xaqiijinayo in Haweenka iyo Carruurta hore loo guday ay heli doonaan daaweyn iyo taageerada ay u baahan yihiin.

Raysal-wasaaraha waddanka Britain oo markii Shuruucdan la dejiyey horraantii sannadkan si adag uga hadlay, ayaa sheegay inay dhibaatooyin caafimaad iyo tacaddiyo jidh ahaaneed la kulmaan Gabdho yaryar oo reer Britain, isla markaana Shuruucdani ay meesha ka saari doonto ku xad-gudubka Gabdhaha yar-yar, isla markaana Waalidka uu ku caddaado Kiis Gudniin Gabdhohooda ah illaa heer Maxkamad la soo taago lala gaadhi doono, sidoo kalena waxa uu u digay dadka Afrikaanka iyo Carabta isugu jira ee Soomaalidu ugu badan tahay ee dalalkooda wakhtiyada fasaxa markay UK ka soo baxaan soo guda Carruurtooda.

Himilomedia

Hargeysa Office

Saturday, October 31, 2015

Diyaarad Ruushku leeyahay oo siday 224 Qof oo ku Burburtay Dalka Masar.

 

Qaahira (Himilo)-Diyaarad  Ruushku leeyahay oo siday 224 qof ayaa ku burburtay jasiiradda Sinai ee dalka Masar.

Diyaaradda, ayaa ka soo kacday Sharm El sheikh waxayna ku socotay St. Petersburg.

Mas'uuliyiinta Masar ayaa sheegay in burburka diyaaradda laga helay bartamaha Sinai, waxaana goobta loo diray 50 gawaadhidda gurmad deg degga.

Inta badan rakaabka waxa ay ahaayeen dalxiisayaal u dhashay Ruushka, rakaabka diyaarada saarna ayaan cidna ka badbaadin oo ku nafwaayay diyaaradan burburtay.

Dawlada ruushka oo wakhti hore oo maanta ah ka hadashay  diyaaradan ayaa sheegtay in la waayay mid ka mida diyaaradaha rakaabka qaada iyadoo markii dambe xaqiiqsatay in diyaarada dalka Masar ku dhacday ay tahay diyaaradii Ruushku la’aa.

Waxaan illaa hadda si rasmi ah loo oggeyn sababta keentay  keenaya shilka diyaarada dhacday balse saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in diyaaradaasi aan la soo ridin.

Himilomedia

Hargeysa Office

Xildhibaan Tanyanle oo Sharaxaad ka Bixiyay Kulan Xallay Dhexmaray Madaxwayne Siilaanyo & Isbahaysiga Kulmiye Iyo Wararka sheegaya In dib loo dhigay Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye

 

Hargeysa (Himilo)-Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Cabdiraxmaan Tanyanle kana mida xubnaha is casilay qabanqaabada shirka Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan xallay dhexmaray madaxwayne Siilaanyo.
Kulan laga hadlayo xaalada Xisbiga KULMIYE ayaa xalay qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray madaxwayne Siilaanyo,wasiiro ka tirsan xukuumada, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed , Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Tanyanle oo matalaya isbahaysiga musharixiinta Xisbigga Kulmiye.

 

 
Xildhibaan Cabdiraxmaan Tanyanle oo kamida xubnaha xalay madaxwaynaha La kulmay ayaa sheegay inay is afgarteen madaxwaynaha wadahadalkuna uu si fiican u furmay isagoo xusay Kaadiriinta Xisbiga Kulmiye ay ka go’an tahay inuu qabsoomo shirka Golaha dhexe ee loo mudeeyay 10 November ee 2015.
Xildhibaanka oo kulanka madaxwayne Siilaanyo ay la qaateen ka hadlay ayaa yidhi “Way jirtaa madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Xalley baanu kulanay, waxaananu ka wada kulanay waxay ahayd xisbiga KULMIYE shirkiisa loo mudeeyay Bisha November 10, wadahadalkii wuu noo furmay si wanaagsan ayaanu isku afgaranay, run ahaantii ama laba garab halagu sheego ama xisbiga Kulmiye ha ahaadee waxaanu wada doonaynaa in shirku si wanaagsan oo daacada u qabsoomo , Madaxwaynuhu wuu nala qaatay.”

 
Xildhibaan Tanyanle waxaa kale oo uu sheegay in shirka golaha dhexe ee Kulmiye laga yaabo inuu dib u dhaco maadaama hawsha xisbiga u taala iyo wakhtiga shirka loo mudeeyay aanay waxba ka hadhin “Shirka Kulmiye dib u dhaco waxbaa ka jira, waxaana taasi xukumaya Proposalska lasoo jeediyay, waxaana taas xukumaya mudada yar ee ka hadhay 10 November sagaal maalmood baa ka hadhay wakhtiga uu qabsoomayo shirku,Xisbigana shaqo badanbaa u taala ee hadii uu qabsoomayo shirku 9 november way wanaagsantahay, hadii ay intaasi ka balaadhatana koleyba talo ayaa noo socota.”ayuu yidhi Xildhibaan Tanyanle.
Xildhibaan Tanyanle waxa kale oo beeniyay warar sheegaya in isbahaysiga mucaaridka loo diiday inay kasoo qayb galaan shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye isagoo arimahan ka hadlayana waxaa uu yidhi
“Shirka cid noo diidani ma jirto, hogaankii xisbigaanu nahay oo waanu mideysanahay, raga kale ee garabkayagu waa fulintii xisbiga Kulmiye, kaadiriintii iyo xubnaha golaha dhexe ee Xisbigu xagayaga ayay ku badanyihiin waanu isku kalsoonahay, kaliya waa in la diyaariyo masrax loo simanyahay oo lagu wada baratami karo.”

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

“Waxaan ka mid ahay Dadka Somaliland ku qanacsan ee Godobta badan u galay, laakiin haddaanu is leenahay waxa soo baxaya keli-taliyayaal lacagta, taladaba iyo Dadkaba jeebka ku shubta….”

 

 

“Marka Madaxtooyada lagu kala jarayo wax Agoonta Somaliland oo dhan ku filan boqollaal gadhle oo cumaamado waaweyn sita iyo boqollaal Dillaaliin ah ayaa Sacabka tuma...”

“ILLAAHAY dembigiisa ha dhaafo Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwa kale ee ay u dejisan tahay shaxda ah inay baaqiga ku kala tagaana Illaahay ha soo hanuuniyo..” Sheekh Aadan-Siiro

Hargeysa, 31 October, 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay xaaladda dalku marayo, dulmiga iyo arrimo kale oo la xidhiidha gurmadka ay u baahan yihiin dadka Danyarta ahi.

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbad uu Salaaddii Jimce ee shalay ka jeediyey Masjidka Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa oo uu Tukuiyo, waxa uu xaaladda dalku marayo ku tusaaleeyay dhacdooyin taariikhda galay oo Adduunka ay kaga tageen Asxaabtii Rasuulka (C.S.W) iyo Hoggaamiyayaashii Islaamka soo maray, waxaanu sheegay in horumarka bulsho oo kastaa ku xidhan yahay Caddaaladda, balse aanay suurto-gal ahayn in qof xil ka haya Xukuumadda talada haysaa uu keligii isku koobo oo uu qaato wax bulshada Caasimadda ka dhexeeya.

“Inaad tidhaahdo Xilkaasaan hayaa miyey keenaysaa inaad isticmaasho hantida Ummadda? Taasi miyey keenaysaa inaad keligaa qaadato wixii Hargeysi lahayd oo ka dhexeeyay 1.3 Milyanka qof ee ku nool? Taasi miyey keenaysaa inaad qaydhinka ku qaybsataan?” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Waxaanu Sheekhu intaas ku daray oo uu canaantay dad uu sheegay inay ku qanacsan yihiin qorshayaal uu tilmaamay inay Madaxtooyada ka dhacaan, waxaanu yidhi; “Marka Madaxtooyada lagu kala jarayo wax Agoonta Somaliland oo dhan ku filan, marka Madaxtooyada lagu kala jarayo wax dadka indhaha la’ oo dhan ku filan boqollaal gadhle oo cumaamado waaweyn sita iyo boqollaal Dillaaliin ah ayaa Sacabka tuma.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu Sheegay oo uu khudbaddiisii Jimcaha ku soo qaatay ahmiyadda Cadaaladdu u leedahay Aadamaha Gaal iyo Muslim-ba, waxaanu yidhi; “Dawladdu hadday isku Caddaalad falaan (dadkooda u caddaalad fasho) Gaalaba ha ahaadaane ILLAAHAY wuu ku ilaalinayaa. Waxaan ahay dadka Somaliland ku qanacsan ee godobta badan u galay, laakiin miyaad is leedahay dhulka Somaliland oo dhan koox aan toban ka badnayn baa iska yeelan iyadoo dadku wada hubaysan yahay oo deegaanno kala yihiin, haddaanu is leenahay sidaas ayay noqonaysaa oo kali-taliyayaal baa soo baxaya awood leh oo lacagta iyo taladaba jeebka ku shubta.”

“Waxaannu leenahay waar ka daaya kuwii waaweynaa baa sidaa ku dumaye, waar hantida aan kooxaha u samaysateen ka daaya, weliba imika waa la sii cilmiyeeyay oo waxa la odhanayaa hebel halkaa gee lambar 7 ha ka ciyaaro, waayo ? isagaa dillaal weyn ah oo halkaa ku wanaagsane. Shaxdu way dhigan tahay laakiin socon wayday ayaan leeyaahay.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu u duceeyay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iska casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu sheegay inuu masuul ka ahaa dhismaha jid laami ah oo isku xidhaya Xaafadaha Gol-janno iyo Xawaadle, waxaanu yidhi; “Waxaannu halkan uga ducaynaynaa Xirsi Cali Xaaji Xasan, maxaannu uga ducaynaa oo ficila, Waddadan (Goljannoo iyo Xawaadle) oo ay ku baxayso $ 130,000 dollar ayaanu dad badan kala hadalnay oo aanu ku nidhi miyaad naga samaysaan Waddadan aad Maydka laga qaadin karin (sida ay cidhiidhiga u tahay), Maalintii dambe ayaannu Xirsi kulannay waxaan ku idhi miyaad intan yar naga samaysid, dabadeedna wuxuu igu yidhi anigu ma qaabilsani waddooyinka Magaalada gudahaheeda, markaasaan ku idhi taaba khaanad nooga baadh illeyn dadka cashuur baa laga qaadaaye, saddex daqiiqo gudahood ayuu kaga jawaabay inuu u yeedho Maayar ku-xigeenka Caasimadda oo markaa joogay, waxaanu ku yidhi soo qiyaas waddada waa inaanad samaysaa, markaa ILLAAHAY Dambigiisa ha dhaafo” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Inankaa (Xirsi) ILLAAHAY dambigiisa ha dhaafo, kuwa kale ee ay u dejinsan tahay shaxda ah inay baaqiga ku kala tagaana Illaahay ha soo hanuuniyo.”

Himilomedia

Hargeysa Office

“Waxaan u digayaa Ma-gafayaasha, Gaadiidlayda iyo Dadka Guryaha ka kireeya intuba Ciqaab bay mudan doonaan…” Ramaax

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo sheegay in Sharciyo lagula Xisaabtamo Tahriibayaasha, Tahriibiyeyaasha iyo Cidda caawisaba

Boorama, 31 October, 2015-(Himilo):- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf iyo Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxa.muud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa digniin u diray dadka ka shaqaysta arrimaha Tahriibta, Gaadiidlayda Rakaab ahaanta u qaada dadka ka tahriibaya Somaliland iyo kuwa dhinaca Itoobiya ka soo tahriiba ee dalka soo galaya iyo weliba dadka Guryaha ka kireeya oo ay sheegeen inay ciqaab adag mudan doonaan, Sharciyo lagu abaal-mariyana la dejiyey.

Wax uu sheegay Taliyaha Laanta Socdaalka Gaashaanle Maxamed Cambaro in iyadoo laga duulayo hirgelinta heshiisyo ay dawladaha Somaliland iyo Federaalka Itoobiya kala saxeexdeen dhawaan la doonayo in la xakameeyo dadka u soo tahriibaya iyo dadka ka tahriibaya Somaliland, sidaas awgeedna dardargelinta hirgelinta heshiisyadaas ay u tageen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Isaga iyo Saraakiil la socday oo ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland Jimcihii shalay.

Taliye Maxamed Cali Yuusuf ka dib markii uu dhammaaday Kulan ay wada-yeesheen Taliyaha Laanta Socdaalka ee gobolka Awdal iyo Badhasaabka gobolkaas oo ka qabsoomay magaalada Boorama, waxa si wada-jir ah ula hadleen Warbaahinta, waxaanu ka warramay ujeeeddooyinka socdaalkaas iyo hawlgallada loo baahan yahay in la sameeyo.

“Maanta (shalay) waxaannu halkan u nimi aniga iyo Hoggaanno ila socdaa, hawlgal aannu doonayno inaannu ku baraarujinno gobolkan iyo wax-qabadkiisa Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka u fadhiya halkan oo ah Heshiisyadii aannu la soo galnay dawladda Itoobiya ee Federaalka oo ahayd wada shaqaynta isu socodka labada shacab iyo xoohinta amniga, waxaanannu doonaynaa inaannu xoojinno la-dagaallanka tahriibta kuwa inna soo galaya iyo kuwa innaga baxaya-ba inaannu ku baraarujinno dadka ka shaqaynta ee halkan ku sugani inay faraha kala baxaan, Annagoo Sharcigii lagu qaadi lahaa mid walba aannu diyaarinnay.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu digniin u diray dadka arrimaha Tahriibta ka shaqaysta iyo Gaadiidlayda Rakaab ahaanta u qaada dadka tahriibaya, waxaanu yidhi; “Waxa naga go’an in Tahriibta oo labada dhinacba loo socdo la kaantarroolo oo wixii xaggeennan ka taga xaggaa la innooga soo qabto, innaguna aynu culayska saarno. Waxaan u digayaa Ma-gafayaasha, Gaadiidlayda iyo Dadka Guryaha ka kireeya intuba ciqaab bay mudan doonaan si hawshaasi loo xakameeyo.”

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

 

Nuxurka Dood Kulul oo dhex-martay Labada Garab ee Xisbiga KULMIYE u kala jabay iyo Dhex-dhexaadiye Caalami ah oo Kashifay Cidda Masuuliyadda Khilaafka leh

 

Hargeysa, 31 October, 2015-(Himilo):- Dood Xaasaasi ah oo kulul, ayaa dhex-martay Xubno ka tirsan labada Garab ee Xisbil-xaakimka KULMIYE ee talada Somaliland hayaa u kala jabay, kuwaasoo kala ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Xubnaha toddobaadkii hore iska casilay Xukuumadda Siilaanyo iyo Guddoomiyihii Golaha dhexe ee KULKMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo ka mid ah xubnaha taageersan Garabka ay  hoggaamiyaan Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Madaxweynuhu.

Dood Idaacadda VOA agaasintay oo ay ka qayb qaateen Wasiirkii hore ee Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Jaamac Shabeel oo ku magacaaban Guddoonka Golaha dhexe ee Kulmiye  iyo  Maxamed Xaaji Maxamuud oo Aqoon u leh Culuunta Siyaasadda iyo Ammaanka, waxay gebogabadii muujisay dooddaasi in Garabka Musharraxiinta Isbahaystay rejo la’aan ka joogaan ka sii mid ahaanshaha KULMIYE.

Xuseen Axmed Caydiid oo metelaya Garabka Is-bahaysiga Xubnaha Guddiga Fulinta ka tirsan iyo Aqlabiyadda Musharrixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka KULMIYE shaaciyey inay u tartamayaan, ayaa ku dooday in qaban-qaabada Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye u afduuban tahay Garabka Guddoomiyaha ahna Musharrax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, lana diiday in xubno Garabkoodu u magacawdeen oo ahaa Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Talyanle loo diiday inay la hubiyaan Liiska Golaha dhexe, balse Jaamac-Shabeel oo Garabka Muuse meteleyay wuxuu ku dooday in Garabka Musharraxiintu kaadhadhkooda qaataan, Shirkana yimaaddaan oo ka tartamaan oo ay kalsooni muujiyaan.

Mar xubnahan la weydiiyay bal waxay xalka Xisbiga Kulmiye u arkaan, ayaa Xuseen Axmed Caydiid oo jawaabta su’aashaas ku horreeyey waxa uu yidhi; “Waxaan u arkaa, Jaamac dooddiisa waan arkayaa oo waxay talo ka taagan tahay annagoo dhinac ah oo hawshii maamulanayna oo keligayo gacanta ku haysanna kaalaya oo Kaadhka qaata idinkoo aan wax shirka imanaya war u hayn oo dibedda ka joogtaan kaadh aayar xubin xubin u qaata oo shirka fadhiista, inta aannu doonno uun aannu idinku siinnee kaalaya.”

“Taasi waxaan u arkaa, haddii Jaamac ay halkaasi ka taagan tahay, wuxuu Jaamac ku talogalay in Garabkiisu Shirka qabsado, markaa ha ku socdaan leeyahay wuxuu ka helo ha waayee. Waxaan leeyahay waxay ku danbaynaysaa talada Jaamac Xukumay, metelan Musharraxa Kijaandhe oo ka soo jeeda deegaan illaa 2003 markii doorasho bilaabantay aqlabiyaddiisu Kulmiye ahayd marka la yidhaa saaxad xor ah kaga tartami maysid halkaa farriinta ay taasi diri doontaa maxay noqon doontaa? Marka Musharraxiinta kale ee Muuse la beesha ah ee xoogga ku lahaa taas oo kale la tuso farriinta ay Codbixiyeyaashii u diri doontaa maxay noqon doontaa? Waxaan leeyahay jujuubka halkaas lagu wado iyo Garabkaa Immika Shirka galay wuxuu u keeno iyo nasiibkii, Garabka dibedda ka joogaana halkuu taladiisa la maro isagay u taallaa.”

Jaamac-Shabeel oo hadalkaasi Xuseen ka jawaabaya iyo xalka KULMIYE ee kor lagu weydiiyey waxa uu yidhi; ayaa ku dooday in Xisbiga Kulmiye haysto Madaxweynaha oo ah aasaasihii Xisbiga, sidoo kalena xubnaha kala wareegayaa yihiin kuwo la soo tijaabiyay oo Xisbiga soo maamulay, sidaasi darteedna aanu Xisbigu burburi doonin cid kasta oo ka baxda. Waxaanu sheegay in shirku wakhtigiisa oo ah tobanka bishan bilanaysa ee November 2015 dib uga dhici doonin, ciddii cod ku og inay ka helaysaana timaaddo, ciddii aan ku ogeynina dibedda iska joogto.

“Xisbiga Kulmiye Xisbi sidaas ku baabba’aya maaha, Boqollaal way soo galeen Boqollaalna way ka baxayaan, Xisbiguna wuu taagnaanayaa, Shirkanina  sidaas buu ku qabsoomayaa, sidaas bay xubnihiisu diyaar ugu yihiin, awoodda Xisbigana waxaa leh Golaha dhexe, xubnaha Golaha dhexena waa u diyaar Shirkii inay fadhiistaan, cid dib uga dhigi kartaana ma jirto. Marka la fadhiisto go’aanka iyagaa leh, ha yimaaddaan hadday cod isla hayaan, meesha cod baa lagu tagayaaye hadday cod ku ogyihiin ha yimaaddaan, haddaanay ku ogayna ha iska daayaan xaskan ay ku meeraysanayaan. Markaa, Xisbiga Kulmiye wuu shiri doonaa, doorashadana codkii uu ku soo baxay mid ka badan ayuu ku soo bixi doonaa.” Sidaa ayuu yidhi oo uu ku dooday Jaamac-Shabeel.

Xuseen Axmed Caydiid, oo mar kale hadalkaasi ka jawaabaya ayaa yidhi; “Sida Jaamac ka muuqata, ifafaalaha socdana ka muuqda ayay noogu muuqataa in Xisbigii kala jaban yahay oo Garab ku mitiday inuu shir qabsado ama xalaal ha ku geeyo ama xaraane, oo dabeed sacab laga tumo oo Muuse loo cumaamado, taas kuguma diiddani oo waa halkay ku socoto. Markaa, lala tartamayo ayaynu eegi Ururrada dambe inuu ku hadho iyo inkale, doorasho calafkiisaynu ka eegi, haddaad taas dan ka leedahayna talada dadka wax ka sii haddii kale oo aad isku filan tahayna Macasalaama.”

Hase-yeeshee, ka sokow labadan Xubnood ee u doodayey labada Garab ee KULMIYE u kala fadhiyo, waxaa dooddaas ka qayb-qaatay oo dhex-dhexaad ka ahaa Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud, waxaanu sheegay inaanay muuqan cid dhexdhexaadin ka galaysa xiisadda dhinacyada Xisbiga Kulmiye ka dhex-taagan, ifafaalaha muuqdaana muujinayo in Madaxweyne Siilaanyo godbobsaday Wasiirrada is-casilay, sidaas darteedna aanu uga hiilinayn Wasiirrada kale. Sidoo kalena Garabka taageerada Madaxweynaha helay aanay iska lumin doonin fursadda siyaasadeed ee ay heleen, arrintuna u muuqato in Garabka Musharraxiinta Isbahaystay meesha ka bixi doonaan.

Waxa uu sidoo kale muujiyey Maxamed Xaaji in aasaaskii Xisbiga KULMIYE lagu bilaabay qaldanaa, isla markaana uu ahaa Xisbi loo samaystay ama u dhismay Mucaaradnimo iyo wax iska celin, balse aanu ahayn Xisbi dhismihiisu ku bilaabmay qaab hoggaamineed, Masuuliyadeed dal iyo dad hagi kari, taasina ay tahay ta khilaafka joogtada ahi dhexdiisa uga jirto markasta oo shir la qabanayo.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Shirkadda Pontus Marine oo Kalkuunkii ugu horreeyey ee ay soo saarto soo gaadhay Suuqyada Hargeysa

 

“Hal-ku-dhaggeennu waa dalkeenna nimcaa fadhida, waa taa nimcadii (Kalluunkan) Illaahay baa mahad leh….” Axmed Abokor

Berbera, 31 October, 2015 (Himilo)- Shirkadda Kalluumaysiga Pontus Marine, ayaa la sheegtay inay shalay Kalluunkii ugu horreeyey ee Ganacsi soo gaadhsiisay Suuqyada Caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa.

Kalluunkan oo gaadhayey Shan ton oo Suuqyada dalka soo gaadhay, ayaa la sheegay inay sidday Doon Shirkadda Pontus leedahay muddo afar maalmood kaga soo qabatay Xeebaha magaalada Maydh ee Bariga gobolka Sanaag.

Maareeyaha Shirkadda Pontus Marine Mr. Axmed Abokor oo ka hadlayey farxadda bilawga Shaqadii loo abuuray Shirkaddan, ayaa sheegay inay Illaahay ugu mahadnaqayaan fulinta balanqaadkoodii ka faa’iidaysiga kheyraadka baddaha, waxaanu yidhi; “Waxa maanta (shalay) farxad noo ah in nimcadii ugu horreysay ee Baddaheenna Shirkadda Pontus soo saarto, sidaa la socotaan hal-ku-dhaggeennu waa dalkeena nimcaa fadhida, waa taa nimcadii (Kaluunkan) Ilaahay baa mahad leh.”

Axmed Abokor ayaa sheegay inay sharaf u tahay qof kastoo maalgashaday shirkaddan in Kalluunkii u horreeyey la soo saaray, bushaaro wanaagsana tahay in la wada iibsaday kaluunkii, suuq fiicana uu leeyahay soo saarida kaluunku, dibed iyo gudana wuu gaadhaya, Insha Allaah.”

Sidoo kale, Masuul sare oo u hadlay Shirkadda Pontus Marine Axmed Cabdiqaadir, ayaa sheegay in doontii ugu horeysay ee shirkadu keentay kaluunkii ganacsi ugu horeeyey, qiyaastiisuna tahay shan ton, waxaanu yidhi; “Waxa dekeda yar ee Berbera waxa soo gaadhay doontii ugu horeysay sida kaluun gaadhaya shan ton, kaluunkan oo ah nooca la yidhaahdo Kingfish, oo ah noocyada loogu jecel yahay, marka la diyaariyo kaluunkan waxaan ku wareejin doonaa ganacsatada Jumlada si ay ganacsatada tafaariikhda uga sii iibiyaan.”

Axmed Cabdiqaadir, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeeyey ee shirkadu soo saarto kheyraadka baddaheena, gebi ahaana kaluunkani gaadhi doono suuqyada gudaha dalka galabta. Tallaabadan ayaa u noqonaysa bar bilowga wanaagsan hawlaha shirkada kaluumaysiga Pontus Marine oo maalgelinteeda ku bahoobeen boqolaal ka tirsan muwaadiniinta reer Somaliland ee gudaha iyo dibedaha.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ku taliyey in wadahadal lagu dhammeeyo Khilaafka hadheeyay KULMIYE, kana digay Cadaawad ka dhalata Is-casilaaddii Masuuliyiinta

 

Hargeysa, 31 October, 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Shalay dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wanaagsan oo dimuqraaddi ah loogu dhex tartamo xisbiga Kulmiye, isla markaana sida hawluhu u socdaan ku amaanay hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynahaba.

“Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo xisbi weynaha Kulmiye iyo hoggaankiisa, hawl wadeennadiisa iyo  xubnaha Golaha dhexe diyaar garowga wanaagsan ee loogu jiro shirka golaha dhexe ee 10-ka November. Waxaan jecelahay inaan hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyo sida hawlahaasi u socdaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi oo Saxaafadda kula hadlay qolka Nasashada ee Madaarka Hargeysa Jimcihii shalay oo uu ka soo degay.

Dr. Maxamed Cabdiillaahi oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaan bogaadinayaa hoggaanka xisbiga oo hadda si fiican ay ugu socdaan hawlaha xisbigu, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo abaabulka  siyaasadeed ee xisbigu caanka ku ahaa ee dalkana lagu yaqaanay ee loogu loolamayo musharraxa, sida isbeddelka weyni ugu yimid ee taageero muuqata ilaa imika uu ka helay majooratiga xubnaha golaha dhexe.”

Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa soo jeediyey in khilaafka ka jira xisbiga lagu dhameeyo wada hadal iyo is af-garasho si xisbigu horumar u sameeyo, waxaanu yidhi, “Waxaan filayaa in hoggaamiyaha Kulmiye oo odaygii xisbiga ah iyo Madaxweynaha Somaliland oo odaygii Qarankaba ah ay xil wayn iska saaraan in xisbiga la soo ururiyo, khilaafyada jirana si wanaagsan oo macquul ah loo dhegaysto , xisbiga gudihiisana ay ka dhacaan tartamo wanaagsan oo nadiif ah oo daah furnaan leh oo si furan looga wada qayb galayo, waxa halkaas ka soo baxana xisbi-weynaha Kulmiye dhammaantii wada taageero haddii la doonayo in xisbiga Kulmiye talada dalka mar labaad ku guulaysto.”

Mar uu ka hadlayay wasiirrada is-casilay wuxuu yidhi; “Qolada wasiirrada ah ee xukuumadda ka baxay, waxaan rajeynayaa inaanay arrintaasi furin cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn iyo khilaaf siyaasadeed oo aanu dalkani u baahnayn ee meel looga soo wada jeesto dhisidda xisbiga iyo Qarankaba, iyadoo wixii cabashooyin jirana hoggaanka xisbiga iyo dariiqyada sharciga ah loo maro oo xal loogu helo. Ta kale, Hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynahaba waxaa looga baahan yahay in tusaale wanaagsan uu xisbigu u noqdo dalka, oo xisbiyada kalena kaga daydaan sida xisbigu khilaafkiisana u maaraynayo, arrimaha siyaasadda dalkana u hogaaminayo.”

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Dacwad Xukuumada Jabuuti ka gudbisay ganacsade Boore oo daaha ka qaaday musuqmaasuqa Madaxweyne Ismaaciil C. Geele

 

London, 31 October, 2015-(Himilo)- Maxkamad ku taal magaalada London ee waddanka Britain, ayaa dhegeysatay eedo Musuqmaasuq Garyaqaanno metelayey Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo Xukuumadda Jabuuti Dacwaynaysay u soo jeediyeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Eedo kiisas gaadhaya 16 oo hore XukuumaDda Jabuuti ugu soo oogeen Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa xilligan la sheegayaa inay beenoobeen 11 ka mid ah, balse u muuqata mid isku beddelaysa eedeynta Madaxweyne Geelle.

Richard Waller, oo ka mid ah Garyaqaannada difaacaya Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya kiisas musuqmaasuq oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sameeyey, waxaanu yidhi; “Eedaha aannu haynaa, hadal keliya maaha, balse waxaan u haynaa caddeymahoodii.”

Maxkamadda qaadaysa Dacwadda u dhexeysa Xukuumadda Jabuuti iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa hore u dhegeysatay eedaymo sheegaya in Madaxweyne Geelle ka dhistay magaalada Paris Guri qiimahiisu gaadhayo €2.24 million (Milyan), xilli Mushaharkiisu bishii yahay  $5,000.“Halkuu Garsoore, Madaxweyne Musharkiisu kooban yahay, ka keenay iibsashada Gurri qiimahiisu yahay €2.24 magaalada Paris?” ayuu yidhi Garyaqaanka dawladda u doodayaa.

Garyaqaannada u doodaya Ganacsade Boore ayaa Maxkamadda u sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo iibsiga Guriga Paris, waxaanu yidhi; “Garyaqaannada difaacaya Boore waxay soo bandhigayaan eedaymo baahsan, oo u baahan in la hubiyo.”

Maxkamadda magaalada London ee Dacwaddan Gacanta ku haysa, ayaa la filayaa inay dhegeysato eedaha Ganacsade Cabdiraxmaan Boore u jeedinayo Xukuumadda Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo hore u diiday inuu yimaaddo ama tego fadhiga Maxkamadda si uu jawaabo uga bixiyo eedaha loo jeediyey.

Himilomedia

Hargeysa Office

Maraykanka oo shaaciyey inay cuna-qabatayn Ganacsi ku soo rogi doonaan Ingiriiska

 

Washington, 31 October, 2015-(Himilo)- Xukuumadda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday in cuna-qabatayn dhinaca Ganacsiga ah ay ku soo rogi doonto Ingiriiska, haddii uu ka dhabeeyo go’aanka uu kaga baxayo Midawga Yurub.

Mr. Michael Froman oo metelaya Maraykanka, ayaa sheegay inaan dalkiisu diyaar u ahayn inuu heshiis ganacsi gaar ah la saxeexdo Ingiriiska, hadalkan oo noqonaya markii u horreysay ee dalka Maraykanku ka hadlo tallaabo Ingiriisku ugu coddeynayo dabayaaqada sannadka 2017 inay ka baxaan Midawga Yurub.

Dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu yahay waddanka ugu badan ee Maraykanka wax u soo dhoofiya, marka loo eego waddamada Midawga Yurub, taasoo dhaqaale gaadhaya $54bn (£35bn) ay ka heleen sannadkii 2014.

Haddii Ingiriisku ka baxo Midawga Yurub, markaa waxay waajahi doonaan cuna-qabataynta ganacsi ee saaran dalalka Shiinaha, Baraasiil iyo Hindiya. “Lama lihin heshiis ganacsi gaar ah Ingiriiska, markaa waxay la mid ahaan doonaan sida Shiinaha, Barasiil iyo Hindiya.” ayuu yidhil Mr. Michael Froman.

Haddii ay dawladda Ingiriisku ka baxo Ururka Midawga Yurub, ayaa la sheegay in Gawaadhida uu sameeyo la saari doono Cashuur dheeraad ah, taasoo fursad siinaysa dhiggooda Shirkadaha sameeya Baabuurta ee waddamada Jarmalka iyo Talyaaniga.

Himilomedia

Hargeysa Office

Puntland oo ka digtay Duufaan ku soo waajahan Xeebaheeda iyo Farriin ay u dirtay Doonyaha iyo Kalluumaysatada

 

Garoowe, 31 October, 2015-(Himilo)- Roobab wata duufaanno ayaa laga cabsi qabaa inay ka da’aan deegaannada Maamul-gobolleedka Puntland, waxaana dadweynaha ku dhaqan deegaannada xeebaha ku dhow loogu baaqay inay ka durkaan.

Dabaylaha iyo Roobabkan oo maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Xeebaha dalka Cumaan oo ka mid ah dalalka Badda Hindiya ku teedsan ayaa la filayaa inay soo gaadhaan deegaannada Soomaalida, gaar ahaan Xeebaha Puntland sida uu sheegay Agaasimaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka Puntland ee  HADMA Cabdillaahi Axmed Ceyrow oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Garoowe.

Ceyrow wuxuu fariin u diray shacabka in ay ka fogaadaan xeebaha oo laga yaabo in Duufaantaas ay dhaliso Roobab iyo biyaha badda oo dhulka soo gaadha goobaha ay dadku degan yihiin.

Wuxuu sidoo kale iyana uga digay ganacsatada Puntland ee doonyaha safarka kaga keensada dalalka Khaliijka iyo Yemen oo uu sheegay in Doon yahooda safarka ah hakiyaan meel kasta oo ay joogaan ilaa xaalada Duufaanka ay ka dhamaanayso.

“Dabaylaha la socda Roobabka ka da’aya Xeebaha Cumaan iyo Yemen ayaa qolooyinka Saadaasha Hawadu noo sheegeen inay Saacaddii jarayaan 180 ilaa 200 mayl.” ayuu yidhi Mr Ceyrow.

Himilomedia

Hargeysa Office