Laascaanood, 22 Jan, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa subaxnimadii shalay soo-dhawayn ballaadhan loogu sameeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo qayb ka ah safar muddo todobaad ah qaatay oo uu madaxweynuhu ku maray deegaanno ka tirsan siddeed gobol.

Maamulka gobolka, degmada iyo Wax-garadka gobolka Sool oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegya inay madaxweynaha ku soo dhawaynayaan gobolka, kuna bogaadinayaan booqashada uu markii labaad ku tagay magaalada Laascaanood, iyaga oo halkaas ugu gudbiyey tabashooyin la xidhiidha baahiyaha baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada gobolkaasi tabayso.
Wasiirrada Warfaafinta, Hawlaha Guud, Kheyraadka Biyaha, Arrimaha Gudaha oo madasha ka hadlay, ayaa isbeddel iyo horumar dhinaca nabadda ah oo ay sheegeen inay ku tallaabsadeen bulshada gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ugu baaqeen inay ilaashaadaan ammankooda isla markaana ay iska qabtaan cid kasta oo waxyeello u geysanaysa ammaankooda.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo kulankaas ka hadlay, ayaa bulshada degmada Laascaanood uga mahad-celiyey soo-dhawaynta ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa, waxaanu yidhi, “Safarkan oo aanu qaybaha dalka ee kala duwan ku wareegaynay, waxa uu daarran yahay inaanu xogogaal u noqonno waxyaabaha dadkayagu tabanayo, inaanu dhegaysanno, inaanu u sheegno waxa waxa socda iyo waxa qabsoomay.”
Madaxweynuhu waxa uu shacabka gobolka Sool u ballan-qaaday inay xukuumaddiisu fulinayso inta karaankeeda ah baahiyaad iyo tabashooyin ay madasha uga gudbiyeen, haseyeeshee waxa uu ka cudur-daartay inaanay suurta-gal ahayn in baahiyaha dalka ka jira la wada-fulin karo mar kaliya maadamaa oo deegaanka kasta oo cagta saaray tabashooyin iyo baahiyaad tiro badan loo soo bandhigay.
“Masuuliyiintiina iyo Odayaashiinu halkan waad ka hadasheen, way nooga xog-warrameen waxyaabaha jira iyo tabashada jirta. Horta, meel walba intaa aan dalka wareegaynay, meel aan tabasho ka jirin ma jirto, waayo meel walba baahida dalku way taallaa oo dadweynuhu waxyaabo badan bay ka cabanayaan, laakiin baahida dadka Illaahay uunbaa kaafin kara oo gaadhsiin kara meel walba. Inta aanu qaban-karaa way in xaddidan, waase inaanu inaanu ku dedaalno inta aanu ku dedaali karno, balse ma wada-gaadhsiin karo umaddu waxay u baahan tahay oo dhan mar qudha, waa wax muddo badan soconaya, waa waxa dawladdu u dhisan tahay, waa wax umaddu u dhisan tahay, waa wax laga wada-tashan doono, waananu ku dedaalaynaa.
Wax badan oo gobollada iyo degmooyinka laga qabtay way jiraan, baahiyaha iyo tabashooyinka jirana waanu idinka ballan-qaadaynaa inaanu si buuxda u eegno aanu tixgelinno kuna xisaabtanno,” sidaas ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.
Safarka uu madaxweyne Siilaanyo ku gaadhay xarunta gobolka Sool shalay, ayaa noqonaya markii labaad uu deegaankaas gaadho muddadii Afarta sanno iyo dheeraad ah oo xulka hayey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment