
Gaadiid ciidan oo ay leeyihiin kuwa AMISOM iyo kuwa ammaanka magalada Muqdisho ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay ka ag dhawaa mana la hubo in badhtilmaameedka iyaga ahayeen.
Wararka qaarkood, ayaa sheegaya in halkaas uu ku dhintay Hal askari oo ilaalo ka ahaa Hutel-ka, waxana la wadaa Baadhitaano la xidhiidha sida wax u dhaceen.
Wararka nasoo gaadhayo, ayaa sheegaya in waftigii halkaas ku sugnaa ee Turkiga ahaa aanu khasaare soo gaadhin, isla-markaana loo daad gureeyey dhinaca madaxtooyada, iyadoo madaxtooyaduna sheegtay inaan waxba iska beddelin Imaanshiyihii Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment