Saturday, January 24, 2015

Somaliland: Magaalo u bannaan-baxday taageerada Heshiis lagu soo af-jaray Colaad laba beelood dhexmartay

Adhicaddeeye, 24 Jan, 2015 (Himilo)- Bannaan-bax aan loo kala-hadhin oo lagu taageeray heshiis nabadeed oo lagu soo af-jaray colaad u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah, ayaa shalay ka dhacay magaalada Adhicadeeye ee gobolka Sool oo ay wada-deggen yihiin labada beelood ee heshiiyey.
Shir-nabadeed maalmihii u dambeeyey ka socday Adhicadeeye oo masaafo 30KM dhinaca Galbeed kaga beegan DSC_0635-1024x685magaalada Laascaanood, ayaa lagu soo af-jaray shaqaaqooyin soo noq-noqday oo deegaankaas ku dhexmaray beelo ardaa-wadaag ah oo magaaladaas wada-deggan.
Bannaan-baxan oo ay soo qaban-qaabiyeen qaybaha bulshada kala duwan ee magaalada oo ay ka qayb-qaateen Madax-dhaqameed, waxgarad, Aqoonyahan, Dhalinyo iyo Haween, ayaa dadweynuhu isugu soo baxeen jidka Laamiga ah ee taga magaalada Laascaanood oo kala-qaybiya magaalada, waxaanay ku dhawaaqayeen weedho ay ku taageereen heshiis nabadeed oo laga gaadhay isku-dhac ka dhashay aanooyin qabiil oo dhexmaray labada beelood ee Fiqi-shinni iyo Reer Cilmi (Jaamac Siyaad) oo wada-dega magaalada Adhi-caddeeye.
Markii bannaan-baxu dhammaaday waxa goob-fagaare ah oo laysugu tagay dadweynaha kula hadlay Maamulka gobolka Sool, Madax-dhaqameed iyo wax-garadka magaalada, haween iyo Dhalinyaro, kuwaas oo dhammantood soo dhaweeyey taabbo-galka heshiiska nabadeed ee lagu soo af-jaray shaqaaqo dhawaan dhexmartay labada beelood, waxaanay dadkii halkaas ka hadlay bulshada ugu baaqeen inay ku faro-adaygaan, iskana kaashadaan ilaalinta nabadgelyada iyo wada-noolaanshahooda.
“Talo kuma kala maarmi kartaan, wax idinka xumaan karaana ma jiraan haddaad wax u garanaysaan sidaa aad maanta yeesheen, laakiin haddaydaan taas ogeyn ee Siyaasado iyo waxyaabo kale oo meelo kale laga keenay idin kala dhex-galaan, waad lunteen, wax alaale wax idiin qabsoomayaana ma jiraan, waanad kala lumaysaan oo is-ogaan maysaan,” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah wax-garadka magaalada oo dadweynaha la hadlayey.
Oday waayeel ah oo sheegay inuu ugu da’weyn yahay dadkii isugu yimi bannaan-baxa nabadeed, ayaa yidhi, “Dadkayaga halkaas jooga cid iga da’weyni ma jirto, dadkii ila da’da ahaana waa wax dhintay iyo wax jiifa. Dadkayagii hore intii ka soo joogta, waxay garanayaan waxa laysku ahaa iyo wixii laysku qiimayn jiray, laakiin dadkan dambe garan-maayaan. Maantana waxa weeyi, annagu dooni mayno colaad, Illaahay baanu ka magan galnay.
Dhinaca kale, waxa jewigii bannaan-baxa iyo dareenkii shacabka uga war-bixiyey wargeyska Himilo Suxufi madax-banaan oo ka hawl-gala gobolka Sool, kaas oo ka qayb-galay munaasibad loo sameeyey isu-soo baxa dadweynuhu dareenkooda ku muujiyeen.
“Bannaan-baxayaashan waxay socod dheer ku mareen laamiga dhex mara Magaalada oo aan si wanaagsan la isugu gudbijirin, taasooy sabab u tahay oo Colaad mudo ka taagnayd magaalada.
Runtii waxay ahayd markii u horeysay een magaalada tago, waxase fejeciso igu noqotay markii laygu yidhi Meel magaceeda laygu sheegay Barta Kala-Noqodka oo dadku ku kala leexan jireen, taasna dadkii bannaan-baxayeybaa jiidhay,” sidaas waxa yidhi Xasan Warsame oo ah suxufi ka hawl-gala warbaahinta gobolka Sool oo u warramay weriye ka tirsan Himilo.
“Intii xafladdu socotay, wejiyada dadka waxa laga dheehanayey farxad, mararka qaarna waxaaban arkayey dad u ilmanayey siday ugu baahnaayeen nabadda. gaar ahaan haweenka oo baahi badan u qaba nabada oo Colaadda sokeeye si gaara u saamayso,” ayuu Xasan hadalkiisa raaciyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment