Wednesday, January 28, 2015

Wasiirka Caafimaadka oo caddeeyey inaan mudaharaad siyaasadaysan ka baajinayn gudashada waajibaadka saaran

“Arrintaas dhacday waxay ahayd qorshe la soo abaabulay oo Siyaasadaysan…” 

Laascaanood 27 January, 2015 (Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) ayaa Maanta Magaalada Laascaanood waxa uu ka furay Shir Sannadeedkii Caafimaadka, kaas oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee wasaaradu ku qabato gobol ka baxsan caasimada.

xaglo toosiyeShirkan Waxa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime Waaxeedyada iyo Qaybaha Wasaaradaasi ka Kooban tahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka xogwaramay Waxqabadkii u hirgalay bahda Caafimaadka Sannadkii tagey ee 2014 iyo Qabyada jirta ee la rabo in sannadkan la dhamaystiro.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo si rasmi ah u furay Shir sannadeedkaas ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay in Markii koowaad ee ay shir miisaankan oo kale leh ku qabtaan Xarunta Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood.

Wasiirku waxa uu is-dul-taagay nuxurka iyo ujeedada Shirkan ka leeyihiin “Shirkan waxaan rabaa in madaxdu ay ku soo saarto qorshaha aynu rabno inaynu gaadhno, si aynu u dhamaystirno Wixii himilo ah ee inoo qorshaysan, Sannadkii hore wixii inaga qabyoobay waa inaad miiska soo saartaan si aynu u qabyo tirno”.

Markaas kadib Waxa uu Wasiirka Caafimaadka iyo madaxda Wehelinaysay ay Kormeer ku soo sameeyeen Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sool iyo qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood isagoo soo indho indheeyay Xaalada Cisbitaalka iyo bukaan jiifka yaala waxaanu warbixin ka dhagaystay Gudida horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool.

Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye  oo halkaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay isbedelka Cusbitaalka Laascaanood ku yimid muddadii uu xilka hayay “Runtii Maalintii Wasaaradan la ii dhiibay Dhakhtarkani Wuu xidhnaa, Wasiirkii Xilka igu wareejiyay Xil wareejintiisii ayay ka mid ahayd dhakhtarka Laascaanood iyo ka Ceerigaabo inay xidhan yihiin, Safarkii ugu horeeyay ee aan ku imidna qashin baa tuulnaa waxa maanta ii farxad ah inuu furan yahay oo shaqaynayo oo dadku jiifaan dhismayaashuna ku soo kordheen, Safarkii u horeeyay ee aan imid waxa la igu lahaa Dhakhtarka noo fur, maantana haddaad leedihiin dhakhtar qalliin ayaanu u baahanahay waa alxamdullilaahi”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Horumarku maalin kuma yimaado maadaama cusbitaalka dhawaan la furay wakhti ayay qaadanaysaa, sidii waxa ka dhiman loo buuxiyo, muddadii sannadka iyo badhka ahayd ee aan joogay wasaarada waxyaabaha kale ee aan qabtay waxa ka mid ah Iskuulka Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ee Gobolka Sool oo lacag Saddex boqol oo Kun oo dollar ku dhowi ay gashay, anaa dhagax dhigay oo dhisay isla markaana furay waa dhisme dhaxalgal ah oo soo saari doona kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee dalka guud ahaan iyo gobolka Sool ba u baahnaa”.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu tilmaamay Mashaariic door ah oo uu ka hirgaliyay Gobolka Sool isagoo fulinaya balanqaadkii Madaxweynaha waxaanu yidhi “ Meesha la yidhaahdo Kalabaydh, Xudun iyo Awr boogays hay’ad UNFPA la yidhaahdo Ayaan ku soo xidhay oo qalabka iyo daawadana bixisa, isla markaana Mid walba oo ka mid ah Saddexdaas Xarumood Shaqaalaha ka hawlgala siisa  Guno fiican” .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Xaglo-toosiye waxa uu ka hadlay dad dano siyaasadeed leh oo Madaxweynaha hortiisa ka sheegay in caafimaad aanu jirin “arrintaas dhacday waxay ahayd qorshe la soo abaabulay oo Siyaasadaysan, Waxay u malaynayeen in Madaxweynuhu aanu ka warqabin xaalada caafimaad ee dalka, waa Nasiib daro, laakiinse waan fahamsanahay anigu, waxaa jira dad la dagaalama oo aan jeclayn in Gobolka wax loo qabto, Weliba waa siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Sool, Kuwaasoo la dagaalamaya qofkii raba inuu wax ka qabto, Waxaan idiin cadaynayaa in Shakhsi ahaan aanan u joojinayn dadka noocaas u fikiraya, Wixii aan qaban karana waan qabanayaa”. Ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

No comments:

Post a Comment