Monday, February 16, 2015

2000-Tahriibayaal ahaa Oo Ciidanka Badda Talyaanigu Soo Badbaadiyeen

Lampedusa:Feb,16,2015(Himilo)-Inka badan 2000, oo Tahriibayaal ah, ayaa ciidamada Badda Talyaanigu kasoo badbaadiyeen Badda Mediterrenean-ka ee u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga.

World Press Photo 2014 - General News Singles - 2nd PrizeTahriibayaashan, ayaa la sheegay inay saarnaayeen 12-doonyood oo ka baxay Dalka Libya, iyadoo Toddobaadkii hore uun ay Baddaas ku dhinteen ku dhawaad 300, oo tahriibe.

Howl galkan bad baadinta oo ah kii ugu ballaadhnaa ee ay sameeyaan ciidamada ilaalada xeebaha ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaarado, maraakiib dagaal iyo maraakiib kale oo yar yar ah, iyadoo tahriibayaashan ay markii hore farriimo deg deg ah soo dirsadeen si lagu bad-baadiyo.

Tahriibayaashan ayaa ku safrayey doomo yar yar oo qaarkood ah kuwo la buufiyo, waxaana laga bad baadiyay meel 80-KM ka baxsan xeebaha waqooyi ee dalka Talyaaniga.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegeysa in tahriibayaashan loo kaxeeyay xerooyin ku yaala dalka Talyaaniga, waxaana u badnaa dadkii la socday doomahaas caruur iyo haween.

Qul qulka Tahriibayaasha ayaa ahaa labadii sano ee la soo dhaafay mid aad u xoogeysanayay, iyadoo Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga ku dhinteen ilaa 3-kun oo ruux.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment