Wednesday, February 4, 2015

Go’aamo ka soo baxay Kulan ay Saraakiisha Booliska iyo Guddiyada Nabadgelyadu kaga Arrinsadeen Ammaanka Caasimadda

Hargeysa, 04 Feb, 2015 (Himilo)- Taliyaha Booliska Sareeyo-guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ay weheliyaan iyo taliyeyaasha Saldhigyada booliska, Maayar ku-xigeenka Caasimadda iyo Guddiyada Nabadgelyada Degmooyinka magaalada Hargeysa, ayaa shalay xarunta Dawladda Hoose ku yeeshay kulan lagaga tashanayey xoojinta Ammaanka Caasimadda iyo sidii laysaga kaashan lahaa xakamaynta nabadgelyo-darrada ka dhalata rabshada ay bulshada ku dhibaateen dhalinyarada kooxaha u dagaalama iyo kuwa xilliyada habeenkii jidadka ku baadha dadka.
golahaKulankan ayaa waxa la isku afgartay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya bulshada iyo Ciidanka Booliska, isla-markaana la iskaga kaashan lahaa in laga hortago cid kasta oo carqaladaynaysa ammaanka Caasimadda Hargeysa, sida ay sheegeen Afhayeenka Ciidanka Booliska iyo Maayar ku-xigeenka oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta u faahfaahiyey ujeeddada kulankooda iyo waxyaabaha lagaga wada-hadlay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax, waxa uu sheegay sharraxayay ujeeddada kulankooda, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Kulankani wuxuu ku saabsan yahay sidii ay iskugu xidhimi-lahaayeen waaxyaha arrimaha bulshada iyo Boolisku oo ay dhinac uga soo wadda jeesan lahaayeen Nabadgelyadda, Mukhaadaraadka iyo wax kasta oo anshax-xumo ku ah Umaddeena sidii la iskaga kaashan lahaa oo gacan bir ah loogu qaban lahaa, waxaana la isku afgartay sidii Dhalinyaraddan mushkiladaha keenaysa gacan bir ah loogu qaban lahaa,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay, “53 Inan-baa la xukumay oo Xabsiyo kala duwan oo dalka ka mid ah loo kala gudbiyay dhawr iyo afartana hadda gacantaanu ku haynaa. Waalidiinta waxaanu leenahay Ubadkiina haddii aad qabsan weydaan waa la idin qabanayaa oo Dawlad iyo nidaam-baa jira, Waddanku fawdo noqon-maayo, Inan-kana waa la qabanayaa waana la edbinayaa sharcigaana la hor-geynayaa,” sidaas ayuu yidhi Maayarku.
Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Axmed Xaashi (Cagaweyne) oo kulanka ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxa halkan iskugu yimid Booliskii Somaliland oo uu hogaaminayo Taliyaha Boolisku oo aanu halkan ka hambalyaynayno, Afhayeenka Booliska iyo labada taliye qaybeed, 13 taliye Saldhig Boolis, dhamaan sideedda Guddoomiye degmo ee Caasimaddu ka kooban tahay iyo dhamaan Guddiyadda Nabadgelyadda Caasimadda oo ah dadkii matalayay shacabka ku dhaqan Hargeysa, waxaanu ka wada-hadlaynay sidii kor loogu qaadi-lahaa Nabadgelyadda, waxaanu daba socday shirkii kan ka horeeyay oo aanu Nabadgeyladda Caasimadda kaga hadlaynay.”
Maayarku xigeenku waxa uu intaas ku daray “Waxaanan halkan ka balan-qaadaynaa in amaanka Caasimaddu adkaan-doono oo aanu ka war hayn-doono, hadday tahay Kantarooladda laga soo gelayo Magaalada, hadday tahay Guryaha la kiraysanayo iyo hadday tahay dadka Gadiidka raacaya oo aanu la socon doono dhaq-dhaqaaq kasta oo ka dhaca Caasimadda sidaanu horeba ugu soconay, feejignaan dheeraad ahna waanu samayn doonaa,” ayuu yidhi Maayar ku-xigeenku.
Himilomedia.Com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment