
Ururka ISIL oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah wadamada Ciraq iyo Siiriya ayaa dalbaday in la is weydaarsaarsado duuliye Kassasbeh iyo Sajida al-Rishawi oo ah gabar ku xiran dalka Jordan.
Rishawi ayaa ku jirtay illaa iyo sanadkii 2005tii gacanta xukuumada Jordan, waxaana gabadhan lagu xukumay dil kadib markii lagu helay dambi ah inay dooneysay in ay geysato weerar argagaxiso. Rishawi ayaa ka mid ahayd koox hubeysan oo weerar isqarxin ah ku qaaday hotelka Radisson SAS ee magaalada Camman oo ah caasimada dalka Jordan bishii November 2005,weerarkan ayaa waxaa ku dhintey lixdan ruux.
Dowlada Jordan ayaa hore u ballanqaaday in ay diyaar u tahay is dhaafsiga duuliyaheeda iyo Rishawi balse marka hore ururka ISIL uu xaqiijiyo nolosha duuliyaha.
Kassasbeh oo ah duuliye 26 jir ah ayaa ururka ISIL waxa ay ku qabsadeen kadib markii ay la soo dhacday diyaarad nooceedu ahaa F-16 taasoo ka qeyb ahayd weeraro lagu qaadayay fadhiisimo ay ciidamada ISIL leeyihiin waxana la rumeysan yahayn in duuliyahan lagu hayo magaalada Raqqa oo ah xarunta ururka ISIL.
Wareysi uu taleefishinka Al Jazeera la yeeshay Sabtidii hooyada dhashay duuliye Kassasbeh ayaa ka codsatay hogaamiyaasha ISIL inay sii daayaan wiilkeeda.
“Fariin ka socota qof Muslim ah kuna socota Muslim kale, waxaan idinka codsanayaa inaad noo sheegtaan xaalada Moaz, waxaan sidoo kale idinka codsanayaa in aad si wanaagsan ula dhaqantaan oo aadna soo deysaan. Waxaan idin baryayaa inaad u naxariisataan,”ayay tidhi Om Jawad al-Kassasbeh.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment