Wednesday, February 11, 2015

Maamulka Dekedda Berbera oo ka hadlay Ujeeddada Shir ay Shaqaalahooda u qabteen iyo Warar laga baaiyey Markabkii Hubka lagu qabtay

Berbera, 11 Feb, 2015 (Himilo)- Maamulka Dekedda Berbera, ayaa hadlay warar lagu baahiyey saxaafadda dalka qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay in Maareeyaha iyo ku-xigeenka dekeddu magaalada Berbera ku qabteen shir ay kaga soo horjeedaan shirkadda Ballore oo lagu wado inay maal-gelin ku samayso dekedda.
maamulka DekeddaMaamulka Dekedda Berbera waxa kale oo ay beeniyeen warar lagu faafiyey warbaahinta qaarkood oo sheegayey in cid gaar ahi hub kala degtay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda Berbera oo lagu qabtay Saanad-milatari.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor oo ay weheliyaan Maareeye ku-xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee Dekedda oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland isla leedahay go’aan ka-gaadhista iyo ka-talinta horumarinta dekedda Berbera isla markaana ay diyaar u yihiin fulinta go’aamada ka soo baxa Guddi Wasiirro, maareeyaha Dekedduna ku jiro oo loo xil-saaray ka midho-dhalinta heshiiska maal-geshi ee shirkadda Ballore.
Ugu horeyn waxa shirka jaraa’id ka hadlay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Maal-gelinta Dekedda Berbera ee dowladda raadinaysaa waa arrin qaran oo gaarkiisa u socda waana mashruuc weyn oo loogu talo-galay in mujtamaca reer Somaliland looga faa’ideeyo iyo waliba shucuubta aynu jaarka nahay sida dalka Itoobiya, taas macnaheeduna waxa weeyaan in dekedda laga dhigo meel soo saarta ugu yaraan toban-laab waxay maanta soo saarto si ay wax uga tarto dhaqaalaha mustaqbalka dadka reer Somaliland iyo dalalka aynu jaarka nahayba, si ay waliba magaalada Berbera uga dhigto magaalo-xeebeed qiimo leh oo kortay, kaasina wuu socday, walina wuu socdaa. Madaxweynaha iyo dowladduna marka ay helaan meesha ugu fiican ee reer Somaliland anfacaysa, ayuunbuu heshiiskaasi dhaqan-galayaa, sida madaxweynuhu noo sheegay. Waayo, wada-hadallaa lagu jiraa, wada-hadalladaasina waxay u dheeraadeen in meesha ugu wanaagsan aynu ku helno si aanu khaladaad uga soo bixin, waayo heshiis muddo ahbuu noqonayaa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Cali Xoor-Xoor. Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Aniguu waxaan ka mid ahay Guddi wasiirro ah, wax naga khaldan oo halkaas ka soo baxayaana ma jirto, marka dambena madaxweynaha ayaanu u gudbinaynaa markaanu is-nidhaahdo wuxuu dhammaystiran yahay oo danteenna iyo danta shacabka ayaa ka muuqanaysa.”
Maareeyaha Dekedda Berbera waxa kale oo uu ka hadlay warar sheegayey in musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin lagu sameeyey markabkii dhawaan ku soo xidhay dekedda Berbera, waxaanu yidhi, “Markabkii maalintii dhawayd dekedda yimi iyo hawshiisii, hadal badan oo saxaafaddu la faafiyey baa jirtay. Annagu arrinkaasi maalintii u horeysay baanu ka hadalnay deked ahaan, nidaamka aanu u marnay dhammeystirkiisana wuxuu ahaa kii ugu saxsanaa ee ay wax ku dhammaan lahaayeen.
Badeecadaha yimaadda Dekeddu Boqolkiiba boqol way xafidan yihiin, waxaan sharci ahayn oo ka degaana ma jiraan, sifihii ugu sharcisanaa ee loo mari lahaa arrinkaas xalkiisana, waanu u marnay. Lacag laga qaatay ma jirto, hub lagala hadhay ma jiro, wax khaldan oo meesha soo galay iyo sifo khaldan oo arrinkaas loo xaliyeyna ma jiraan.”
Eng Cali Xoor waxa uu sidoo kale ka hadlay wax-soo-saarka dekedda Berbera, waxaanu yidhi,
Dekedda Berbera taladeeda dawladda Somaliland baa leh, badeecadaha maraa way sii kordhayaan, sannadkii ina dhaafay waxa soo krodhay boqolkiiba labaatan, xooluhu saddex milyan iyo dheeraad bay ahaayeen.”
Sidoo kale, Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera Cumar Abokor Jaamac oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id, ayaa hadlay shir dhowaan ay u qabteen shaqaale-weynaha dekedda Berbera, kaas oo uu ku tilmaamay ay ugu talo-galeen diyaar-garowga qaybo cusub oo lagu kordhinayo dekeddda. Waxaanu ku dooday inaanu shirkaasi ahayn mid ka soo horjeeday siyaasadda Xukuumadda.
Maareeye ku-xigeenku waxa uu sheegay in barnaamijka iyo rabitaanka maamulka dekedda Berbera ka tarjumayo siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi, “Shirkii maalintii dhawayd aanu qabannay wuxuu ahaa shir wax-qabad oo aanu doonaynay barxaddii labaad ee aanu dekedda u samaynaynay inaanu ku sii bilowno oo shaqaalaha ku baraarujinno. Baloorihii (Balorre) aanu soo hadal-qaadnayna wuxuu ahaa Guddi wasiirro ah oo maareeyuhu xubin ka yahay ayaa gacanta ku haya, gacantaa ay ku hayeen iyo ka fiirsashadoodaas ay raagayso in danta dalka iyo shacabka reer Somaliland loo raajinayo oo wax cuntama oo munaasib ah laga soo saarayo, midhkaasna guddiga wasiirrada ah ee maareeyuhu ka mid yahay isku raacdo marka dambena madaxweynaha loo geynayo, wixii ay isku raacaan baanu diyaar u nahay oo fulinaynaa, barnaamijkayagu waa kaas ee muu ahayn barnaamij aanu ugu talo-galnay inaanu dadka ku kacnno Ballore, sida loo dhigay hadalka.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment