
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Sheekh Cumar Qawdhan Muxumed oo ku geeriyooday maanta (shalay) 04/02/2015 magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mujaahid miisaan culus ku dhex leh qaranka Somaliland iyo Shacbigaba, baal dahab ahna kaga jiray, una hibeeyey wakhtiyadii adkaa ee dalku ka soo gudbay maalkiisa iyo muruqiisaba, door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” sidaas ayaa lagu yidhi dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyaddii marxuum Sheekh Cumar Qawdhan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment