Friday, February 13, 2015

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Dadweynaha Iyo Dawlada Jabuuti Ee Uu Ka Geeriyooday Guddoomiyihii Baarlamanka Dalkaasi

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray dadweynaha iyo dawlada dalka Jabuuti ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii Baarlamaanka dalka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali, oo ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka faransiiska oo dhawaanahan lagu daaweynayey, ilaahay naxariistii janno hawgu deeqee.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Golaha Baarlamaanka Jabuuti, Dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Jabuuti, iyo Shacbigeeda oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Dawlada Jabuuti, Golaha barlamaanka, guud ahaan laamaha dawlada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Jabuuti ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo masuulkaasi ka baxay ummadda Jabuuti.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment