Addis Ababa, 03 Jan, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Riyad Machar, ayaa wada saxeexday heshiis ay ugu dambeyn shanta bisha march ee sanadkan ku soo afjarayaan colaadda ragaadisay dalkaas oo ah waddanka ugu da’da yar dunida, kaddib markii ay sannadkii 2011 afti dadweynaha laga qaaday kaga goosteen dalweynihii laysku odhan jiray Sudan.
Hoggaamiyeyaasha gobolka ee ku shiraya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa mar kale ku hanjabay in ay tallaabooyin aan la cayimin ka qaadi doonaan labada dhinac haddii ay xilligaasi loo qabtay dhaqan gelin waayaan heshiiska oo ay ku gaadheen in si deg-deg ah loo soo dhiso dawlad ku-meel gaadh oo Salva Kiir madaxweyne ka yahay.
Heshiiskani cusub ayaa dhinacyada ay colaadda ka dhaxeysa waxa ay isla garteen in ay ixtiraamaan oo ay dhaqan geliyaan xabbad joojin ay kala saxeexdeen bishii January ee sannadkii la soo dhaafay oo ay labaduba saxeexeen xabad-joojin lagu soo afjarayo colaadda uu dhiigga badan ku daatay oo soo jiitameysay muddada ka badan halka sano, colaaddaasi oo ay ku naf waayeen kummanaan qof.
Digniin loo jeediyey
Dhex-dhexaadiyaha labadan dhinac oo ah wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin oo ka hadlayay xafladda lagu saxeexayay heshiiskani ayaa sheegay in urur goboleedka IGAD uu diyaar u ahaa in uu cuna-qabateyn ku soo rogo labadani hoggaamiye haddii ay ku guul dareysan lahaayeen in ay heshiis gaadhaan iyo haddii ay jabiyan kan ay hadda gaadheen.
Wada-hadalada ayaa haatan la hakiyay ilaa labaatanka February, xilligaasi oo la filayo in labada dhinac ay ku heshiiyaan sidii ay awoodda u qeybsan lahaayeen.
Muxuu yahya Awood-qaybsigu?
IGAD ayaa soo jeedisay in madaxweyne Salva Kiir uu sii hayo xilka madaxweynenimada ee dowlad ku meel gaadh ah halka Dr Mechar loo magacaabi doono madaxweyne ku xigeenka koobaad.
Labada dhinac ayaan ilaa iyo haatan wax heshiis ah ka gaadhin qorshahan, waxaana hadda la siiyay wakhti ay hindisahaasi uga soo arrinsadaan.
Kummanaan qof ayaa naftooda weyday tiro ka badan hal milyan iyo badh kalena waa ay barakeceen tan iyo bishii December sanadkii 2013-kii, xilligaasi oo ahayd markii ay colaadda ka billaabatay dalka Koonfurta Sudan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment