Thursday, February 5, 2015

Ololinta Duuliyihii Reer Urdun Oo Imaaraadka Carabta Ku Khasabtay Inay Joojiyaan Duqayntii Diyaaradaheedu Ku Hayeen Goobaha Daacish Ku Sugan tahay

Dubai:Feb,05,2015(Himilo)-Imaaraadka Carabta oo kamid ahayd Xulafada Diyaaradahoodu duqaynta ka wadaan Goobaha Ururka Daacish gacanta ku hayaan, ayaa ka baxday Duulaankaas, kadib markii si arxandarro ah loo ololiyey Duuliyihii Reer Urdu nee Isis Gacanta ku haysay.

isgSarkaal Dawladda Maraykanka u hadlay ayaa sheegay inaan Imaaraadku ka qayb qaadan Duqaynta lagu Beegsanayo Daacish ilaa bishii December oo ahayd markii la qabtay Duuliyaha Urdu nee Daacish Nolosha ku gubtay “Waxaan kuu caddayn karaa in UAE joojisay Duqaymihii Cirka, wax yar kadib markii la soo riday Diyaaradda uu waday Duuliyaha Urdun” ayuu Wakaaladda AFP u sheegay Sarkaal Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Sarkaalka Maraykanka ayaa UAE ku tilmaamay Xubin muhiim ah oo qiimo ku leh isbahaysiga,islamarkaana uu rajaynayo inay sii wadi doonto dagaalka lagula jiro Daacish.

Sarkaalka Maraykanka ayaa Arbacadii si sir ah ula hadlay Wakaaladdaha wararka maadaama aan qorshahan warbaahinta hore loogu bandhigin.

Dawladda Imaaraadka ayaa la aaminsan yahay inay u tudhanayso Duuliyeyaasheeda kadib markii bishii December Daacish soo riday Diyaaradda uu waday Kassasbeh oo ahaa Duuliyaha Daacish gubtay, laguna guul daraystay dedaalo badan oo Urdun u gashay soo dayntiisa.

Wargeyska New York Times, ayaa noqday warkgayskii u horeeyay oo baahiyay go’aanka Imaaraadka Maalin uun ka dib markii uu soo baxay muuqaalka muujinaya wadaha diyaaradeed ee Urdun oo nolosha lagu gubay.

Marka laga yimaado UAE, waxaa hawlgalka dhanka Cirka ah ee Ururka daacish ku wajahan ku jira Bahrain, Jordan iyo Saudi Arabia, kuwaasi oo qayb ka ah hawlka Suuriya ee bilawday bishii September.

Sidoo kalena waddamada Australia, Belgium, Canada, Denmark, France, Netherlands iyo United Kingdom, ayaa ku jira Isbahaysiga ka hawl gala Ciraaq oo duqaynta bilaabay bishii August.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment