
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Waxa kale oo aan idiin sheegaynaa cid xoog cid kale wax kaga haysan kartaa ma jirayso, hadday dhul tahay,hadday guri tahay iyo hadday wax kale tahay taasina ma dhacayso, waana dib u habaynta Cusub ee Wasaaradda Daakhiliga iyo Hay’adaha Boolisku isla qaateen ee taasna ku bushaaraysta hadday gobol tahay iyo hadday Caasimadda tahayba,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland.
Waxa kale oo uu Wasiirku Cuqaasha kala hadlay xakamaynta falalka ammaan-darrada ah ee dhalinyaradu ka geysato caasimadda, waxaanu yidhi, “Iyada oo hawlgalkiina socdo, laga bilaabo sanadkan cusub Liiska Ilmaha yar ee aanu hayno, ama magaalada ha joogo ama ha ka maqnaadee, goor aanu qabanaba, waanu qabanaynaa.waanu haynaa tiro koobkoodii daanta uu doonaba ha joogee.”
Wasiirku waxa uu Cuqaasha u soo jeediyey inaan wax mag ah ama diyo ah lala wadaagin qoyska uu ka dhashay cidda waxyeello ama dil u geysata qof kale, “Cuqaasha waxaan leeyahay Inanka yar ee Cid dila ama dhib gaysta waa inaan lala bixin oo sidii Inoo caaddada ahayd aan Qoyskooda lala qaybsan Qoonta ama Magta ee dhibaatadu Qoyskooda ku koobnaato,” ayuu yidhi Wasiir Cali Cilmi.
Wasiir xigeenka Amnigu waxa uu farriin u diray Bulshada Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan farriin uga dirayaa Bulshada Somaliland oon leeyahay Way soo jeedaan Hay’addaha amaanka oo wasaaradda Daakhiliga iyo Ciidamadu ugu horeeyaan, waxay indho dheer ku eegayaan cidkasta oo nabad galyada khalkhalinaysa,mana u dulqaadan doono, haddii ay Inan yar tahay iyo hadday Cadaw shisheeye tahayba.waxaanu leenahay Ninkii hadhaw qoomamayn doonow ilmahaaga hayso, addigaana ku xigi oo Boolisku ku xidhi,magna ma leh Cid kasta oo Nabadgalyada waxyeelaysay oo Boolisku dilo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment