Tuesday, February 10, 2015

Xaalad cabsi wayn ku abuurtay Malaayiin qof iyo Shirkadaha Dalxiiska oo ka dhex-taagan dalalka Kenya iyo Tanzania

Nairobi, 10 Feb, 2014 (Himilo)- Xaalad cabsi-gelinaysa dhawr Milyan oo Shirkadaha Dalxiiska ah, ayaa billaabatay sannadkii tegay, kaddib markii dawladda Kenya ay xayiraad kusoo rogtay Maraakiib laga lahaa dalka Tanzaniya oo ay Xad wadaagaan.
blind_tourism_kenya_304x171_b_nocreditArrinkan ayaa macnahiisu yahay Gaadiidka iyo Gawaadhida kale ee shixnadaha dadka ah qaada ee laga leeyahay dalka Tanzania, inaanay keeni karin Dalxiisayaal ama ka qaadi karin garoommada diyaaradaha ee ku yaalla waddanka Kenya.
Hase-yeeshee, arrinkan ayaa buuq ka dhex dhaliyay shirkadaha Dalxiiska ka shaqeeya ee Tanzaniya, kuwaasoo dawladdooda Tanzaaniya ku wargeliyay in ay ka codsato dawladda Kenya in ay joojiso xayiraaddaas ay ku soo rogtay.
Balse Wasiirka Dalxiiska ee Kenya Phyillis Kandie, ayaa go’aansaday in uu xayiraad kusoo rogo, ka dib markii ay dhammaatay muddo saddex toddobaad ahayd oo laga xaajoonayay xallinta khilaafkan.
Arrintan ayaa indha-indheeyayaasha sida dhaw ula socdaa, waxay ku sheegayaan inay tahay aargudasho ay Kenya sameyneyso, ka dib markii Tanzania ay xidhay xuduudda Bolongonja, halkaasi oo muhiim u ah labada dal ee leh Carwooyiinka Xayawaanaadka caalamka ugu caansan ee kala ah Serengeti and Masai Mara.
Khubarada Dalxiiska ayaa ku qiyaasaya in ugu badnaanti boqolkiiba afartan halkii Milyan ee Dalxiisayaaal ah ay booqdaan Tanzaniya sannad walba, iyaga oo sii mara garoonka diyaaradaha Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Socdaalka Dalxiiska ayaa Kenya waxaa kasoo gala 1.9 hal Bilyan oo doollar sannadkiiba kahor intaanay Dalxiisayaashu u gudbin goobaha Dalxiiska ee dalka Tanzaniya. Darawallada Gaadiidka Dalxiisayaasha qaada ee Tanzaniya, ayaa sheegaya in xayiraadda Kenya ay walaac iyo murugo gelisay Dalxiisayaasha Nairobi uga soo gudbi jiray Tanzaniya.
Inkastoo ay labada dalba ka mid yihiin Ururka ay ku mideysan yihiin dalalka Bariga Afrika ee dhawaan la aasaasay, is aamminaad la’aanta ka dhexeysa Kenya iyo Tanzania waxa ay sii ahaan doontaa caqabadda hortaagan dhaqaalaha rasmiga ah iyo is dhaxgalka Bulshada ee labada dhinac ka dhexeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment